Gudoomiye Cirro oo Faggaare ka Jeediyey Hadal Rajo-geliyey Bulshada, Madaxtooyada iyo Kulmiye-na Sas-ka Qaaday

0
Saturday July 22, 2017 - 00:12:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cirro oo Faggaare ka Jeediyey Hadal Rajo-geliyey Bulshada, Madaxtooyada iyo Kulmiye-na Sas-ka Qaaday

    Hargeysa(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Musharraxa Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro, ayaa markii u horraysay jeediyey khudbad taabatay quluubta iyo dareen bulshadda, isla markaana ay ka muuqday inuu ilaa heerka Gudoomiye Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Musharraxa Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro, ayaa markii u horraysay jeediyey khudbad taabatay quluubta iyo dareen bulshadda, isla markaana ay ka muuqday inuu ilaa heerka Gudoomiye Cirro uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo hadii tallada dalka uu ku guuleysto tabashada dadweynuhu ka qabo waxka qabashada hantida qaranka ee sharci darrada ku baxday.

Hargeysa(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Musharraxa Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro, ayaa markii u horraysay jeediyey khudbad taabatay quluubta iyo dareen bulshadda, isla markaana ay ka muuqday inuu ilaa heerka Gudoomiye Cirro uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo hadii tallada dalka uu ku guuleysto tabashada dadweynuhu ka qabo waxka qabashada hantida qaranka ee sharci darrada ku baxday.

Md. Cabdiraxmaan Cirro oo khamiistii todobaadka ka hadlaayey munaasibad xisbigiisu u qabtay Siyaasiyiin si weyn dalka looga yaqaano, waxa uu iftiimiyey Siyaasada dhabta ah ee Xisbigiisu u dejiyey inay dalka ku dhaqan hadii tallada dalka ay ku guuleystaan, kaddib doorashada aqalka madaxtooyadda oo qabsoomideeda loo asteeyey 13, November, 2017-ka. Arrinkaa ugu saameynta badan dhaliyey, sidoo kalena aadka usoo jiitay dadka Siyaasadda Somaliland aadka u danneeya, waxa uu ahaa sida hantida ee sharci darrada ku baxday Md. Cirro uu ka yeeli doono hadii uu ku guuleysto hannashada hoggaaminta tallada dalka.

Haddaba, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro, isagoo arrinkaa ka jawabayey, waxa uu si cad u qeyaxay ama u sharraxay himillada iyo aragtida fog ee u hadii Madaxweyne uu dalka ka noqdo u ku shaqeyn doono, waxa uu yidhi ".. Waxa noo Himilo ah, Inaanu Cadaalad sammayno, dadkana middeyno, waxa noo himilo ah inaanu hantida (Umadda) u ilaalino, waxa himilo noo ah inaanu soo celino hantida (Qaranka) ee sharci darada lagu qaatay..”.

Weedhahan kooban, balse dareenka badan, si kale hadii loo dhigo-na miisanka badan leh, hase-ahaatee dhawaq-ahaan dhinaca hadalka ku yar, marka lagu miisaamo xaaladda iyo duruufaha dalka ka jira ee la kowsadday Siyaasadii Kulmiye ku hoggaamiyey dalka, gaar ahaan bixinta iyo Iibka dhulka dawladda, iyaddoo aan la marin safaha sharcigu u banneeyey Iibka hantida qaranka, iyo sidoo kale, hantida Ummadda ee lagu bixiyey qaab u muuqday awood maroorsi, inta weliba la iska Indho-tiraay go’aamo sharci oo kasoo baxay Waax-yaha dawladdu ka kooban tahay, sida sharci dejinta (Baarlamaanka), waxa dhawaqa Gudoomiye Cirro ee hadda uu noqonaya mid bulshada ku abuuray yididiilo iyo rajo ku abuura, kuna dhiiri-geliya dadweynaha inay door weyn ka qaatan sidii dalka isbedel uga dhici laha, maadaama intii hore anuu bulshadda u muuqan cid diyaar u ah inay ka jawaabto tabashadooda oo ay ku kala doortaan Xisbiyadda tartamaya, maxaa yeelay dadweynaha waxa hortaagan soo cod ka doonaya Kulmiye oo ah ka loo nisbaynaayo mashaqooyinka dalka ka dhacay, Xisbiga Ucid oo isna khilaaf iyo is haysi nafta ka saaray, hase-yeeshee Xisbiga keliya ee bulshaddu rajada ka qabtay uu ahaa Waddani, balse isna bulshaddu ku salluugto inaanu Siyaasaddiisa caddeyn.

Hase-yeeshee dhawaqa dareenka badan ee kasoo yeedhay Gudoomiye Cirro, waxa marka u horeysa uu muuqdaa inuu yahay mid hadda diyaar u ah inuu ka jawaabo tabashada dhabta ah ee Bulshaddu qabto, waxa kaloo hadalkani uu noqon karaa farriin Xisbiga Waddani ku iftiiminayo Siyaasadiisa ku wajahan Mustaqbalka hoggaamintiisa tallada dalka, hadiiba ay jireen dadka biyo-diidsan Siyaasadda qabow ee Xisbiga cadada ka dhigtay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured