Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dhaqan iyo Dabeecad Uma Laha oo Ilahay Wuu og-yahay Admiguna wuu Og-yahay In Aanu shaqo ku lahayn Been abuurka Dira-diraaleyaasha, Wasiir Maxamuud Xashi-na Waa Il Iyo Diirkeed, Xil-na Laguma Helo Cayda Masuuliyiinta!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.
Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dhaqan iyo Dabeecad Uma Laha oo Ilahay Wuu og-yahay Admiguna wuu Og-yahay In Aanu shaqo ku lahayn Been abuurka Dira-diraaleyaasha, Wasiir Maxamuud Xashi-na Waa Il Iyo Diirkeed, Xil-na Laguma Helo Cayda Masuuliyiinta!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.
Shaqsiyaad Xil-doon ah oo gacan-saar la leh hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaji Xasan, isla markaana waqtigii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyadda ahaa xil ka hayey Dawlada hoose ee Magaaladda Berbera,hase-ahaatee musuq-maasuq iyo xil-gudasho la’aan awgeed lagaga eryey shaqada, ayaa bilaabay cay, aflagaado iyo baahinta Warar been abuur ah oo lagu bartilmaameedsanaayo Xoghayah fulinta Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde. Shaqsiyaadka
xil-doonka ah, ayaa bishii hore badhtankeedi baahiyey War aan sal iyo
raad-toona lahayn oo lagu faddeexadeynaayo Xoghayaha Dawladda hoose ee Magaaladda
Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde. War kaasoo markii baadhitaano ay
Warbaahinta madaxa-banaani ku samaysay noqday War aan sal iyo raad-toona
lahayn, hase-yeeshee ay si qarsoodi ah Saxaafadda Emeil ugu kala direen
shaqsiyaad iskugu jiraa kuwo dano shaqsi ka leh dawlada hoose ee Magaaladda
Berbera iyo sidoo kale xubno xil doon ah, oo iyagga hun-guri ka hayo mansabka
Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Berbera. Wallow Saxaafaddu markii dambe si
cad u joojisay baahintiisa, isla markaana raali-gelin ka siisay xoghayaha Dawlada
hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan-cadde.
Kooxdani
Xalay saacadihii dambe ayey mar kale, Warbaahinta usoo direen War been abuurad
ah oo aan sal iyo raad-toona lahayn, isla markaana lagu wan-jalaayo Xoghayaha
Dawlada hoose, waxanu nuxurka Warkooda ay usoo naqshadeeyeen isku dir iyo isku
dhac inay ka dhex abuuran Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md.
Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xoghaye Cabdikariin Aadan cadde, oo iyaggu ah laba
shaqsi oo saaxibtimadooda ay u dheer tahay wada-shaqeyn wanaagsan.
Haddaba,
waa kuma Ninkan ay dacaayadeynayaan kooxdani, bulshaddu kooxda Warkeeda sidday
u aragtaa. Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde waa shaqsi dhawr-soon oo Alle ka cabsi
badan, isla markaana shaqadiisa mooye aan ku milmin wax kasta oo kale. Sidoo kale
Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde dhaqan iyo dabeecad toona uma laha isku dirta
iyo masuul laba wajiileyn lagula shaqeeyo. Mana geyo runtii been abuurka
kooxdani faafinnayso.
Xoghaye Cabdikariin
Aadan Cadde waa shaqsi aqoon leh, oo dhaqaale yahan ah, isla markaana Ilahay
Hibbo u siiyey Hal-abuurnimo iyo karti, waxay Bulshada aqoonta u leh Xoghaye
Cabdikariin Aadan Cadde ku siffaysaa adoon Saalix ah oo ka fog munaafaqad iyo
waxkastaa oo wax u dhimmaaya Aakhiradiisa, waa adoon Cibbaado badan.
Guntii iyo
gebo-gebadii, Ninka u him iyo dig leh hebel intaad wajasho, ayaad xilkiisa ku
fadhiisan doontaa, waxan xasuusin laha Ilahay inuu bixiyo ersaaqda iyo sidoo
kale mansabyada aduunka. Waxanan uga diggi lahaa kooxdan been abuurka iyo
dira-diraalenimada caaddeysatay in aanay ku dhicin Ciqaab daran oo ku dhacda If
iyo aakhiroba. Sidaas daraadeed waxan idinkula talin lahaa inaad hadii aad
shaqo doon tihiin u martaan dariiq caafimaad qaba, hase-yeeshee wanjalaad hebel
laguma helo mansab, oo qofka xaasidkiisu bato Ilahay uu usii laban-laaba wax
kastaa ee oggaada. Waxan halkan raali gelin uga dirayaa Xoghayaha Dawladda
hoose ee lagu geffay iyo Saaxibkii Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi,
waxanan leeyahay isku duubnaada weligiin, labadiinuba waxaad tihiin waayo arag ilbax
ku ah munaafaqadda kasoo baxaysaa xertii xirsi ku tabo-baray hantida Umada. La soco
qaybaha dambe.
Qalinkii
Farxaan Guuleed
Warsame.
Hargeysa/Somaliland
Leave a comment |
|
Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dhaqan iyo Dabeecad Uma Laha oo Ilahay Wuu og-yahay Admiguna wuu Og-yahay In Aanu shaqo ku lahayn Been abuurka Dira-diraaleyaasha, Wasiir Maxamuud Xashi-na Waa Il Iyo Diirkeed, Xil-na Laguma Helo Cayda Masuuliyiinta!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.
Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dhaqan iyo Dabeecad Uma Laha oo Ilahay Wuu og-yahay Admiguna wuu Og-yahay In Aanu shaqo ku lahayn Been abuurka Dira-diraaleyaasha, Wasiir Maxamuud Xashi-na Waa Il Iyo Diirkeed, Xil-na Laguma