Cabdikariin Xinif iyo Maxamed Cabdi Daa'uud oo Warbaahinta KUlMIYE ee Xilliga Doorashada ku Xullaya Laba Beelood iyo Fadeexadaha Dul-hogganaya Masuuliyiinta kasoo saaqiday Xilalkii Qaranka ee loo Igmadday…

0
Monday September 11, 2017 - 17:48:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdikariin Xinif iyo Maxamed Cabdi Daa'uud oo Warbaahinta KUlMIYE ee Xilliga Doorashada ku Xullaya Laba Beelood iyo Fadeexadaha Dul-hogganaya Masuuliyiinta kasoo saaqiday Xilalkii Qaranka ee loo Igmadday…

    Cabdikariin Xinif iyo Maxamed Cabdi Daa'uud oo Warbaahinta KUlMIYE ee Xilliga Doorashada ku Xullaya Laba Beelood iyo Fadeexadaha Dul-hogganaya Masuuliyiinta kasoo saaqiday Xilalkii Qaranka ee loo Igmadday…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdikariin Xinif iyo Maxamed Cabdi Daa'uud oo Warbaahinta KUlMIYE ee Xilliga Doorashada ku Xullaya Laba Beelood iyo Fadeexadaha Dul-hogganaya Masuuliyiinta kasoo saaqiday Xilalkii Qaranka ee loo Igmadday…

Hargeysa(Xogreebnews)-Iyaddoo lagu jiro xilli doorasho oo xasaasi ah, ayaa Xisbul-xaakimka Kulmiye kasoo ifbaxay faddeexado horleh oo la xidhiidha masuuliyiin sare oo Xisbiga ah, oo shaqooyinkii ay hayeen uga xuub-siibtay kuwo kale oo fadeexad mooyane iyagga iyo xisbigaba aan wanaag ugu jirin. Fadeexadahaas oo ah inay cunnaha iskaga duubeen gabi-ahaanba hawlihii shaqo ee Xisbigu ka lahaa dhinaca Warbaahinta, kaddib markii masuuliyiintaasi ay noqdeen magafayaal ka ka dhex ugaadhsadda Xisbiga Kulmiye Iyo Warbaahinta.

Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Magafayaasha isu-bedelay oo tiradoodu badan tahay, waxa hormoodka ah Agaasimaha Hay’adda Koomishanka AD/ADIS Cabdikariin Xiniif iyo Maxamed Cabdi Daa’uud oo ay jiffo hoose isku yihiin Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, kuwasoo shaqaddoodi noqotay sidii ugaadhsatada oo kale, kolba intay suuqa kasoo kaxeeyan Wiilasha Warbaahinta ka sahqeeya ama Mulkiilayaasha ka ah, dabeedna Guriga Muuse Intaa ay geeyan ay yidhaahdaan heshiis nala gal, waxanu Bishii ku siinaynaa Kun-dollar’e.

Waxa kaloo intaa raaca, oo kooxdani Xisbiga Kulmiye iyo Saxaafaddii ka dhex abuureen dagaal, kaddib markii ay Istaraajiyaddii Xisbigu kula shaqeyn jiray Warbaahinta ka dhiggeen qabyaalad, isla markaana sheegeen in Warbaahinta Xisbigu wada-shaqeynta la yeelan doono doorashada, inay kasoo xulanaayn Warbaahinta ku abtirsata Bariga Burco iyo Galbeedka Hargeysa.

Arrinkaas oo Xisbiga Kulmiye ku ah fadeexad iyo laf-jab aanu kasoo kaban-dooniin hadda, maxaa yeelay kooxdani waxay wiiqeen sharafta iyo tuhuunkii laga qabay Xisbiga Kulmiye, maadaama oo xilli doorasho lagu jiro, sababta oo ah mar waxay limmiyeen nidaamkii shaqo ee waaxda Warbaahinta ee Xisbiga Kulmiye, oo markay shaqadeedii maroorsadeen, iyaddii noqotay wax aan jirin oo laga aaminka baxo, sidoo kale waxay limmiyeen kooxdani kalsoonidii iyo wada-shaqeyntii warbaahintu la lahayd Xisbiga Kulmiye oo ahaa mid wanaagsan markii hore.

Haddaba, markaynu qiimmeyno waxyeellada ay Xisbiga Kulmiye ku leedahay dhaqamada kooxdani bilowday, waxana shaki ku jirin, hadii aan wax laga qaban, oo weliba Musharraxa iyo Hoggaanka sare ee Xisbigu soo faro-gelin kooxdana degdeg wax uga qaban, waxa dhici doontaa in Xisbiga Kulmiye adhaxda ka jabo doorashadda, kaddib marka uu waayo Doorkii Warbaahinta ee Gobol iyo degmo, iyadoo taas bedelkeedana sidii ay fursadahaas uga faa’iddeysan lahaayeen uu isha ku hayo Xisbiga Mucaaridka ee Waddani.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured