Xuquuqda Uu Ninku Xaaskiisa Ku Leeyahay Iyo Xuquuqda Gabadhu Ninkeeda Ku Leedahay Si Waafaqsan Sunaha Nabiga (NNKH).

0
Friday March 08, 2013 - 11:00:51 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuquuqda Uu Ninku Xaaskiisa Ku Leeyahay Iyo Xuquuqda Gabadhu Ninkeeda Ku Leedahay Si Waafaqsan Sunaha Nabiga (NNKH).

    Waxaynu nahay Umad muslim ah, waa inaynu wanaaga is farnaa xumahana iska reebnaa si hor ILAAHEY ah oo waafaqsan sunaha Nabiga (NNKH).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu nahay Umad muslim ah, waa inaynu wanaaga is farnaa xumahana iska reebnaa si hor ILAAHEY ah oo waafaqsan sunaha Nabiga (NNKH).
Xuquuqda uu ninku xaaskiisa ku leeyahay waxa ka mid ah.
282: Abu Hurayra (RC) waxa uu yidhi “ma banaana in ay afadu soonto,soon sune ah ninkeeda oo guriga jooga in uu isagu u igmo maahee, umanabanaana sidoo kale in guriga soo galo cid aanu isagu u idmin” Bukhaari
iyo Muslim ayaa wariyey.


281: Abuhurayra (RC) waxa uu yidhi “Nabigu (NNKH), waxa uu yidhi
(Markii uu ninku gogoshiisa ugu yeedho afadiisa inay timaado ay diidoama iman waydo habeenkaa ku seexdo cadho uu u qabo malaa’igtaanacdasha, haweenka ilaa waabariga”. Bukhaari iyo Muslim ayaa wariyey.

187: Ibnu Cumar (RC), waxa laga wariyey in Nabigu (NNKH) yidhi
“Dhamaantiin masuul ayaad tihiin, waxaad ilaalinaysaan, madaxweynuhuwaa ilaaliye, ninku waa ilaaliye waxa la raacshay qoyskiisa,

haweenayda waxa la raacshay gurigeeda iyo ubadkeeda iyo ninkeed, sidaadarteed dhamaantiin raacayaal ayaad tihiin, dhamaantiiina masuul ayaadka tihiin wixii la idiin diray” Bukhaari iyo Muslim ayaa wariyey.

Gabadhu waa inay maqashaa ninkeeda si waafaqsan sunaha nabiga (NNKH),waana inay wax kasta ku dhameeyaan Kitaabka quraanka kariimka ah.

Xuquuqda Gabadhu Ninkeeda Ku Leedahay
ALLE waxa uu yidhi 120: “Huga iyo hunguriga hooyooyinka wax nuujiyawaxa uu saaran yahay oo si fiican ah aabaha ilmaha” Suurada Al-baqraAayada 223.

180: Abuhurayra (RC) waxa laga wariyey in uu yidhi rasuulka (NNKH)
ILLAAHEY, waxa uu yidhi “Muuminiinta ka iimaankiisu u dhamaystiranyahay, waa ka ugu anshaxa wacan kuwiina ugu fiicanina, waa kuwadumarkooda u fiican.

186: Aswad (RC) waxa laga wariyey in uu yidhi Caa’isha (RC) oo ahxaaskii Rasuulka (NNKH) ayaan weydiiyey waxa uu Nabigu (NNKH) marka uugurigiisa joogo, waxa ay tidhi “Waxa uu ahaa kii xaaskiisa u adeega
ayada oo u jeeda khidmaynta xaaskiisa, marka Salaada wakhtigeeduyimaadana Salaada ayuu u bixi jiray”.

Maanta waxaad arkaysaa dad raacay Sunihii Nabiga (NNKH) oo dadkaqaarkii aflagaadaynayaan, isla markaana odhanayaan gabadhaa ka adagama indhihiisa ayuu ka jecel yahay, hadaba gabadhaad hawsha guriga wax
kala qabato, waa adiga oo raacay Sunaha Nabiga (NNKH).

ALLE waxa uu yidhi 117: “Ula dhaqma dumarka si wanaagsan” SuuradaAn-nisaa aayada 19-aad.

Maanta waxa jira dad iyagu khayr badan oo ka hadla arrimaha bulshada sida sida ILLAAHEY khayr ha siiyee M.M. Kastan, Prof. Maxamed SiciidGees, Boobe Yuusuf Ducaale, Abwaan Axmed Aw-Geedi, Abwaan Maxamed
Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Axmed Deeq iyo qaar kale oo badan.

Hadaba Ninku waa inuu gabadhiisa u samraa hadaanay waxba u dhalin iyohaddii kale oo is qabsi yimaado waa inaad ILLAAHEY dartii u samirtaa,khilaaf kasta oo yimaadana ku dhamaysaa kitaabka Quraanka kariimka ah,
waana inaanad gabadhaada ka sugin masruuf adiga oo awooda inaad ushaqaysato.

Axmed-Nuur Saleebaan Rooble (Daaciga).
Somaliland
Tell: 4404599


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured