Waa Kuma Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera?. Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn Loogu Boggaadiyey Magacaabista Maareeyaha Cusub ee Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi iyo Waxqabadka uu Ku Sabootiyey Hay'adda Raashinka Dawladda & WFP...Warbixin Kooban.

0
Monday September 11, 2017 - 10:17:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera?. Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn Loogu Boggaadiyey Magacaabista Maareeyaha Cusub ee Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi iyo Waxqabadka uu Ku Sabootiyey Hay'adda Raashinka Dawladda & WFP...Warbixin Kooban.

    Waa Kuma Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera?. Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn Loogu Boggaadiyey Magacaabista Maareeyaha Cusub ee Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi iyo Waxqabadka uu Ku Sabootiyey Hay'adda Raashinka Dawladda & WFP...Warbixin Koo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera?. Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn Loogu Boggaadiyey Magacaabista Maareeyaha Cusub ee Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi iyo Waxqabadka uu Ku Sabootiyey Hay'adda Raashinka Dawladda & WFP...Warbixin Kooban.
Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Siciid Xasan Cabdilahi u Magacaabay Maareeyaha Guud ee Dekeddaha Dalka, kaasoo fadhigiisu yahay Dekedda weyn ee Magaaladda Berbera, gaar ahaana faraca Somaliland.
Mareeye Siciid Xasan Cabdilahi, oo hore u ahaa Maareeyaha Hay'adda Raashinka Qaranka iyo Xidhiidhinta Hay'adda WFP, xilkaasoo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi la wareegay March 11, 2015 -kii,  waxa uu noqday masuul waxqabad baaxad leh oo dhinacyo badan ku talaabsaday mudadii uu Hay'adaas maamulkeeda hayey,  sidoo kale, Maareeye Siciid waxa uu laban laabay, isla markaana ku guuleystay inuu kordhiyo caawimooyinka dhinaca raashinka ee WFP siiso Somaliland, waxa kaloo xusid mudan inuu ku guuleystay in dalka Somaliland ay Hayadda WFP ka iibsado Beeralayda dalka raashinka
iyo in caawida la saddex jibbaaro.
Haddaba markii galabta Madaxweynaha Somaliland uu u magacaabay xilka cusub ee Maareeyaha Dekedda Berbera Md. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa waxa mar keliya baraha bulshaddu ku kulanto is qabsaday Hambalyada Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu noqday shaqsigii ugu hambalyada badnaa ee qaybaha bulshaddu ku boggaadisay Madaxweynaha magacaabistii uu sameeyey, iyaddo la iskugu daray boggaadin iyo duco Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera Md. Siciid Xasan Cabdilahi. 
Si kastaba ha ahaatee, Maareeyaha Cusub ee Dekedda Magaaladda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa ah aqoonyahan waayo arag ah, kaasoo leh khibrad shaqo oo dal iyo dibedba xidhiidhsan, sidoo kale waa shaqsi karti badan oo mu-hindis ah, waxana la filayaa inuu qayb weyn ka qaadan doono dib u dhiska Shirkadda DP World ku samay doonto Dekedda Magaaladda Berbera, waxa kaloo laga filayaa Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera inuu Daawo u raadiyo xaalada ka dhex taagan ganacsatada iyo weliba Shirkadda maamusha dekedda ee DP World.
Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdiliha, waa aqoonyahan ku xeel dheer arrimaha Tignoolajiyadda, waxanu soo maamulay Shirkado kuwa isgaadhsinta ah oo waaweyn, oo ku yaala qaaradda Yurub. Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu ahaa maamulaha guud ee Telecommunications company Magaaladdda Manchester ee cariga Ingiriiska. Sidoo kale Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu Business Telephone Systems ku lahaa Magaaladda Manchester, isagoo dhinaca kalena ganacsiigu gaadhay dalal kale oo yurub ah.
Geesta kale, Maareeyaha cusub Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waa shaqsi ixtiraab badan oo ay u siman yihiin bulshaddu. La soco qaybta dambe.
Xogreebnews Office Hargeysa/ Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured