Xoghayaha Degmada Dawlada hoose ee Caynaba Oo Lagu eedeeyay Inuu lunsaday Lacag Deyn Ah Oo Ay Dad Shacab Ahi Degmada Ku Lahaayeen.

0
Thursday April 03, 2014 - 21:22:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Degmada Dawlada hoose ee Caynaba Oo Lagu eedeeyay Inuu lunsaday Lacag Deyn Ah Oo Ay Dad Shacab Ahi Degmada Ku Lahaayeen.

    Caynaba(xogreebnews.com-Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Ku Dhaqan Magaalada Caynaba Ee Xarunta Gobolka Saraar Ayaa Cabasho Xoog Leh ka muujiyay Maamulka Dowlada hoose ee degmada Caynaba oo ay ku eedeeyeen Inay Diideen Bixinta Lacag Dayn Ah oo Hore Loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caynaba(xogreebnews.com-Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Ku Dhaqan Magaalada Caynaba Ee Xarunta Gobolka Saraar Ayaa Cabasho Xoog Leh ka muujiyay Maamulka Dowlada hoose ee degmada Caynaba oo ay ku eedeeyeen Inay Diideen Bixinta Lacag Dayn Ah oo Hore Loogu Caynaba(xogreebnews.com-Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Ku Dhaqan Magaalada Caynaba Ee Xarunta Gobolka Saraar Ayaa Cabasho Xoog Leh ka muujiyay Maamulka Dowlada hoose ee degmada Caynaba oo ay ku eedeeyeen Inay Diideen Bixinta Lacag Dayn Ah oo Hore Loogu Wareejiyay Taasi oo ay ku Lahaayeen Dowlada Hoose Ee caynaba.
Lacagtan Daynta Ah oo ah Mid Aad u Badan ayaa waxaa Wareejiyay Maayarkii Hore ee degmada Caynaba Khaliif Ismaaciil Saleban kaasi oo si Rasmi ah ugu wareejiyay Maayarkii Cusbaa ee La Doortay ka dib doorashadii Golaha deegaanka ee dalka ka qabsoontay iyagoo sheegay in Maayarkaasi uu ku wareejiyay Maayarkii Xilka kala wareegay oo lagu Magcaabo Faysal Axmed Jaamac (Faysal Sanweyne) Kaasi oo isagana Hada Xilkaasi laga qaaday Isla markaana la Filayo inuu Xilka Iska wareejiyo Maalinta Sabtida ee Inagu Soo Foolka Leh.

Waxaa ay sheegeen in Markii ay Maayarka iyo Xoghayaha Ka Codsadeen Inay Bixiyaan Lacagtaasi Deynta ah isla markaana lagu soo wareejiyo dadkii Masaakiinta ahaa ee Lahaa uu xoghayaha Dowlada Hoose ee Caynaba U Sheegay Inaanu Bixinayn Isla markaana aanu Saxeexi Doonin Maadaama uu Bixiyay Siduu Isagu Sheegay Taasina waxaa ay ku sheegeen inay tahay been aan sal iyo raad toona Lahayn ee ay Tahay Mid uu isagu Lunsaday oo uu ka Galgalanayo Hadii Aanu Degdeg U Bixina Ay Jawaab Ka Bixin Doonaan Sidii ay u Heli Lahaayeen Lacagtooda Deynta ah ee ay Mudadaas Dheer ku Lahaayeen Dowlada Hoose.
Hadaba Xoghayaha Dowlada Hoose ee degmada Caynaba Cumar Maxamuud Muuse ayaa si weyn loogu eedeeyey inuu Si Badheedh ah u Diiday Saxeexida Iyo Bixinta Lacagtaasi Daynta Ah ee lagu leeyahay iyagoo ku tilmaamay Masuul ilaa Dawladii Riyaale Aan xilkaasi laga Bedelin Isla markaana ku Gaamuray Musuqmaasuqa iyo wax isdaba Marinta Maamul ee Dowlada Hoose ee Caynaba Isagoo Wareejiyay isla markaana Lacag Siistay Gaadhi Ay Lahayd Dowlada Hoose kaasi oo la sheegay in Qaadka Loogu qaado Degaanka Qorulugud ee gobolka Togdheer oo xoghayahani Uu Dhalasho Ahaan Kasoo Jeedo.
Sidoo kale waxaa ay Dadkan shacabka ahi Cabashadooda ku sheegeen inay ka codsanayaan wasaarada arimaha Gudaha Somaliland gaar ahaana Wasiirka Inuu Kasoo Gaadho Masuulkan Xilkii Loo Dhiibay Ku Takrifalaya Isla mar ahaantaasna hadii aan laga soo gaadhin amase aanay xukuumadu wax ka qaban ay dhici karaan waxyaabo fool xumo ah oo isagu uu masuul ka Ahaan Doono.Dhanka kale Xoghayaha Degmada Caynaba waxaa lagu eedeeyey inuu masuul ka ahaa bixinta iyo wareejinta dhismaha Gurigii Hore ee dadweynaha ee magaalada Caynaba oo uu ka iibiyay nin ay qaraabo yihiin oo lagu magcaabo Cabdi Barre Balse Nooma Aysan Suura gelin Inaanu Wax ka waydiino Ninkaasi Waxan Lagu Eedeyay.
Si Kastaba Ha ahaatee Xoghayaha Dowlada hoose ee degmada Caynaba Cumar Maxamuud Muuse oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino arimahan iyo eedahan dusha laga saaray sida ay wax uga jiraan iyo jawaabta uu ka bixinayo nooma aysan suura gelin isagana Maadaama uu telefoonkiisa Gacantu Dansanaa Ama Xidhnaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured