Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule Waxa Kamid Yahay Astaamaha Guusha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil...Waa Shaqsiyaadkii Olollahoodii kulmiye ku Hantay Hogaaminta dalka..

0
Wednesday August 16, 2017 - 03:12:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule Waxa Kamid Yahay Astaamaha Guusha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil...Waa Shaqsiyaadkii Olollahoodii kulmiye ku Hantay Hogaaminta dalka..

    Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule Waxa Kamid Yahay Astaamaha Guusha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil...Waa Shaqsiyaadkii Olollahoodii kulmiye ku Hantay Hogaaminta dalka..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule Waxa Kamid Yahay Astaamaha Guusha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil...Waa Shaqsiyaadkii Olollahoodii kulmiye ku Hantay Hogaaminta dalka..
Berbera(Xogreebnews.com) Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule, waxa uu Kamid yahay tiirarka ad-adag ee Udub-dhexaadka u ah Xisbiga Kulmiye ee caanka ku ah Kulmiye-yaha Gobolka Saaxil, gaar ahaana degmada Berbera.
Waxana lagu xasuusta duruufo adag oo u xilliyo Kala duwan soo wajahay Xisbiga Kulmiye, kuwasoo iskugu jiray halganno Doorasho oo u guul ku gaadhsiiyey Xisbigaas.  Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule waxa uu Kamid ahaa aas-aasayaashii Xisbiga Kulmiye dhidibbada u taagay, gaar ahaana Xafiiska degmada Berbera, sidoo kale waxa uu Mr. Kayd Cabdilahi Xandule door wax ku ool ah ku lahaa guushii ama kaalintii wanaagsanayd ee u Kulmiye Doorashadii Madaxtooyadda ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo kusoo baxay ka galay gobalka Saaxil. Waxanu waqtigaas Siyaasi Kayd Cabdilahi ahaa Ragga waaweyn ee gobalka Saaxil u dhashay ee Faro ku tiriska ah ee Xisbiga Kulmiye caanka ku ahaa, waxanu lasoo galay waqti waayihiisa lahaa.
Siyaasi Kayd Cabdilahi Xabdule waxa uu Kamid ahaa Musharraxiintii golaha deeganka u metelayey Xisbiga Kulmiye gobolka Saaxil, hase-yeeshee inkastoo uu liisaska hore ee Xildhibanada Kayd ku jiro, hadana nasiib umu helin inuu soo baxo.
Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule waxa uu soo qabtay Xilal Kala duwan, waxana ugu dambeeyey Wakaaladda Biyaha ee Berbera oo ka Noqday Maareeyaha guud ee wakaaladda, waxana lagu xasuustaa Waxqabad mug iyo miisaan leh oo u gaadhsiyey wakaaladda, isagoo ku guuleystay inuu Biyaha qasabadda gaadhsiiyo dhamaan darafyada iyo gudaha Magaaladda Berbera. 
Inkastoo aan siduu ugu lisay loogu hambayn haddana waa shaqsi go aan leh oo aanu mawqifkiisu is bedelin amaba aan niyad jabin, Waa raggii Ololahii kulmiye ku hantay hogaaminta dalka ku suntana.
Siyaas Kayd Cabdilahi weli waxa ka tirsan yahay Xisbiga Kulmiye, waxana ka go'an guul uu gaadhsiyo Musharraxa Xisbigiisa Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, iyadoo ay Magaaladda Berberi gobolka koowaad ee Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Codkeeda sida weyn ugu xisaab tamaayo ee sababta u noqon doonta guushiisa,  ayaa haddana waxa looga baahan yahay Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi inuu Dib u habbayn iyo boodhka garaacis ku sammeeyo maamulka Fadhiidka ah ee Xisbiga Kulmiye Berbera.waxana loo bahan yahay inuu halgeliyo Raga waaweyn ee saameynta ku dhex leh bulshada Saaxil. Sida siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo kale. La soco.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured