Dunni Maqluubkii loo Rogay: Halkay Iska Gaadhaan Maamule Madaar iyo Wasiir !!!.

0
Sunday August 27, 2017 - 00:33:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunni Maqluubkii loo Rogay: Halkay Iska Gaadhaan Maamule Madaar iyo Wasiir !!!.

    Hargeysa(Xogreebnews)-Sooyaalka haykalka dawladnimo ee Somaliland, waxa dhacday oo marag ma doon ah in masuul darajadiisu tahay maamule Madaar uu Warbaahinta hadal u mariyo Wasiir ka tirsan Xukuumadda uu kamid yahay maamul hoosaadka shaqaaleheeda daw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Sooyaalka haykalka dawladnimo ee Somaliland, waxa dhacday oo marag ma doon ah in masuul darajadiisu tahay maamule Madaar uu Warbaahinta hadal u mariyo Wasiir ka tirsan Xukuumadda uu kamid yahay maamul hoosaadka shaqaaleheeda dawladda, isagoo Wasiirka ku naqdiyeyana ku dhawaaqay weedho xanaf leh oo weliba u ku durayo Siyaasadda Xukuumadda ee Wasiirku ku shaqeeyo.

Hargeysa(Xogreebnews)-Sooyaalka haykalka dawladnimo ee Somaliland, waxa dhacday oo marag ma doon ah in masuul darajadiisu tahay maamule Madaar uu Warbaahinta hadal u mariyo Wasiir ka tirsan Xukuumadda uu kamid yahay maamul hoosaadka shaqaaleheeda dawladda, isagoo Wasiirka ku naqdiyeyana ku dhawaaqay weedho xanaf leh oo weliba u ku durayo Siyaasadda Xukuumadda ee Wasiirku ku shaqeeyo.

Arrintan fadeexadda ah oo dhacday Shalay, waxa ku talaabsadday Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf, isagoo daba socday hadal qoraal ah barta Facebook uu ku leeyahay Wasiirka hawlaha guud Md. Cali Mareexan uu ku qoray dhacdo uu goob-joog u ahaa oo ka dhacday gudaha Diyaarad ay leedahay Shirkadda FLY Dubai, oo Sabtidii isku diyaarinaysay Duulimaad ay ku tagi lahayd Imaaraadka Carabta.

Hase-yeeshee sida Wasiirku Faceboogiisa ku baahiyey intii aanay diyaaraddu ka haadin Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa, ay shaqaalaha diyaaradda gudaheeda ka adeega si bini-aadanimada ka baxsan ula dhaqmeen muwaadinad reer Somaliland oo kamid ahayd Rakaabkii raaci lahaa Diyaaradda, arrintaasoo sida Wasiirku qoraalkiisa ku sheegay ka bilaabantay muran afka ah oo dhex-maray haweenayda Rakaabka ah iyo mid kamid ah gabdhaha shaqaalaha ka ah diyaaradda FLY Dubai, hase-ahaatee arrintu markii dambe gaadhay ilaa duuliyihii diyaaradda inuu soo far-geliyo, kaddib duuliyihii diyaaraddu isagoo ku socda xogta iyo Warkii Inaanta shaqaalaha Diyaaraddu u gaysay, waxa uu amar ku bixiyey in haweenayda oo isa-siadatay laga reebo Diyaaradda.

Intaa kaddib Wasiir Cali Mareexan waxa sheegay inuu isku dayey waan-waan arrinka u ka galo, hase-yeeshee dhan jalaq loo siin waayey, intaa kaddib uu la xidhiidhay Wasiirka Duulista Farxaan Aadan Haybe, kuna war-geliyey arrinta meesha ka dhacday, balse Wasiir Farxaan laf ahaantiisu aanu wax xil ah iska saarin arrinta oo u ugu jawaabay "anaggu Duliyaasha Diyaaraddaha ma Xukuno”.

Intaasi markii ay dhacday Wasiir Cali Mareexan, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu go’aan ku gaadhay inaanu raacin Diyaaradda FLY Dubai ee lagu dhibbayo muwaadiniinta uu madaxdooda kamid yahay, sidaasna isagga iyo haweenaydii isa-sidatay kaga soo daggeen Diyaaradda FLY Dubai, isla markaana ay raaceen Diyaaraddaha ay leeyihiin Shirkaddaha Somaaliddu.

Waxa fajac iyo amakaag ku noqday bulshada markii uu Warbaahinta kasoo baxay maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf, isagoo ka jawaabaya hadal qoraalkii Wasiir Cali Mareexan ku dhawaaqay hadallo iyo weedho xajiin badan, kana araddan anshaxa iyo asluubta dawladnimada iyo mustawaha maqaamkiisa oo aan la garan karin meesha uu ka keenay iyo cidda usoo laqintay in isagga iyo wasiir wada doodi karaan. Masuulkaas oo marka la qiimeeyo qaab-dhismeedka dawladnimada noqonaya xubin kamid ah shaqaalaha dawladda, erayadda asluubta ka arraddan ee u ku tiraabay waxaynu ka xusi karnaa; ".. Waxaan Maalin dhoweyd arkaayey Wasiir Cali Mareexan oo leh Diyaarad dawooyin ah ayaan Berbera Keenay, waa Markii labaad ee u faro-geliyo shaqo wasaarad kale leedahay. Markaa Wasiir Cali ma ka aqoon darra, maka badheedhbaa, maka Jaahilnimaa..”.

Haddaba, waa waabka yaabkiise halkee sallaaddu ka xidhmi la’dahay, mise cadanbaa laga heesayaa, hadmaa dunida la fasaxay Maamule madaar oo awooddiisu ku xadi-dan tahay Xayndaabka Madaarka, oo xata aan lahayn awood u fasixi kartaa inuu ka hadlo arrin ku saabsan Madaarka Magaaladda Berbera, hadmay dhacday inuu yeesho awood uu kula hadlo Wasiir, isagoo weliba ku tiraabaya hadallo akhlaaqiyaadka Bini-aadanka aan ku wanaagsanayn, xil ha hayo ama yaanu haynee.

Hase-yeeshee waxa la yidhi, Dameeruhu isku hallayn ayey Hooyadood dabada uga Nuuggaan’e, Malaha Wiilku isku halleyn ayaa hadalka ka keentay, oo waxa uu og-yahay in Wasiirkii shaqada qoray (Maxamuud Xaashi) dalka Madaxweyne ka yahay, oo cid kale oo wax ka qaadi kartaa aanay jirin, xataa Wasiirka Duulista laftiisa (Farxaan Aadan Haybe) aanu waxba iskaga tirinayn, hadii isagga uu ku daba fayli waayana Wasiir Cali Waxa ku dhacay, wax ka yaab badan inuu ku samayn doono (Farxaan Aadan Haybe) uu arko doono. Si kastaba ha ahatee, waxaynu eegi doonaa halkay arrintu ku dambayso, oo ama dawladnimada ayaa la badbaadin oo waxbaa laga qaban ama waxay noqon Nin-na taagtii Nin-na Tamartii oo Nin waliba xafiiska uu joogo ayuu ka noqon amiir, oo waxa xaalkuna waxa uu noqon reer Ba’ayoo yaa ku leh.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured