Madaxweyne Siilaanyo Oo Qoraal Uu Ku Qoray Wergeyska Financial Times Ee Dalka Ingiriiska Ku Tilmaamay Somaliland “Gobolka Waqooyi Ee Soomaaliya” Waraaqdaasi Oo Si U Dhaawacaysa Madax Banaanida Somaliland

0
Friday May 10, 2013 - 08:05:29 in Featured by Super Admin
  • Visits: 2033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Qoraal Uu Ku Qoray Wergeyska Financial Times Ee Dalka Ingiriiska Ku Tilmaamay Somaliland “Gobolka Waqooyi Ee Soomaaliya” Waraaqdaasi Oo Si U Dhaawacaysa Madax Banaanida Somaliland

    London (xogreebnews.com) Wergeyska ka faallooda arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dalka ingiriiska ee loo yaqaano Financial Times ayaa cadadkiisii shallay soo baxay waxaa bogaga dhexe lagu qoray far waaweyn qormo kooban oo la sheegay inuu soo qor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (xogreebnews.com) Wergeyska ka faallooda arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dalka ingiriiska ee loo yaqaano Financial Times ayaa cadadkiisii shallay soo baxay waxaa bogaga dhexe lagu qoray far waaweyn qormo kooban oo la sheegay inuu soo qoray madaxweynaha Somaliland taasi oo ciwaan Madaxweyne Siilaanyo Oo Qoraal Uu Ku Qoray Wergeyska Financial Times Ee Dalka Ingiriiska Ku Tilmaamay Somaliland “Gobolka Waqooyi Ee Soomaaliya” Waraaqdaasi Oo Si U Dhaawacaysa Madax Banaanida Somaliland
London (xogreebnews.com) Wergeyska ka faallooda arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dalka ingiriiska ee loo yaqaano Financial Times ayaa cadadkiisii shallay soo baxay waxaa bogaga dhexe lagu qoray far waaweyn qormo kooban oo la sheegay inuu soo qoray madaxweynaha Somaliland taasi oo ciwaan looga dhigay “Doorka Somaliland Ee Nabadgelyada iyo Ammaanka” Waxaa isla ciwaanka weyn hoosta lagaga sii xardhay qoraal yar oo kale oo lagu yidhi “Wuxuu qoraalkani ka yimid madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo”Qoraalka ayaa wuxuu ku bilaabmay “Mudane In la kordhiyo taageeradda iyo dareenka beesha caalamka u qabto Soomaaliya waa mid aanu soo dhawaynayno oo muhiim ah”.Qoraalka la sheegay inuu ka yimid madaxweyne Siilaanyo oo aad moodaysay inuu soo qoray siyaasi u dhashay Soomaaliya ayaa haddana isagoo sii socda waxaa lagu yidhi “Waxaanu rajaynayna in shirka Soomaaliya oo samayn doono isbedel la taaban karo kaasi oo soo gudbin doona maalgelin qurux badan oo lagu sameeyo horumarinta ammaanka gobolka(Soomaaliya)”


Qoraalkani la sheegay in madaxweyne Siilaanyo usoo diray wergeyska Financial Times ayaa haddana isagoo sii socda waxaa lagu yidhi “inkastoo horumar laga sameeyey in dib loo dhiso dalka burburay ee Soomaaliya in la hello nabadgelyo taam ah iyo degenaansho dhinaca siyaasadda ahi waxay la mid yahiin sidii lagu sheegay warbixintii ay qortay Katrina Manson 07 May cadadkii wergeyska FT taasi oo hoosta ka xariiqaysay dhaawacii iyo degenaansho la’aantii ay sababtay dawlad la’aanta Soomaaliya ee labaatanka sanno ka badnayd inay qaadanayso wakhti dheer”Qoraalka oo sii socda ayaa haddana wuxuu madaxweyne Siilaanyo ku yidhi “Xaaladdani waxaa ka duwan Somaliland oo ah maamul madax bannaan oo ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya, kaasi oo muddadaasi Soomaaliya ku jirtay xaaladaasi qallafsan ay u suurtagashay shan doorasho oo si dimuqraadi ah u dhacay lehna nidaam dawladnimo oo shaqaynaya isla markaana gacan weyn ku leh la dagaalanka argagixisada, budhcad badeeda iyo kooxaha xagjirka ah ee gobolka iyo dunidaba, inkasta oo Somaliland ay samaysay guulaha iyo horumarkaasi haddana beesha caalamku may garawsan lamana aqoonsana weli” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalka oo sii socda ayaa haddana markale madaxweyne Siilaanyo ku yidhi sidani “waxaanu aad u jecelahay uguna faraxsanahay in dawladda Muqdisho ka dhisani ay dadkeeda wax u qabato, laakiin waxaanu soo jeedinayna inaan la iloobin Somaliland, in la helo nabadgelyo, xasilooni iyo degenaansho dhamaystiran oo gobolka ka hanaqaada waxaa muhiim weyn u ah madax banaani dhamaystiran oo siyaasadeed oo Somaliland la siiyo” ayaa lagu soo gebo gebeeyey waraaqdaasi.Qoraalkani ayaa si guud markaad u eegto wuxuu u muuqda mid meelaha qaarkood iska hor imanaya isla markaana aan u qalmin mid madaxweyne Somalilander ahi qallinka intuu u qaato weedhaha ku qoran uu adeegsado, tusaale ahaan madaxweynahu marka uu tilmaan ka bixinayo Somaliland wuxuu ku sheegaya inay tahay gobol ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya taasi oo ah mid aan sax ahayn isla markaana gaf iyo deel qaaf ku ah qaranimada Somaliland.Somaliland markii ay Soomaaliya midoobayeen may ahayn mana noqon Waqooyiga iyo beriga Soomaaliya midna eh ee waxay ahaayeen laba dal oo ku midoobay dal qudha, iyadoo magaca Waqooyiga Soomaaliya la bixiyey wakhtigii Somaliland ay midawga gashay isla markaana uu ahaa magac ay ku xaqirayeen kuwii duudsiyey xuquuqdii Somaliland lahayd ee markii danbana burburiyey Somaliland iyo dadkeedii, taasi oo imikana u muuqata in madaxweynahii Somaliland isticmaalayo weedhahii cadawga Somaliland ay Somaliland ku xaqirayeen.Madaxweynahu marka uu barayo Somaliland bulshada caalamka ama tilmaan ka bixinayo Somaliland wuxuu si fudud u odhan kari lahaa Somaliland oo ahayd dalkii ugu horeeyey ee madax banaani hella mandaqadda beriga Afrika kana horeeyey dal kasta oo ku yaalla beriga Afrika marka laga yimaado Ethiopia oo aan la gumaysan isla markaana 1960 kii 1 July la midoobay Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured