Samirka Badi Sadkaada Waad Heleysaahee (Qiso Murugo iyo Xanuun Wadata)

0
Friday May 10, 2013 - 08:15:34 in Featured by Super Admin
  • Visits: 3066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samirka Badi Sadkaada Waad Heleysaahee (Qiso Murugo iyo Xanuun Wadata)

    Muda 10 Sano oo ey ahaayeen Dad ku nool Feker iyo wel wel Cabdallah iyo salwo ayaa ugu danenti waxa ay is weydiiyeen su,alo ah halka sarta ka qurun santahay iyo ruuxa ma dhaleyska ah labadooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muda 10 Sano oo ey ahaayeen Dad ku nool Feker iyo wel wel Cabdallah iyo salwo ayaa ugu danenti waxa ay is weydiiyeen su,alo ah halka sarta ka qurun santahay iyo ruuxa ma dhaleyska ah labadooda. Samirka Badi Sadkaada Waad Heleysaahee (Qiso Murugo iyo Xanuun Wadata)

Muda 10 Sano oo ey ahaayeen Dad ku nool Feker iyo wel wel Cabdallah iyo salwo ayaa ugu danenti waxa ay is weydiiyeen su,alo ah halka sarta ka qurun santahay iyo ruuxa ma dhaleyska ah labadooda.
Sidoo Kalane Dhamaan Deriska iyo Qarabada si isku mid ah ayeey suuqa ugu maqleen dhibka ka jira guriga c/lahi iyo salwo., waxaana maalin walba xanta suuqa taal ey noqotay hebel iyo heblaayo maxaa helay iwm.

Ugu Danbeyna Salwa iyo Cabdallah waxa ay go´aan ku gaareen in ay dhaqtar u tagaan si loo baaro halka dhibaatadu ka jirto iyo ruuxa masuulka ka ah in ay 4 sano wax dhali waayaan.
Kadib baaritaan dheer, dhaqtarkii ayaa Cabdallah u sheegay in dhibaatadu tahay dhanka xaaskiisa Salwa, waxa uuna sheegay in ay ma dhaleys tahay rajo wanaagsana aysan laheyn,
Cabdallah ayaa dhaqtarkii ka dalbaday in uu arinka ma dhaleys nimada ah isaga u saariyo oo uu xaaskiisa u sheegay in dhibaatadu ninka xagiisa tahay balse ay iyadu caafimaad qabto.
Dhaqtarkii ayaa arinkii ogolaaday isagoo maslaxad u arka si haweeneydu aaney u niyad jabin, waxa uuna ku war geliyay sidii laga dalbaday inuu sameeyo.
Kadib dhowr maalin, waxaa dhamaan ehelkii iyo deriskii ka war heleen arinkii, ayadoo durbadiiba Salwa lagula taliyay in ay ninkeeda isaga tagto maadaama uu ma dhaleys yahay, si ay nin kale u hesho isla markaana caruur u yeelato.
Si kastaba Salwa ayaa diiday in ay ninkeeda ka tagto, waxa ayna sheegtay in aysan naxariista eebe ka quusan doonin, kadib 5 sano markii ay kasoo wareegtay dhacdadaas ayey Salwa u adkeysan weysay in ay noloshaan kusii noolaato, ayadoo deriskeeduna uu aad ugu sheekeysan jiray kuna tilmaami jireen naag adoon u ah nin ma dhaleys ah.
Waxa ayna Salwa ninkeeda ka dalbatay furiin, Cabdallah oo murugeysan ayaa xaaskiisa ka dalbaday in ay hal sano oo kale sii sabirto, Salwa ayaana codsigaas aqbashay, balse dhowr maalmood ka dib Salwa waxaa ku dhacay kilya xanuun aad u daran, ayadoo la geeyay dhaqtar kadibna la sheegay in ay u baahan tahay in kilada laga bedelo,
Cabdalla ayaana murugadiisu sii laba jibaarantay, balse jaceylka uu xaaskiisa u qabo darteed ayuu go,aansaday in uu bad baadiyo xaaskiisa, waxa uuna Salwa ka dhaadhiciyay in ay dhaqtarka la jiifiyo oo qaliin lagu sameeyo, isagoo waliba u sheegay in uu safar gaaban oo howlo ganacsi oo daruuri ah ku tegayo magaalo u dhow isla markaana uu si deg deg ah kusoo laaban doono.
Salwa ayaa ka yeeshay arinkaas waxaana la jiifiyay sariirtii lagu qali lahaa, Cabdallah ayaa dhanka kale isbitaal dhinac kale ka jiiftay isagoo dhaqaatiirta ka dhaadhiciyay in ay kilidiisa ka bixiyaan una geliyaan xaaskiisa si ay u bad baado.
Waxaana la sameeyay arinkii ayadoo labadooda si isku mid ah loo qalay, sidoo kale waqti isku mid ah ayey bogsadeen, taasoo dhalisay in Cabdalla oo rafaad iyo bukaan socod nimo ay ka muuqato uu xaaskiisa kusoo booqdo qolkii lagu qalay ayadoo lagu howlan yahay in laga saaro.
Salwa oo yaaban ayaa seygeeda weydiisay waxa ku dhacay, balse isagoo dareenkeeda ilaalinaya ayuu u sheegay in uu safarkii kusoo daahay, isla markaana shaqadu ku badatay.
Salwa iyo Cabdalla labaduba si isku mid ah ayey u bogsadeen, 2 bil kadibna Allah ayaa ku irzaaqay uurkii ugu horeeyay ee Salwa ay yeelato, waxa ayna arintaasi dhalisay farxad iyo reyn reyn aad u weyn oo labadooduba ay aamini waayaan, sidaas ayuuna cunugii ugu horeeyay ugu dhashay.
Balse arinta ugu xiisaha iyo dareenka badan ayaa timid kadib markii Salwa ay maalin maalmaha ka mid ah soo gashay xafiiska uu ka shaqeyn jiray ninkeeda, isagoo xiligaas ka maqnaa, waxa ayna heshay Buugiisa xasuus qorka ah oo uusan waligiis kasoo qaadin xarunta shaqada, waxa ayna guda gashay in ay aqrsi, balse wax ay kala kulantay dhamaan wixii dhacay oo qoraal ah.
Runtii Salwa oohin iyo amakaag ayey afka la kala qaaday, ayadooo dhamaan dareemaheeda naxariista kaantarooli weysay, waxa ayna wacday seygeeda ayadoo sidaa caruurtii u ooyneysa, Cabdalla oo yaaban ayaa weydiiyay sababta ka oohisay xaaskiisa, waxa ayna durbadiisa Salwa awoodi weysay in ay suaashaas ka jawaabto.
Waxa ayna taas bedelkeeda ku cel celisay: Cabdalla sidaan dhan miyaad ii jeceshahay oo aad igu sabri jirta? Anigana wax aan ogahay miyaan kugu sameyn jiray? Runtii Cabdalla ayaa fahmay in Salwa ay arinka ogaatay, waxa uuna isaga laf ahaantiisu guda galay in uu dhinaciisa ka ilmeeyo,
Gaba gabadii Sabirkii Cabdalla waxa uu dhalay in Rabbi SWT uu ka abaal mariyo, isagoo 10 sano aan farxad iyo hurda fiican helin, ayaana mar qura noloshiidu isu bedeshay dhinaca kale, xaaskiisuna wixi maalintaas ka danbeysay waxey noqotay mid u dhaqanta si aan qoraal iyo filim intaba lagu sifeyn karin, jaceylkii iyo wanaagii iyo waliba sabirkii ay kala kulantay Cabdalla awgiis,


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured