Musharrax Cirro iyo Xirsi oo ku Mashquulay Faafinta Warar Been abuur ah oo ka dhan ah Wasiir Cali Mareexan + Siyaasi Cali Mareexan oo Laf dhuun-gashay ku Noqday Ollole Cod-raadin ah oo X. Waddani ku Xod-xodanaayo Bulshada bariga Burco Iyo Guuldarooyinkii uu ay kala Kulmeen deeganada u Xidhan Taageerada Kulmiye

0
Tuesday July 25, 2017 - 02:33:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrax Cirro iyo Xirsi oo ku Mashquulay Faafinta Warar Been abuur ah oo ka dhan ah Wasiir Cali Mareexan + Siyaasi Cali Mareexan oo Laf dhuun-gashay ku Noqday Ollole Cod-raadin ah oo X. Waddani ku Xod-xodanaayo Bulshada bariga Burco Iyo Guuldarooyinkii uu ay kala Kulmeen deeganada u Xidhan Taageerada Kulmiye

    Hargeysa(Xogreebnews)- Musharraxa iyo hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku hawlana dagaal Siyaasadeed oo hor leh ku qaadday Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Cali Mareexan. Kaddib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)- Musharraxa iyo hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku hawlana dagaal Siyaasadeed oo hor leh ku qaadday Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Cali Mareexan. Kaddib markii uu Wasiir Cali Mareexan guulo wax ku ool ah uga sooo hooyey Xukuumadda iyo Xisbigiisa Kulmiye ololihii is-muujinta ahaa ee labada Xisbi Kulmiye iyo Waddani ku dhex-maray gobolka Togdheer.

Dagaalkan Siyaasadeed ee ay daaha dabadiisa ka haggayaan Musharrax Cirro iyo hoggaamiye Xirsi, ayaa ah dacaayado iyo Warar been abuur ka oo ku lid ah Wasiir Cali Mareexan oo ay faafintiisa mudooyinkii u dambeeyey ku hawlanayeen shaqsiyaad gacan yare u ah iyagga, kuwasoo mararka qaarkood ka hadlinaayeen xubno kamid ah Xisbiga Waddani, isla markaana kula hadlaayey Wasiir Cali Mareexan luuqad ka arraddan hadalka Siyaasadda, balse ahaa Cay iyo been abuur iyo weerar cadaan.

Warar ku dhow-dhow masuuliyiintan ugu sarraysaa Xisbiga Waddani ayaa waxay intaa ku dareen in ujeedada ugu weyn ee ay ka leeyihiin ay tahay inuu Wasiir Cali Mareexan hab-rasho muujiyo, isla markaana uu dhimmo dedaalada iyo dhaq-dhaqaaqyada uu ku kasbanaayo qaybaha bulshada, siiba gobolka Togdheer, kuwasoo la xidhiidha ku xasilinta shacab-weynaha bariga burco taageeradoodii amidka ahayd ee ay u hayeen Xisbiga Kulmiye, iyagoo ka daba socda kulamo tiro badan oo wasiir Cali Mareexan kaga kaxaystay dadweyne badan oo ay qorsheysteen inay u Codeyn doonan Xisbiga Waddani, balse hadda uu Wasiir Cali kaga awood batay kasbashadooda dadweynaha gobolka.

Wararka iyo dacaayada ka dhanka ah Wasiir Cali Mareexan ee ay micin biddeen Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) iyo gacan-yarihiisa dhinaca bariga burco Xirsi Cali xaaji Xasan, ayaa ahaa kuwo lagaga been sheegayo Waxqabadka Wasiir Cali mareexan ee dhinaca Wadooyinka iyo sidoo kale, kuwo lagu bartilmaameedsanaayey shaqsiyaddiisa, iyagoo ku faafinayey shabakadaha Wararka ee taageera.

Hase-yeeshee dacaayadahaasi may noqon kuwo wiiqa dedaalada waxqabadka bulshada ee Wasiir Cali Mareexan iyo sidoo kale ololle Xisbigiisu ku kasbanaayo qaybaha bulshada Somaliland, waxanay u arkaan masuuliyiinta Xisbiga Waddani, Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cali Mareexan inuu yahay shaqsi saameyn badan oo u nasiib u helay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye oo u musharrax u yahay Muuse Biixi Cabdi. Taasoo ku abuurtay werwer weyn guul uu gaadho Xisbiga Waddani, iyagoo walaac xoogan ka qaba doorashada Madaxtooyadda ee soo socota inay soo wajahdo guuldaro, isla markaana uu ka guuleysto Xisbiga tallada haya ee Kulmiye oo haysta taageero ka ballaadhan tan uu haysto Xisbiga loolanka kursiga madaxtooyadda kula jira ee Waddani.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured