Fadeexad Qabyaaladeed iyo Karti Daro Maamul Oo Ka Soo If baxday Mareeyaha TV-ga Qaranka.

0
Saturday March 23, 2013 - 16:36:35 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad Qabyaaladeed iyo Karti Daro Maamul Oo Ka Soo If baxday Mareeyaha TV-ga Qaranka.

    Akhristayaal si aan xog dheeraad ah uga helo xaqiiqada ka dhex jirta wasaarada warfaafinta Somaliland, ayaan waxaan tegay todobaadkan, aniga oo soo indha indheeyey qaabka dhabta ah ee ay u wada shaqeeyaan hawladeenada tv.ga qaranka iyo maareeyaha Qur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristayaal si aan xog dheeraad ah uga helo xaqiiqada ka dhex jirta wasaarada warfaafinta Somaliland, ayaan waxaan tegay todobaadkan, aniga oo soo indha indheeyey qaabka dhabta ah ee ay u wada shaqeeyaan hawladeenada tv.ga qaranka iyo maareeyaha Qurba Jooga ah ee Khadar Cali Gaas. Fadeexad Qabyaaladeed iyo Karti Daro Maamul Oo Ka Soo If baxday Mareeyaha TV-ga Qaranka.

Akhristayaal si aan xog dheeraad ah uga helo xaqiiqada ka dhex jirta wasaarada warfaafinta Somaliland, ayaan waxaan tegay todobaadkan, aniga oo soo indha indheeyey qaabka dhabta ah ee ay u wada shaqeeyaan hawladeenada tv.ga qaranka iyo maareeyaha Qurba Jooga ah ee Khadar Cali Gaas.
hadaba saaxiibayaal waxaan ku soo arkay wasaarada warfaafinta ayaa ah sida la moodayo mid ka duwan,iyada aan soo ogaaday maareeyaha oo ay ku xeeran yihiin koox yar oo ka soo kale jeeda beesha madaxweyne siilaanyo iyo maareeyaha beeshiisa kuwaasi oo dhawaan laga dhigay shaqaale ka tirsan hawladeenada tv.ga qaranka.

Shaqaalan ayaa ah kuwo ka awood badan shaqaalihii hore ee ahaa (permanent) sababta ayaa la iigu sheegay inay awood iyo kalsooni ka haystaan maareeyaha tv.ga oo u samaystay sidii ay wax kasta oo ka socda gudaha iyo xafiisyada lagu shaqeeyo ay u soo dhego dhegayn lahaayeen, waxaad arkaysaa hadii aad gasho gudaha iyo xafiisyada wasaarada warfaafinta iyada oo koox koox loo wada faqayo oo hadii aad ku soo biirto kooxdaasi sheekada gebigeediba la bedelayo, sababta ayaa lagu tilmaamay inay tahay maareeyaha oo koox gaar ah ku dhex darsaday hawlwadeenada tv.ga qaranka.
Arintan ayay sheegeen qaar ka tirsan shaqaalaha tv.ga qaranku inay bilaabatay markii loo soo magacaabay maareeyaha tv.ga qaranka Khaddar Cali Gaas isaga oo isla markiiba ku dhaqaaqay talaabooyin uu ku kala fogaynayo shaqaalaha tv.ga qaranka taasi oo keentay in xitaa tayadii wararka iyo barnaamijyadu ay hoos u dhaceen.
Sidii hore aynu qormadii kawaad ugu soo sheegnay maareeyaha ayaa hada waxa uu la soo baxay in uu shaqaalaha cusub ee isaga ka socda uu u fududeeyo sidii siyaasiyiinta uu ugu yeedhi lahaa studio-ga sababta oo ah shaqaalahan ayaan lahan waayo aragnimo ay kula xidhiidhaan siyaasiyiinta oo ay barnaamij tayo leh uga soo qabtaan taasi bedelkeedi ayuu maareeyuhu bilaabay in uu had iyo jeer la xidhiidho siyaasiyiinta isaga oo doonaya inay barnaamij ka qabtaan kooxdan cusub ee uu samaystay maareeyuhu, arintani ayaa ah mid fadeexad ku ah wariyayaashii ruug cadaaga ahaa oo meesha jooga isla markaana ay isku xidhan yidhiin siyaasiyiinta in hadana uu maareeyuhu sameeyo waxaan ku haboonayn qaabka loo qaban karo barnaamijyo tayo leh. Dadka ka faalooda arimaha warbaahinta ayaa waxay tilmaamaan marka aad doonayso in barnaamijyo tayo leh loo qabto tv.ga in ay waajib tahay in shir laga galo sidii loo tayay lahaa barnaamijyada shirkaasi oo la isku weydaarsanayo sida ugu haboon ee loo soo saari lahaa barnaamijyo tayo leh oo shacabka iyo dalkaba faa’iido u leh.basle tan uu la yimid maareeyuhu waxay ku keentay tv.gii in uu hoos u dhaco tayadii barnaamijyada ka baxa tv.ga qaranka taasi oo ay sabab u tahay maareeyaha oo qabyaalad iyo eexasho kula dhex jira shaqaalaha tv.ga qaranka.
Hadaba akhrite waxyaabaha aan soo ogaaday waxaa ka mid ah iyada oo gabi ahaanba shaqaalaha ka hawlgala qaybta dibeda ee tv.ga qaranka gaar ahaan UK ay yihiin dhamaantood ama ka soo jeedaa dhamaantood beesha madaxweynaha inta kalena ee soo hadhay ay ka soo jeedaan qoyska maareeyaha, taasi oo baal marsan qaabka shaqalaynta iyo dawladnimada sababta oo ah hadii ay dhacdo in madaxweynaha markaa jiraa uu shaqaalaha dawlada u badiyo reerkooda waxaa ka dhalan kara caaaqib xumo raad ku yeelata mustaqbalkooda waayo masuulka danbe ee yimaadaa ama dawlada danbe ee timaadaa u aqoonsan mayso shaqaale basle waxay u aqoonsanaysaa dad si sharci daro ah ku yimid shaqada waxaana suurta gal ah inay shaqada ku waayaan.
Hadaba waxaan shaki ku jirin in tv.ga qaranku yahan meel dhaqaale badan oo indha dadka iyo indha dawladuba ay si toos ah u hayaan taasi oo hadii sidan ay ku sii socoto ay ka dhalan karto in ninba halka uu haysto uu ka noqdo dig ama meel uu isagu isla leeyahay.
waxaa hadaba waajib ah in shacab iyo xukuumadba indhaha lagu hayo maamulka kartida daran ee tv.ga qaranka oo xitaa keeni kari waayay sidii hore u dhici jirtay in siyaasada dawlada iyo barnaamijyada ka baxa tv.ga ay isla jaan qaadi waayaan sababta oo ah dalku hada waxa uu marayaa meel xaas xaasi ah oo loo baahan yahay siyaasad cad in uu ka yeesho tv.ga qaranku waayo shacabku isaga ayay kala socdaan hadba wixii dalka ku soo kordha, laakiin maamulka tv.ga qaranku kuma baraarugsana in dalku marayo xaalad xaas xaasi ah oo loo baahan yahay in dadka lagu baraarujiyo sidii ay somalilandnimada iyo nabada ugu adkaan lahaayeen oo dhibkii la soo maray dadka lagu baraarujin lahaa,balse taasi bedelkeeda maareeyuhu meel kale ayuu la haystaa.
Dadka indha indheeya arimaha saxaafada ayaa tilmaamaya in hadii aan siyaasada tv.ga qaranka wax laga bedelin uusan wax faa’iido ah u yeelanayn dadka iyo dalkaba oo uu u eekaanayo meel dhaqaale lagu urursado oo dano gaar ah dad gaar ahi ka yeesheen.
Gabagabadii waxay dadka u dhuun da loola sida uu u shaqeeyo tv.ga qaranku madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) u soo jeedinayaa in uu talaabo adag ka qaado mareeyaha tv.ga qaranka oo shaqaalihisii kula dhex jirey kooxaysi,qabyaalada xitaa iyada oo la sheegay in uu mar marka qaar yidhaa shaqaaluhu waa xoolahaygii oo waxba igaba gelin, hadaba waxaasi oo dhami waxay laf jab ku tahay hanaaka dawladnimo ee uu madaxweyne siilaanyo doonayo in uu dalka ku hogaamiyo.
xogreebnews.com cheif editor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured