Dhibaatada Tahriibka iyo Daryeel La,aanta ka Jirta Jeelasha Liibiya.. Warbixin

0
Monday September 11, 2017 - 18:16:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatada Tahriibka iyo Daryeel La,aanta ka Jirta Jeelasha Liibiya.. Warbixin

    Dhibaatada Tahriibka iyo Daryeel La,aanta ka Jirta Jeelasha Liibiya.. Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhibaatada Tahriibka iyo Daryeel La,aanta ka Jirta Jeelasha Liibiya.. Warbixin

Wax lagu quudiyaan lahayn maxaabiistan

Hennessy Manjing halista badduu u badheedhayaa, waa 18 jir ka yimid South Sudan waanu ogyahay in uu ku dhiman karo safarkan halista badan ee uu doonayo inuu Liibiya kag tago oo ku galo Yurub. Sanadkan waxa badda Mediterranean-ka ku dhintay qiyaastii 2,400 oo qof oo tahriiba.

Laakiin intii aanu soo gaadhin Liibiya, Hennessy waa la af-duubay, la garaacay marna waaba la toogan gaadhay. Wuxu sheegay in uu dalkiisii ka soo kicitimay 2016-kii markii qoyskiisa loogu hanjabay in la layn doono.

Haatan wuxu ku xidhan yahay xabsiga Triq al-Sika oo ku yaal badhtamaha Tripoli, halkaas oo 1,000 oo kale ku jiraan. Dadka halkaa ku jira badankoodu waa Afrikaan shaqo doon ahaa oo la soo qabtay iyagoo doonaya in ay xeebta doonoyo ka raacaan. Waxaanay ku jiraan bakhaar weyn oo aan meel laga neefsado iyo laydh toona lahayn.

Kulaylka daran ee jira dartii ayay isku wada dhegeen, lugahay is wada dhaafsadeen oo xataa meel ay ku kala faalalaan ma jirto, waa muuqaal xanuun badan.

"Kolkii halkan la keenay ee ay ogaadeen in la soo xidhay oo aanay sii safri karin ayay wada niyad jabeen” ayuu yidhi mid ka mid ah madaxda xabsigaasi.

Qaar baad arkaysaa isku babinaya kartoono yaryar oo ay hastaan, habeenkii marka albaabka lagu xidhona caagado ayay ku kaadshaan.

"Waa cadaab oo kale” ayuu yidhi Hennesssy "jeel way dhaaftay”

‘Mar baan is idhi waa lagu toogtay ba’

Hennessy Manjing saddex sanadood buu London ku noolaa oo ku noquu is lahaa

Wiilkan dhawr iyo toban jirka ah ee caatada ahi wuxu ku hadlayey Af-Ingiriisi weliba lahjada London ah, waxaanu ku bartay UK oo isaga iyo qoyskiisuba ku noolaayeen muddo sadex sanadood ah.

Rajo uu ka qabay inuu ku noqda England ayaa soo kicisay oo wuxuu ku soo horeeyey Masar markii dambena wuxu u talaabay bariga Liibiya. Wuxu sheegay in ay kooxo hubaysani halkaa ka af-duubeen isaga iyo 40 qof oo kale.

Wuxu yidhi "waxaanu aragnay dad qoryo iyo budhadh sita waxaanay lagu gureen baabuur, baabuurkii baanu ka boodnay, oday reer Chad ah ayaa la toogtay oo dhiigiisii shaadhkayga qariyey, aniga laftayda in la i toogtay baan mooday oo waan ordi kari waayey”

Oday dadka deegaankaas ah buu u tagay oo miciin biday, laakiin isagii baa magaffeyaashii ku celiyey "dhirbaaxo iyo feedh buu ila dhacay markaasuu igu yidhi maxaad uga soo carartay? Nasiib wanaag maalin saddexaaddii ayuu ma gaffihii i waday soo noqday oo meeshii la iga soo daayey” ayuu yidhi Hennessy.

Hennessy waxa la soo siiyey fiise foorjari ah oo uu Tripoli ku tago laakiin markii uu yimid ba waxa xidhay maleeshiyo magaalada maamusha waxaana lagu xidhay jeel u dhaw garoonka diyaaradaha. "maalin walba waa nala jidh dilaa, hadii dadku buuqaan ama cuntada ku qamaamaan waa la garaacaa” ayuu yidhi.

Waxay ilaalada xabsigu dadka la dhacaan ee ugu jecelyihiin waa biraha qasabadaha. Dadka kale ee ay xabsiga ku wada jiraan qaarkood ayaa iyaguna ka sheekeeyey dhibaatada ay dadka tahriibka ahi mutaan intay ku sii socdaan Liibiya oo ay ka mid yihiin in maleeshiyaadku sidii adoomaha u kala iibsadaan oo ay ku shaqaystaan iyo in lagu qasbo in ay lacago madax furasho ah bixiyaan hadii ay doonayaan in laga sii daayo xabsiyada ay ku jiraan.

Alla yaa dib noo celiya!

Marka subaxii quraacda la qaybinayo dadka ku jira Triq al-Sika safaf dhaadheer bay galaan, cuntada taalaana kumaba filla.

Qof kasta waxa la siiyaa jab yar oo roodhi ah, in yar oo badhar ah iyo koob keliya oo cabitaan badhaxa ah.

Dadka xabsiga ku jira iyo saraakiisha masuulka ahiba way danaynayeen in la arko dhibaatada meesha taal. Waxay sheegeen in aanay haynin lacag ay raashin ugu soo iibiyaan, waxa keliya ee ay ku quudiyaanna tahay deeqo ay helaan.

Dadka xabsigan ku xidhan ayaa ah maxaabiis aan ogayn mudada lagu hayn doono halkan iyo xukunka lagu riday toona. Waa suurto gal in weligood ba lagu hayo meesha maadaama aanay sharci haysanin ay dalka ku joogaan. Rajada keliya ee ay qabaanna waa in hadii la sii daayo dib loogu celiyo dalalkoodii.

Sola saddexdii bilood ee uu jiray ba xabsiguu kula jiray hooyadii

Ilamo yar oo saddex bilood jira oo Sola la yidhaa ayaa intaa kooban ee uu jiray ba wuxu ku jiray qaybta dumarka oo wuxu dul jiifay furaash googo’ay. Hooyadii Wasila Alassanne ayaa doonaysay inay badda kala talowdo oo ay gaadho Talyaaniga markuu afar todobaad oo keliya jiray.

"Doonidii aanu saarrayn baa mishiinkii ka fadhiistay ka dibna booliskaa anagoo badda dul sabaynayna na soo qabtay. Ilaa maalintaa nasiib umaanu helin in aanu waalidkayo la xidhiidhno, ma oga in aan noolahay iyo in aan dhintay toona, aniga iyo ilmahayguba waanu daranyeysannahay” ayay tidhi.

Wasila saygeedii isna wuxu ku xidhan yahay jeel kale, war kama hayso mana garan karto goor ay is heli doonaan ama labadoodaba la sii dayn doono.

Dalka ay u dhalatay ee Togo danjire uma joogo Liibiya, waxa keliya ee ay haatan rajo ka qabtaana waxa weeye, iyada riyadii Yurub ilawdaye, in mar uun dib loogu masaafuriyo dalkeedii hooyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured