Waftii uu Hoggaaminayo Gudoomiye-ku-xigeenka Kulmiye xmed Cabdi Dheere oo si weyn loogu soo dhoweeyey Sabo-wanaag...

0
Monday September 11, 2017 - 23:58:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waftii uu Hoggaaminayo Gudoomiye-ku-xigeenka Kulmiye xmed Cabdi Dheere oo si weyn loogu soo dhoweeyey Sabo-wanaag...

    Waftii uu Hoggaaminayo Gudoomiye-ku-xigeenka Kulmiye xmed Cabdi Dheere oo si weyn loogu soo dhoweeyey Sabo-wanaag...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waftii uu Hoggaaminayo Gudoomiye-ku-xigeenka Kulmiye xmed Cabdi Dheere oo si weyn loogu soo dhoweeyey Sabo-wanaag... Sabo-wanaag(Xogreebnews)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Sabo-wanaag ee gobolka Maroodi-jeex iyo deegaanno hoos yimaadda. Sabo-wanaag(Horseednews)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Sabo-wanaag ee gobolka Maroodi-jeex iyo deegaanno hoos yimaadda.

Weftigan oo xukuumadda iyo xisbiga isugu jira, islamarkaana ay xubno ka yihiin guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, wasiirka wasaaradda Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Farxaan Aadan Haybe, wasiiru-dawleyaasha wasaaradaha ganacsiga iyo Biyaha Md. Maxamuud Warsame iyo Cabdiqaadir Maxamuud Dhego-weyne, siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), siyaasiyiin, xildhibaanno iyo xubno kamid ah garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanno ballaadhan oo degmada Sabo-wanaag hoos yimaadda, kuwaas oo ay kamid yihiin Qoton, Sabo-wanaag, Balli-kaliil, Kaam-gaas, Labi-sagaala, Balli-ugaadh, Cali Aadan, Shaarub iyo Balli Axmed, waxana dhammaanba deegaannadan ay wefti mareen kusoo dhaweeyey taageerayaal tiro badan oo uu xisbiga KULMIYE deegaannadan ku leeyahay.
Socdaalka weftigan oo uu qorshihiisu ahaa sidii loogu guurgeli lahaa xaaladda nololeed ee deegaannadan, isla markaana ay xogwaraysi ula yeelan lahaayeen shacabka deegaannadan ku dhaqan, ayaa loogu muujiyey taageero ballaadhan oo xisbiga iyo xukuumadda loo hayo, iyada oo sidoo kale waxgaradka iyo hoggaanka bulshadaasi weftiga la wadaageen waxqabadka xukuumadda iyo tabashooyinka ay rabaan in wax lagala qabto, isla markaana la doonayo inuu xisbigu ku darsado qorshihiisa shanta dambe ee soo socda.
Salaadiinta, waxgaradka, cuqaasha iyo haldoorka kale ee deegaannadan oo hormood ka ahaa soo dhaweyntan, ayaa shaaca ka qaaday in shacabka degmada Sabo-wanaag iyo deegaannada hoos yimaaddaa ka siman yihiin taageerada KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay codkooda siiyaan.
Deegaanka Qotan oo ay weftigu ka bilaabeen socdaalkooda, ayaa ugu horrayn si ballaadhan loogu soo dhaweeyey, waxana goob fagaare ah lagala hadlay shacabka taageerayaasha ah ee soo dhaweynta qaybta ka ahaa, iyada oo waxgaradka deegaankaasina tilaameen inay taageersan yihiin xisbiga KULMIYE.
Deegaanka Balli-kaliil, ayaa iyadana weftiga soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey, waxana hadallo kooban oo mahadcelin ah halkaas ka jeediyey xubno weftiga kamid ah oo ay kamid yihiin guddoomiyaha degmada Sabo-wanaag Md. Cali Hugur iyo weliba Cali Guuleed oo xisbiga KULMIYE u qaabilsan degmada, waxana ay ku dheeraadeen waxqabadka xukuumadda KULMIYE halkaas ka fulisay, iyada oo masuuliyiin xisbiga ah oo uu hormood u yahay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi dheere ay iyaguna si weyn uga mahadceliyeen soo dhaweynta qiimaha leh ee loo sameeyey.
Dhammaanba deegaannada kale ee hareeraha kaga xeeran degmada Sabo-wanaag, ayey weftigu sidoo kale socdaalkooda kusoo mareen, waxana halkaas kusoo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo xisbiga KULMIYE taageersan, iyada oo xadhigga laga jaray xafiisyo xisbiga KULMIYE ku yeelan doono deegaannada, Balli-kaliil, Sabo-wanaag, Kaam-gaas iyo Bali Axmed, kuwaas oo uu xisbigu ku qabsan doono hawlihiisa shaqo.
Ugu dambayntii socdaalka weftiga KULMIYE ee uu guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbigu hoggaaminayo, ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan, waxana ay weftigu meeleeyeen xogihii dadka deegaanku la wadaageen iyo baahiyihii lama huraanka ahaa ee ay sheegteen, kuwaas oo uu xisbigu ku darsan doono qorshihiisa dhaw.


Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Image may contain: 1 person, standing, crowd and outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, sky and outdoor
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, standing, crowd and outdoor
Image may contain: 2 people, people smiling, outdoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, hat and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: 1 person, standing and beard
Image may contain: one or more people
Image may contain: 1 person, standing, hat, outdoor and closeup
Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing and hat
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing, hat and beard
Image may contain: 4 people, people standing
No automatic alt text available.
Image may contain: 6 people, people smiling, people sitting and outdoor
Image may contain: 5 people, people sitting
Image may contain: one or more people, crowd and outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, child, outdoor and nature
Image may contain: 1 person, hat and beard
Image may contain: 1 person, standing
Image may contain: one or more people
Image may contain: 10 people, people smiling, people standing and shoes
Image may contain: 2 people


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured