Shaqo Maalmeedka Wadada Ceerigaabo oo u Socda si Hab-sami ah iyo Waxqabadka Taabo-galay ee Wasiir Cali Mareexan ee Dhinaca Wadooyinka Dalka oo Dhan....

0
Sunday July 30, 2017 - 04:29:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqo Maalmeedka Wadada Ceerigaabo oo u Socda si Hab-sami ah iyo Waxqabadka Taabo-galay ee Wasiir Cali Mareexan ee Dhinaca Wadooyinka Dalka oo Dhan....

    Shaqo Maalmeedka Wadada Ceerigaabo oo u Socda si Hab-sami ah iyo Waxqabadka Taabo-galay ee Wasiir Cali Mareexan ee Dhinaca Wadooyinka Dalka oo Dhan....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqo Maalmeedka Wadada Ceerigaabo oo u Socda si Hab-sami ah iyo Waxqabadka Taabo-galay ee Wasiir Cali Mareexan ee Dhinaca Wadooyinka Dalka oo Dhan....
Wasiirka wasaradda hawlaha guud iyo guryeynta oo kaashanaya, Hay"adda Wadooyinka Qaranka ayaa guul wax ku ool ah ka gaadhay, dhismaha Wadada Ceerigaabo oo u ugu yimmi, iyadoo maraysay 25-km, halka Caro Kaawaddana la dhigay 60-Km. Balse Muddo aad u kooban marka loo eeggo dhinaca Wasiirkii hore ee gacanta ku hayey Mashruuca Wadada Ceerigaabo Xirsi Cali Xaji  Xasan, iyo gacan ku hayntan Wasiirka hawlaha guud Md. Cali Mareexan waa kaaf iyo Kala dheeri, waxanay isku jiraan Cir iyo Dhul.
Mudadii uu Wasiir Cali Mareexan maamulayey Wadada ceerigaabo oo ku siman laba sanadood waxa uu ku gaadhsiiyey dhismaha Wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo 140 Km oo laami ah iyo sidoo kale caro tuulka oo laba jibbaar ka badan intaa laamiga ah.
Waxqabadka intaa le'eg ee ku fulay muddo laba sanadood ah ee wasiir Cali maxamed Xasan (Cali Mareexan) ku hirgeliyey waxa u suuro geliyey inuu u qabsoomo baaxaddaasi,  ayaa lagu sheegay inuu Wasiir Cali ka daacadsan yahay Wasiirkii uga horeeyey maamulka mashruucan. Sidoo kale hawlaha shaqo ee Wadada Ceerigaabo maha kuwo istaagay, sida ay faafinayaan War xumo tashiilku, hase ahaatee waxay u socotaa si xawli, iyadoo Xukuumaddu ku dadaalayso inay wixii awoodeeda ah iskugu gayso, isla markaana uu Mashruucaasi usii Laban laambi lahaa.
Dhinaca kale, Waxqabadka Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Cali Mohamed Xasan, kuma ekaa wadada Ceerigaabo oo keliya, balse waxa uu sameeyey Wadooyin kale oo halbowle ah, kuwasoo ay Kamid yihiin Wadada Berbera ilaa Hargeysa oo markii hore joogtay xamaas, balse hadda La marinayo casriyaynteedii magaalada dacar budhuq usoo dhaaftay dhinaca Hargeisa.
Waxa kaloo, iyaggana dayactir iyo Dib u dhis lagu sameeyey Wadada Burco ilaa Laascaanood oo lagu sameeyay Geedo goyn madama wadada dhirtu soo gashay ayna sababtay shilal, Iyadoo gaadiidkii isu qarin jirtay. Waxa kaloo kamid ah Waxqabadka muuqda ee ka hirgalay Wadadaas, Biriishka burco oo la ogga burburkii ay gaadhsiyeen Daadad iyo Biyaha Dooxu, Waxa iyana ka mida meelaha la dayactiray Tiray sedexda biriish ee ugu balaadhan inta u dhaxaysa magaalooyinka BURCO Iyo BERBERA sida Dubur, Kalajab iyo Buundada Hudisa oo mudo aan dayactir lagu samayn lana mari jiray meel jar ahayd oo xata ku adkayd gaadiidka raran ee waawayn, Waxa sido kale ka mida Biriishyada jiifa "Irish Biriish"  u dhaxeeya BERBERA Ilaa HARGEISA kuwooda xeebta soo xiga oo daadadku jareen in ku dhow Haad lana isticmali jiray haadka midig oo qudha lana kala sugi jiray madama an laysku dhaafi karayn... La soco qaybaha dambe iyo Wadooyinka Galbeedka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured