Siyaasadda Soof-daran Habawday Ee Siilaanyo Halkey Saldhigi Doontaa?

0
Saturday March 23, 2013 - 16:12:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadda Soof-daran Habawday Ee Siilaanyo Halkey Saldhigi Doontaa?

    Siyaasada madaxweyne siilaanyo ayaa ah mid had iyo jeer iska hor timaada iyada oo kolba la arko madaxweynaha oo go�aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasada madaxweyne siilaanyo ayaa ah mid had iyo jeer iska hor timaada iyada oo kolba la arko madaxweynaha oo go�aan

Siyaasadda Soof-daran Habawday Ee Siilaanyo Halkey Saldhigi Doontaa?

Siyaasada madaxweyne siilaanyo ayaa ah mid had iyo jeer iska hor timaada iyada oo kolba la arko madaxweynaha oo go�aan gaadhaya hadana ka noqonaya, sidoo kale waxaa la arkaa madaxweyanaha oo xitaa go�aamada u gaadho aan fulin taasi oo dhaka faar ku noqotay sahcabka reer somaliland ee nabada iyo horumarka jecel. Hadaba hadii aynu isku tul taagno siyaasada madaxweyne siilaanyo ee arimaha dibeda ayaynu ka xusi karnaa arimaah soo socda.

1: madaxweyne siilaanyo ayaa bilawgii uu talada dalka la wareegayba lumiyey kalsoonidii diblumaasiyadeed ee beesha caalamku somaliland u haysay iyada oo xidhiidhkii dalalka jaarku meesha ka baxay ama diiciifay. Iyada oo la xasuusan yahay in ciidamo maleeshiyo ah ay dalka iska soo dhex mareen igaya oo duulaan ku ah dawlada itoobiya oo aynu saaxiib nahay, waxa kale oo beesha ka baxay xidhiidhkii aynu la lahayn dadalka afrika oo aad akhrisatayaal og tihiin in madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale la yeeshay dalalka afrika isaga oo mid mid ula kulmay madaxda afrika isla markaana somaliland arimaheeda madaxdaasi ay uga dhex ol olayn jireen midawga afrika oo xitaa marmarka ay yeelanayaan shirarka ay somaliland ka qayb gali jirtay shirarkaasi taasi oo somaliland sumcadeedii gaadhsiisay meel sarre.

2: xidhiidhkii aynu la la hayn dalalka reer galbeedka oo isna meesha ka baxay kadib markii siilaanyo hadba si uu ugu waramo iyada oo dadka siyaasada rimaha dibeda faaqidaa tilmaameen in madaxweyne siilaanyo kula hadlay laab wajiilenimo madaxda dalalka reer galbeedk, iyada oo la og yahay markii dawlada ingiriisku ku baaqday inay soomaalida shir u qabanayso, shirkaasi oo ay ku qabanaysay magaalada london ee xarunta dalka ingiriiska ayaa madaxweyne siilaanyana ku casuuntay iyada oo uu markii hore diiday madaxweyne siilaanyo halak uu markii danbe ka aqbalay in uu ka qayb galo shirkaasi, hadana uu golayaasha qaranka ka codsaday inay jabiyaan xeerkii somaliland ka mamnuucayay ka qayb galka shirarka soomaalida, waxaa la og yahay in hadana shirkii turkigu ku baaqay in uu u qabaanayo soomaalida uu markii hore diiday siilaanyo hadana wafti loo soo diray oo uu ogolaaday inay somaliland ka qayb gasho.

3: xiligan la joogo ayaa hadan siilaanyo diiday in uu ka qayb galo shirka london ee somaalida loo qaabanyo iyada oo la sheegay in uu sababtu tahay in lacagihii hore uu uga heli jiray shirarka hore kan aan laga helay oo soomaliya oo qudha gacanta laga galinayo, hadana saaka ayuu madaxweyne siilaanyo shir aan ajandihiisu cadayn kaag qayb galay, dadka arimaha siyaasada ka hadla ayaa waxay tilmaameen in siyaasada madaxweyne siilaanyo noqotay mid aah sal fadhiyin.

Hadaba akhristow bal is weydii sababtan madaxweyne siilaanyo somaliland uga soo xidhay aduunkii in leyn hada somaliland waxay sii gelaysaa go�doon siyaasadeed oo aan la sadaalin karin halka ay ku danbay doonto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured