Akhriso Warbixin Ku iftiminaysa Degmada Oog ee uu Kasoo Jeedo Wasiir Maxamud Xashi iyo Bulshada Degaankiisa oo aan Wax Kalsooniya u Haynin Wasiirka Madaxtooyada W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

0
Sunday September 10, 2017 - 01:07:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Warbixin Ku iftiminaysa Degmada Oog ee uu Kasoo Jeedo Wasiir Maxamud Xashi iyo Bulshada Degaankiisa oo aan Wax Kalsooniya u Haynin Wasiirka Madaxtooyada W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

    Akhriso Warbixin Ku iftiminaysa Degmada Oog ee uu Kasoo Jeedo Wasiir Maxamud Xashi iyo Bulshada Degaankiisa oo aan Wax Kalsooniya u Haynin Wasiirka Madaxtooyada W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Warbixin Ku iftiminaysa Degmada Oog ee uu Kasoo Jeedo Wasiir Maxamud Xashi iyo Bulshada Degaankiisa oo aan Wax Kalsooniya u Haynin Wasiirka Madaxtooyada W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

Wasiir maxamuud xashi masuulka ugu faanka badan xukumada ee hadana ugu runta yar. qoraalkan waxan ku eegi donaa maxamuud xashi iyo degaanka uu kasoo jeedo oo quus ka tagan xukumada uu kamidka yahay iyo xisbiga kulmiye. Wa masuulka kaliya ee aan 100-qof oo tageerayal ah oo degaankiisa kasoo jeeda goob isugu keeni karin shaqsiga nocaas ah ayaa hadana umada ku leh waxan leeyahay han madaxwayne cajiib

Xisbiga kulmiye iyo xukuumada uu kamid ka yahay waxba uguma jila.inuu dadka ka caydhiyo mooye waxba uma soo kordhinaayo

Soomalidu waxay ku maahmahda (ninkaad kabahaga ka tolanayso.kabihiisa ayaa la eega) bal aynu dib u milicsano maxamuud xashi iyo degaanka uu kasoo jeedo. BAL AYNU EEGNO DEGAANKA IYO MAGALADA UU KASOO JEEDO IYO DHIBTA HORUMAR LA.AANED EE HALKAASI KA JIRTA

hordhac.........

Degmada oog wa magaalo ku taala gobalada bari ee somaliland gaar ahaan gobolka saraar waxa magalada oog la as-aasay tariikh ahaan wixii ka danbeyay wakhtigii xoriyada laga qaatay gumaystihii ingiriiska

Degmada oog waxa as-aasay oday c/salaan ibrahim shire oo kamid ah odayaasha degaankaasi ,oday c/saalan wa shaqsiga unkay degmada oog ee xurunta labaad ee gobolka saraar,wana shaqsigii ugu horeeyay ee degay halka ay maanta tahay magalada cusub oo wakhtigaas ahayd gegi-banaan

Magalada oog wa magaalo kortay dhismo ahaan,bulsho iyo dhaqaale ahaan,wa magaalo fiday wixii ka danbeyay 1991-kii wakhtigii xoriyada lala soo noqday

Oog waa magaalo baladhan oo bulsho baladhani degto wa magaalo qurux badan waxay ku talaa dhul banaan wa degaan baliyo,beero,iyo dhul xool daqeen ah leh

waxa mara lamiga ama wadiiqada dhulka somalida ugu wayn oo marta badhtamaha magaladaasi,waxana kala badha laamiga taasi ayaa ka dhigtay goob istaraaji ah oo si fiican u kortay magaalo ahaan

Hadii aan intaas afeef- u dhigto degamadani wa halka uu kasoo jeedo wasiirka madaxtoyada maxamuud xashi cabdi oo mudo 8-sano ah ka tirsanaa xukumada m/wayne siilanyo uu gadhwadeenka ka yahay

Maxamuud xashi wa masuulka kaliya ee ku jira xukamada ee aan magalada uu kasoo jeedo xataa aan waligiis waxba ka qabanin oo aan xataa xabad jaajur ah meel dhigin

degmada uu kasoo jedaa malaha cisbitaal,malaha gadhi ambalance,malaha riig biyood oo ay dadku ka cabaan,mana laha gaadhi ay ku shaqeeyan mamulka degmadaasi

Guud ahaan waxay ka aradantahay waxyabaha asasaka u ah bulsha kasto oo jirta;

degmada oog ee uu wasiir xashi kasoo jeedo waxa magacawday dawladii madaxwayne daahir riyaale kaahin,oo wakhtigaasi ka hirgalisay goob MCH ah oo iminka gabi ahaanba shaqada gabtay.

Marka laga yimaado aradka iyo diifta ka muuqta magaldan curadku ka xamaaday(wasiir xashi) ee oog ,waxa iyaguna gabi ahaanba hurumarka dalka ka aradan bulshada kasoo jeeda degmadani oo aan gabi ahaanba helin xuquuqdii ay dalka ay ku lahayeen

Dulmiga uu maxmuud xashi ka galay degaanka waxay bulshadani ka aarsan doonta doorshada soo socota ,marka nin waliba la golle yimaado bulshadiisa iyo waxa uu u qabtay, waana malinta kaliya ee loo baahan doono bulshada degaankaasi

Badhtamihii sanadkan aya dalka waxa ku dhuftay abaartii ugu xumayd inta la ogyahay tariikhda.dadka degaankan waxa saamayasay abrtaasi oo dabar-jartay xoolihii laf-dhabarta u ahaa dadka degaankaasi

abaartii wax-yeelaysay degaanka maxmuud xashi waxay gabi ahaanba lagu wayay xoolihii ay dhaqan jireen dadka reer guuraga ah ee halkaasi ku nool taas badalkeeda maxamuud xashi waxba uma qaban waxana uma tarin dadkii caydhoobay ,iyagoo niyada ku hayay inanay dawlada gacanteeda wayaynin madaama uu kasoo jeedo gacanyaraha madaxwaynaha somaliland

Malin khamiisa 12-julay ayaan safar ku tagay dagmada oog,waxan goor casar ah gadhay hallkaasi ,intii anan galin magalada meel u dhaxaysa degmada oog iyo magalada ceel-dhaab oo galbeed kasoo xigta magalada oog una jirta qiyaas ilaa10-km ah

Waxay indhahaygu qabteen,dad ku sugan kamamka halkaasi ku yaala oo ay wajiyadooda ka muuqato diifta iyo diihaalka ay ku reebtay abaartaasi xoolahoodii sahaytay,dakaasi ma ay haysan hoy iyo hu'toona hooygoodu wuxuu ahaa baco aan xataa cadceeda ka celin-karaynin

markii ay indhahaygu qabteen caruur yar-yar oo dhalaan iyo ubax ah oo wajiigooda aad ka daramayso diifta nololeed ee wiiqday muqaalkii qurxda badnaa ee dhalaanimo,kaliya waxay ii ahayd inaan uurka ka ooyo madaama ay dadkaygii ahayeen.

Alaah ayaa swc keenay abaarta ujeedkeeduna wuxuu ahaa imtixaan la isku keen eegayo si qofka wax haystaa uu wax u taro walalkiisa baahan maxmuud xashina wuxuu ahaa nin iloowsan dadkii uu kasoo jeeday oo hantida umada u isticmalayay qabab danaysi ah.

Habeenkii waxan TV-ga ka arkayay wasiir samsam cabdi aaden oo qaybo kamid ah degaanka ay kasoo jeedo gadhsiinaysa dawooyin.cunto. xadhigana ka jaraysa goobo cafiimad waxaan uurka ka idhi haweenaydaas iyo marwadaas ayaa ka caqli wacan oo ka wax tarbadan ina xaashi .waxaba fiicnan lahayd samsam ee halkan kasoo jeeda

Markii ay goorsheegtu ahayd 5;30 galbnimo waxan galay magaldii oog ee quruxda badanayd oo ay ka muuqato diihasha iyo diifta horumar laa,anta iyo dib u dhaca halkaasi ka jira

degaan waliba waxa matala qof xukumada kamid ah si uu u dawlada uga daboolo baahiyaha ka jira degaankaasi .maxamud xashi wuxuu mataala degaankas aanay xukumadu waxaba ka qabanin isaga oo kasoo jeedana aanay xabad jaajur ahi ka oolin.hadaba maxmuud xashi sida uu degaankiisa u dulmiyay ayuu u dulmiyay guud ahaan gobolka saraar oo aanu waligiis waxba ka qabanin

dadka ku nool oog hadii aad waydiiso halka uu ku danbeeyay iyo kalintii maxamuud xashi waxad dareemaysaa inay ka rajo dhigeen wasiir xashi

21-january ayuu booqasho ku yimid magalada caynaba isagoo halkaasi ka dhagax dhigay ceel-biyood .ilaa iyo maanta lama hayo ceelkii maxamuud xashi dhagax dhigay .dadka degaankaas ayaa ka hadlay tv-yada iyago sheegay in wasiirku balantii iyo hirgalintii ceelkaasi laga wayay isla markaana anay haba yaratee dib u maqlin meesha uu ku danbeeyay ceelkaasi

Maxamuud xashi gabi-ahaanba waxaba kama qabanin halka uu kasoo jeedo iskadaa inuu meel kale wax ka qabtee wuxuu dayacay oo aan manta abaal u haynin dadkii uu kasoo jeeday cid kalena hadalkeeda daa

Dad-badan ayaa aaminsan in dadka uu kasoo jeedo ay sad iyo sareedo dheeriya ku qabaan xukumada uu ku jiro dadkaasi waxan u sheegay in ay xaqiiqda il-dufeen.waxayna iloobeen in maxaxmuud xashi yahay danayste aan tixgalin cid kale oo aan ka ahayn dadka u guul-wadeeya waayo wa nin ka gubta dhaliisha iyo runta laga sheego

Wasiir maxamuud xashi wuxuu kasoo jeeda oog .hadii lasoo helo 30-qof oo kasoo jeeda degaankaasi oo uu shaqlaysiyay 7-dii sano ee uu wasiirka ahaa waxan ahay beenaale.

Waxad maqlaysaa dadk qaar oo ku odhanayaa maxamuud xashi wuxu leeyahay han-madaxwayne oo wuxuu donaya inuu mustaqbalka noqdo godoomiyaha xisbiga kulmiye.bal nin dadkiisi iyo degaankiisi sidaasi yihiin muxuu dalka u qabanayaa

Maxamuud xashi hadii aad waydiiso dadka la kulmay ama dadka aqoonta fiican u leh waxay kuu sheegayaan inuu yahay nin balan xun oo beenta yaqaana waxaad inbadan arkaysaa dadka oo calamadahaas ku sheegaya bal qofka noocaas ahi hadii uu dhaho han madaxwayne ayaan leeyahay sow maaha qof riyoonaya

Maxmuud xashi abaal kuma laha bulshada somaliland sidoo kale abaal kuma laha dadka iyo degaanka uu kasoo jeedo.

Qoraalkan waxan u qoray inan dadka dareensiiyo xaqiiqada iyo sida maxamuud xashi u dayacay degaanka uu kasoo jeedo.waa hubaal qoraalkan inay ka xumanayaan dad-badan oo aan waxba ku qabin maxamuud xashi blse ku qanacsan magaciisa iyo kan haybta ee aan wadaagno.sidoo kale ay ku xajiimonayaan dad-badan oo guul-wadayaal u ahi lkn u jeedkaygu wa mid ku salaysan xaqiiqada iyo runta jirta iyo xaalka dadkayga

Qoraalkan waxa diyariyay mustafe axmed maxmed geedi

Waa taxaneheenii Hadimo iyo Hagaradaamo qaran

qaybtii 2aad.......................... .............................. ............................

lasoco qaybta 3aad.......................... .............................. ................

wa bilaahi tawfiiq

W/Q Mustafe Axmed Maxmed Geedi

email.mustafea179@gmail.com

somaliland nolol iyo nabad




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured