Qaybtii 2-aad: Sir Fakatay: Madaxwayne Siilaanyo Waxa Uu Ku Fashilamay Codsigii Uu Sida Dadban Ugu Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliya Ee Ahaa in Marwo Foosiya Laga Qaado Xilka Wasiirnimada Arimaha Dibada

0
Tuesday March 12, 2013 - 08:29:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 2-aad: Sir Fakatay: Madaxwayne Siilaanyo Waxa Uu Ku Fashilamay Codsigii Uu Sida Dadban Ugu Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliya Ee Ahaa in Marwo Foosiya Laga Qaado Xilka Wasiirnimada Arimaha Dibada

    Dawlada ingiriisku 07/5/2013-ka waxay shir balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo soomaalida ku qabanaysaa magaalada London waxaana ka soo qayb geli doona dawladaha reer galbeedka ee loo yaqaano qaadhaan bixiyayaasha iyo kuwa dunida carabta oo ay horm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada ingiriisku 07/5/2013-ka waxay shir balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo soomaalida ku qabanaysaa magaalada London waxaana ka soo qayb geli doona dawladaha reer galbeedka ee loo yaqaano qaadhaan bixiyayaasha iyo kuwa dunida carabta oo ay hormood ka yihiin dawaldaha khaliijku hadaba sida uu madaxweyne siilaanyo doonayo in uu u wajaho shirkan waxaa la odhan karaa nin anbaday halkuu aaday way ula eekoonyed anigoo arkaayaan wadada eerigoo maray, waxayna ahayd in uu ku ekaado oo kaliya hadii uu shirka ka qayb galayo in uu sii diyaarsado wixii uu shirka la tegi lahaa kalana tashado cida lama huraanka ah ee ay arintani khuseyso oo kaliya hase yeeshee madaxweyne siilaanyo wuxuu ku mashquulsan yahay oo uu waqti badana ku lumiyey aduun badana ku bixiyay sidii xilka wasiirnimo ee arimaha dibeda looga qaadi lahaa Marwo Foowsiya Yuusuf Xaaji Adan isaga oo adeegsanaya wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada nayroobi ee dalka Kenya Maxamed C/llahi (Sifir) oo isaga laftiisu dawladihii ku meel gaadhka ahaa ee ka horeeyey dawladan federaalka ahaa ka soo qabtay xilalka wasiirka arimaha dibeda iyo Raysal Wasaare ku xigeen madaxweyne Siilaanyana ay beel ka soo wada jeedaan.

Qaybtii 2-aad: Sir Fakatay: Madaxwayne Siilaanyo Waxa Uu Ku Fashilamay Codsigii Uu Sida Dadban Ugu Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliya Ee Ahaa in Marwo Foosiya Laga Qaado Xilka Wasiirnimada Arimaha Dibada

XOGREEBNEWS.COM.



suudiDawlada ingiriisku 07/5/2013-ka waxay shir balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo soomaalida ku qabanaysaa magaalada London waxaana ka soo qayb geli doona dawladaha reer galbeedka ee loo yaqaano qaadhaan bixiyayaasha iyo kuwa dunida carabta oo ay hormood ka yihiin dawaldaha khaliijku hadaba sida uu madaxweyne siilaanyo doonayo in uu u wajaho shirkan waxaa la odhan karaa nin anbaday halkuu aaday way ula eekoonyed anigoo arkaayaan wadada eerigoo maray, waxayna ahayd in uu ku ekaado oo kaliya hadii uu shirka ka qayb galayo in uu sii diyaarsado wixii uu shirka la tegi lahaa kalana tashado cida lama huraanka ah ee ay arintani khuseyso oo kaliya hase yeeshee madaxweyne siilaanyo wuxuu ku mashquulsan yahay oo uu waqti badana ku lumiyey aduun badana ku bixiyay sidii xilka wasiirnimo ee arimaha dibeda looga qaadi lahaa Marwo Foowsiya Yuusuf Xaaji Adan isaga oo adeegsanaya wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada nayroobi ee dalka Kenya Maxamed C/llahi (Sifir) oo isaga laftiisu dawladihii ku meel gaadhka ahaa ee ka horeeyey dawladan federaalka ahaa ka soo qabtay xilalka wasiirka arimaha dibeda iyo Raysal Wasaare ku xigeen madaxweyne Siilaanyana ay beel ka soo wada jeedaan.

Hadaba shirka magaalada London loogu qabanyo soomaalida dhinaca dawlada federaalka ah waxaa u xil saran wasiirka arimaha deibda ahna raysal wasaare ku xigeenka Marwo Fowsiya Xaaji Adan
.
Hadaba madaxweyne siilanyo maaha nin madaxweynaha soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud u yeedhin kara xubnaha uga soo qayb galaya shirka bisha may lagu qaban doono London Maah Maah Soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda riyo hadii ay dib leeyihiin dabadoodey ku qarsan lahaayeen ,nin gurigiisa ka talin kari waayayna guri kale kama talin karo.

Hadaba madaxweyne siilaanyo maaha nin qaran ee waa nin qabiil waxaana jirta maah maah soomaaliyeed oo tidhaahda nin waliba Camalkiisuu Waashaa. taa macnaheedu waxaa weeyeen hadii aad aragto nin waalan camalka uu wadaa waa kii uu waday markii uu miyirka qabay.

Hadaba madaxweyne siilaanyo wuxuu ahaa ninkii wax laagsaari jirey saraakiishii iyo gudoomiyayaashii SNM Soo maray talaadan uu maanat ku bixiyay halka malyuun ee doolar eek u waajahan Marwo FowsiyaYuusuf Xaaji Adana waxbakaam duwana kuwaa hore.

Madaxweyne siilaanyo waa nin ay da’diisu ay wayn tahay waxaanu manta in badan ka weyn yahay markii uu gabayadii Salaan Carabay ka cabanayay da’da ee uu lahaa lixdan laba iyo tobanbaan dul maray waana la hubaa hadaan luqunta kor u taagi jirey liicday adhaxdii wataa laleemada indha aragu liitaa liiqliiqadbaan ahay sidii lule dabayleed.

Maantana madaxweyne siilaanyo wuxuu taagan yahay halkaasi aynu soo sheegnay oo mar marka qaarkoodna dadka iyo hadalkuba way iskaag khaldamaan waana sababta looga ilaaliyo mudadaa sadexda sano ahayd ee uu xilka hayay in uu qabto shirar jaraa’id oo ay saxaafaduna su’aalo ku weydiiso.
Hadaba waxaa dhacday in maalmihii dhaweyd ee uu taagnaa khilaafkii xisbiga KULMIYE ay siilaanyo u tageen saddex oday oo ka soo jeeda beesha Sacad Muuse iyaga oo doonaya inay kala hadlaan sida loo furdaamin karo labadan nin ee isku beeshaah eeuuisagu timaha iskugu xidhay waa Samaale Iyo Muuse Biixi waxaanu siilaanyomaalintaa lafteeda la balansanaa saddex oday oo kale oo ay isku beel yihiin oo uu iyaga laftooda rabay in uu kala hadlo arinta xisbiga KULMIYE iyo in uu doonayo in aanay beeshiisa Habar Jeclo ka dhex muuqan khilaafka KULMIYE intalabada baar qab ee beesha ka soo wada jeeda mid la khaarajinayo ka soo hadhana isaga ay u fududahay khaarajintiisu.

Hadaba waxanu madaxweyne siilaanyo odayaashan ku yidhi markii uu hadalka furay dagaal cid kaa furata aad haysato laguma degdego qoladan Habar Magaadana way inaga badan yihiin in aan noqdo gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee SNM iyo madaxweynaha somalilandna faro kumaan helin waxaanse ku helay tab iyo xeelad haldoorkii beesha Habar MagaadaanA hore ayaan uga sifeeyay Xisbiga KULMIYE oo hadii uu khilaafkani soo baxana iyada oo ay sidii hore wax yihiin waa la inala kici lahaa oo watii hore loo yidhi dad kaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku hafiyaan.

Anigu Samaale kama jecli Muusi Biixi laakiin lafo geri iyagaa la isku jabshaa wasiiradan beesha Habar Magaado iyo kuwa beelaha kale ka soo jeedaba waxaa aan ku la dhaqmaa tab iyo xeelad oo watii hore loo yidhi nimaad dili nimaad dagi iyo nimaad dabi u qoolayso waa la isu kala daadiyaa yaanu kaa didine.
Hadaba Isku soo wada duuduuboo Madaxwayne Siilaanyo Waxa Uu Ku Fashilamay Codsigii Uu Sida Dadban Ugu Gudbiyey Madaxwaynaha Somaliya Ee Ahaa in Marwo Foosiya Laga Qaado Xilka Wasiirnimada Arimaha Dibada, Isagoo Ergadii Uu Dirayna Siiyey Hal Malyuun Oo Dollar.
La soco Qormooyinka danbe ee taxanhan.

Cabdirisaaq Suudi Nuur
Email:suudi88@gmail.com
Tel: 4425243
Hargaysa Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured