Raac Talaabooyinkan si Aad u Noqoto Aqoonyahan.

0
Friday July 21, 2017 - 18:21:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raac Talaabooyinkan si Aad u Noqoto Aqoonyahan.

    Qormadan waxaan ku faalayn doonaa sidii aad u noqon lahayd qofku fiican wax akhriska oo aan ka caajisin , kama hadlayo akhriska iyo muhiimaddiisa oo wax jirra maqaalo badan oo ay ka qoreen dad badan oo aqoonyahan ahi. Aadanuhu wuxu horumar ka gaadhaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadan waxaan ku faalayn doonaa sidii aad u noqon lahayd qofku fiican wax akhriska oo aan ka caajisin , kama hadlayo akhriska iyo muhiimaddiisa oo wax jirra maqaalo badan oo ay ka qoreen dad badan oo aqoonyahan ahi. Aadanuhu wuxu horumar ka gaadhaa aqoonta marka aanu ku koobnaan casharkii barrehiisu u dhigay ee uu yahay mid Raadsada wax walba oo garaadkiisa kobcinaya ha akhriyo ama ha dhegaystaba'e.

Qormadan waxaan ku faalayn doonaa sidii aad u noqon lahayd qofku fiican wax akhriska oo aan ka caajisin , kama hadlayo akhriska iyo muhiimaddiisa oo wax jirra maqaalo badan oo ay ka qoreen dad badan oo aqoonyahan ahi. Aadanuhu wuxu horumar ka gaadhaa aqoonta marka aanu ku koobnaan casharkii barrehiisu u dhigay ee uu yahay mid Raadsada wax walba oo garaadkiisa kobcinaya ha akhriyo ama ha dhegaystaba’e.

Waxaan odhan karaa ” qofba qofka uu ka wax akhris badan yahay wuu ka aqoon badanyahay Haddiiba akhriste aanad ku fiicnayn wax akhriska haw malayn carqaladan mid kugu kooban kaligaa yasayeeshee waxaad ka warqabtaa qofna inaanu bilaabin wax akhrinta isaga oo naftiisu jeceshahay oo aanu wax daal iyo dhiba kala soo kulmin . Qalbigana ku hayso inaanay marnaba taasi suuragal ahayn waayo nafteenu waxay jeceshahay iska fadhiga iyo raaxada qofkaasina isaga ayaa ku qasbay oo baray naftiisa inuu 10 saac iyo wax ka badanba wax akhriyi karo. Ma tahay qof dareema caajis iyo daal markuu buuga soo qaado isagoon muddo nafle wax akhriyin ? Imika Samee shantan qodob oo noqo aqoonyahan ku fiican wax akhriska.

1: Niyad: nabigeena (NNKH ) wuxu yidhi [camaladdu waa niyadda ] . Marwalba laabtaada uga buuxi jamasho iyo doonis waxkaste oo aad rabto inaad qabato. Haddiiba shaygii aanad niyad u hayn ha filan inuu kuu hirgalo . Haka ahaado akhrisku niyaddaada mid aad aad u jeceshahay.

2: ugu horaysii xiisadaad jeceshay: Hadday tahay cashar diyaarin iyo aqoon Raadinba marka aad go’aan qaadato ha cadibin naftaada ee si talaabo talaabo ah u wad adoo ka bilaabaya maadadaad xiisayso. tusaale : maalinta koobaad isku day inaad 45 daqiiqo akhrido kadib maalinba 15 daqiiqo kusii dar ama in ka badanba

3: xadid wakhtiga: Haddii waxa aad akhriyayso aad u qaybiso wakhtigaad qorshaysay inaad wax ku akhrido waxay kugu abuuraysaa xamaasad iyo xawaare inaad ku dheerayso ah

Tusaale aynu soo qaadano wax la akhriyo ka ugu sharaf badan waxaad doonaysaa inaad qaybto saddex bog oo quraana sacaad gudaheed 60/3=20 markaad u kala qaybiso bogiiba 20 daqiiqo ayaa ku hagaagayaa sidaa darteed waxaad isku dayaysaa inaad ka gaadhsiiso taas oo kuu horseedaysa firfircooni iyo dhakhso

4: ka tirtir naftaada wahsiga: Waxa fiican si aanu qiiro u noqon go’aankii aad qaadatay oo kolka aad laba cisho waddid anaad uga hadhin waxa haboon inaad la dagaalanto caajiska si aanu kuugu soo laba kaclayn xanuunkii akhris la ‘aantu

Hubka ugu culus ee kaslaanimada lagaga hortagi karaana waa adoo illaashada shanta salaadood jamacna ku tukada Iwm.

5: Ahaw qof waxkasoo noqdaan: marka aad akhrido mawduucyo badan oo kala geddisan ma haboona inaad noqoto siddii goof biyaha liqaaya oo aan galaan loogu tegayn se waa inaad tahay qof aragtidda uu ogaado mid u dhiganta keeni kara dadkalena u gudbin kara





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured