Xisbiga Muxaafidka Ah Ee KULMIYE Oo Cambaareeyay Kulankii Guddoomiyaha UCID la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya

0
Monday May 13, 2013 - 07:44:27 in Featured by Super Admin
  • Visits: 2284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Muxaafidka Ah Ee KULMIYE Oo Cambaareeyay Kulankii Guddoomiyaha UCID la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya

    Hargeysa (xogreebnews.com- Xisbiga Tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa cambaareeyay kulankii uu habeen hore Guddoomiyaha Xisbiga UCID la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Wasiirkiisa Khaarajiga Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- Xisbiga Tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa cambaareeyay kulankii uu habeen hore Guddoomiyaha Xisbiga UCID la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Wasiirkiisa Khaarajiga Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Xisbiga Muxaafidka Ah Ee KULMIYE Oo Cambaareeyay Kulankii Guddoomiyaha UCID la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya
Hargeysa (xogreebnews.com- Xisbiga Tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa cambaareeyay kulankii uu habeen hore Guddoomiyaha Xisbiga UCID la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Wasiirkiisa Khaarajiga Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf, oo xalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta , ayaa tallaabo khaldan ku tilmaamay in Guddoomiyaha UCID uu kulan gaar ah la yeesho madaxda Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Kulankii Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu habeen sadexaadkii kula kulmay Ingiriiska Madaxweynaha iyo Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya waa arrin khalad ah, mawqifka xisbiga KULMIYE-na waxa weeye waanu cambaareynaynaa xisbi ahaan, Mana jirto sabab ay u yeelan karaan kulan gaar ah.”

“Faysal Cali Waraabe waxa uu ka mid ahaa Gudidii Somaliland u qaabilsanayd wada hadaladii labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya marka wada hadalo rasmi ahi socdaan kulan wuu la yeelan karaa, Laakiin waxaanu qabnaa inay khalad ahayd In Guddoomiyaha UCID kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, waanan cambaareynayaa arrintaasi,”ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf.
Mudane Xasan Siciid oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Faysal Cali Waraabe waxa uu ka mid yahay Hoggaamiyeyaasha asxsaabta qaranka waxaan u soo jeedinaynaa inuu iska ilaaliyo wixii sumcad xumo iyo shaki kaga beeraya shacbiga Somaliland, dalkiisana nusqaan ku noqon kara .”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured