Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Waa Masuul aqoon-durugsan u leh Shaqada uu Qaranka u hayo iyo Waxqabadka Mugga leh ee ka Hirgalay Degmada Berbera! Qore Farxan Guuleed Warsame.

0
Wednesday July 26, 2017 - 02:28:43 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Waa Masuul aqoon-durugsan u leh Shaqada uu Qaranka u hayo iyo Waxqabadka Mugga leh ee ka Hirgalay Degmada Berbera! Qore Farxan Guuleed Warsame.

    Haddaba, waxa soo baxaayey shalay ilaa Maanta dacaayaddo raqiis ah oo ay ka faafinayeen shaqsiyaad dano gaar ah ka leha Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera, kuwasoo markii rabi-taankoodii iyo damacoodii dooniseed socon waayey micin bidday inay dacaay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba, waxa soo baxaayey shalay ilaa Maanta dacaayaddo raqiis ah oo ay ka faafinayeen shaqsiyaad dano gaar ah ka leha Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera, kuwasoo markii rabi-taankoodii iyo damacoodii dooniseed socon waayey micin bidday inay dacaayaddo raqiis ah ka faafiyan maamulka dawladda hoose ee Berbera, oo u kow ka yahay Xoghaye Cabdikariin aadan cadde oo ah masuul daacad ah oo aqoontiisa ku shaqeeya, isla markaana aan cidna uga habran gudashadiisa shaqo ee maamul iyo u cadaalad samaynta qaybaha bulshada Somaliland.

Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa noqday masuulkii ugu waxqabadka badnaa ee soo maraa xarunta dawladda hoose ee Magaalo xeebeedka Berbera, isla markaana waxa uu fuliyey Mashaaric tiro badan oo kamid ah adeegyadii bulshada ee loo wakiishay.

Sidoo kale, Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde ayaa noqday masuul aqoon durugsan u leh shaqada uu qaranka u hayo, isaggoo ku xeel-dheer ama khabiir ku ah arrimaha maamul iyo maareyn ee dawladaha hoose. Md. Cabdikariin aadan cadde waxa uu waqtigiisa inta badan geliyaa u adeegida ama ka shaqeynta arrimaha bulshada, isagoo dadweynaha reer Berbera ee u madaxda u yahay siiya waqti badan oo dheeraad ah dhinaca shaqada oo ku sugnaado saacad badan oo aan looga baran madaxda kale ee dhiggiisa.

Haddaba, waxa soo baxaayey shalay ilaa Maanta dacaayaddo raqiis ah oo ay ka faafinayeen shaqsiyaad dano gaar ah ka leha Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera, kuwasoo markii rabi-taankoodii iyo damacoodii dooniseed socon waayey micin bidday inay dacaayaddo raqiis ah ka faafiyan maamulka dawladda hoose ee Berbera, oo u kow ka yahay Xoghaye Cabdikariin aadan cadde oo ah masuul daacad ah oo aqoontiisa ku shaqeeya, isla markaana aan cidna uga habran gudashadiisa shaqo ee maamul iyo u cadaalad samaynta qaybaha bulshada Somaliland.

Shaqsiyaadka ka faafinayey Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera Wararka beenta ah iyo aflagaadoyin la xidhiidha dhinaca shaqada uu qaranka u hayo, waxay dhaliil uga dhiggayeen saxeexyada dhulka ee dawladda hoose ee Berbera kasoo baxa, arrinkaa ay ku ceebeya is leeyihiin Xoghaye Cabdikariin, ayaa ah gudasho sax ah oo waajibaadkiisi shaqo ee loo igmadday uu kaga soo baxay. Ma jiro inta la ogyahay xoghayayaashii soo maray dawladda hoose ee Berbera shaqsi uga aqoon badan maamulka dawladda hoose Xoghaye Cabdikariin aadan Cadde, waxana yaraadday mudadii uu joogay xafiiska cabashooyinkii dhinaca bulshada ee dhulka, iyaddoo arrimaha lala xidhidhinaayo hab maamulka Xoghaye Cabdikariin aadan cadde ee daacadnimaddu kow ka tahay iyo weliba garsoornimada cadaaladeed u ugu adeego qaybaha bulshada.

Geesta kale, Waxa u ku talaabsadday mudadii uu xilka hayey Waxqabadka dhinacyo badan, oo ay kamid yihiin laamiyo ka hirgalay gudaha degmada Berbera. Isaggoo la kaashanaya waxqabadkiisa Maayirka Magaaladaas, waxanay muddo laba sannaadood ah kaga fuliyeen Gobolkaa waxqabad balaadhaan, kuwasoo ay kamid yihiin laamiyo tiro badan oo tayo leh. Laamiyadaas oo wax weyn ka taray dhinaca bilicda Magaaladda. Sidoo kale, labadaas masuul waxay sidi wada jir ah weli u wadaan Mashaaric horumarineed oo aan tiro iyo cadad lahayn. Waxanay Maayir Cidin iyo Xoghaye Cabdikariin Noqdeen laba masuul oo u midoobey wax u qabashada bulshada ay masuulka ka yihiin iyo inay daacad u wada qabtaan wixii hawlaha umadda ah.

Qore Farxan Guuleed Warsame.
Berbera/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured