Ankara (xogreebnews)-12/03/2013- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa shallay Arbaca wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan
wasiirka
Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Ahmet Davutoglu Ayaa Si Weyn U Qaabilay
M/weynaha Somaliland Siilaanyo Iyo Safarkii Madaxweynaha Oo Soo Dhamaaday
Ankara (xogreebnews)-12/03/2013- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka
Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa shallay Arbaca wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay
madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
iyo wefdigii la socday.
qoraal warbaahinta loogu tallo-gallay oo uu ku saxeexna
wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa wuxuu u
dhigna sidani:
“wasiirka Arrimaha dibada Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa
shalay xafiiskiisa qado-sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliland Mudane
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu Hoggaaminayo ee socdaalka ku
jooga dalkaasi maalmihii la soo dhaafay.
Wasiirka Arrimaha dibada Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa
qado-sharaftaasi ka dib, waxa uu sheegay in dawladiisu ay si niyadsami ah u soo
dhawaynayso socdaalka weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu tilmaamay
inay ahmiyad weyn siinayaan inay iskaashi adag la yeeshaan Somaliland.
Ahmet Davutoglu, waxa uu kulankaasi kaga dhawaaqay in
dawladda Turkigu ay kordhisay mucaawimadda ay Siiso Somaliland, isla markaana
ay ka fulin doonto Mashaariic waaweyn oo saacidaya horumarka Waxbarashadda,
Caafimaadka, wadooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Wasiirku waxa uu sheegay in dalkiisu xafiis ka furan doono
dhawaan Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo door weyn ka
qaadan doona horumarinta cilaaqaadka labada dal.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dawladda Turkiga uga mahad
celiyayay siday ugu soo dhaweeyeen dalkaasi,. Waxaanu uga mahad celiyay
mucaawimadda ay kordhiyeen ee ay siinayaan Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu wasiirka Khaarajiga
Turkiga tafaasiil ka siiyay fursadaha maal-gashi ee ka jira Somaliland, waxaanu
ku booriyay inay Turkigu sii xoojiyaan iskaashiga iyo wax wada qabsiga
taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada ummadood.
Kulankan waxa goob joog ka ahaa saraakiil ka kala socday
Hay’adda Turkiga u qaabilsan horumarinta iyo mucaawimadda dibada ee (TIKA)
Turkish International Cooperation and Development Agency iyo hay’addo kale oo
ka mid ah kuwa aan dawliga ahayn ee dalka Turkiga”
Dhinaca kalana safarka wefdiga madaxweynaha ayaa soo afjarmay
sida uu wasiirka arrimaha dibaddu sheegay wuxuuna sheegay in ay u suurtagal
noqon wayday inay la kulmaan ra’isal wasaaraha dalka Turkiga Erdokan oo
dhakhaatiirtiisu kula taliyeen inuu nasto, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland
Maxamed Cabdilaahi Cumar wuxuu sheegay in la siiyey fursad ah inay sugaan intuu
ra’isal wasaare Erdokan shaqada ku soo noqonayo balse uu madaxweyne Siilaanyo
go’aansaday inuu soo afjaro safarkiisa.
Waxaa sidoo kale magaalada Ankara ku sugna madaxweynaha dalka
Benin Thomas Yaxyi Bonini oo isaga laftigiisu maanta ahaan uu qorshahu ahaa
inuu la kulmo Ra’isal wasaaraha dalka Turkiga oo kulankaasi uu dib u dhacay
Xogreebnews.com
wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Ahmet Davutoglu Ayaa Si Weyn U Qaabilay M/weynaha Somaliland Siilaanyo Iyo Safarkii Madaxweynaha Oo Soo Dhamaaday
Ankara (xogreebnews)-12/03/2013- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa shallay Arbaca wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan