Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Khudbad Dhinacyo Baddan ka Jeediyey Jaamacada Timaca-de Iyo Waanooyin u siiyey Arday Ka Qalin Jabisay

0
Saturday September 16, 2017 - 17:52:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Khudbad Dhinacyo Baddan ka Jeediyey Jaamacada Timaca-de Iyo Waanooyin u siiyey Arday Ka Qalin Jabisay

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Khudbad Dhinacyo Baddan ka Jeediyey Jaamacada Timaca-de Iyo Waanooyin u siiyey Arday Ka Qalin Jabisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo Khudbad Dhinacyo Baddan ka Jeediyey Jaamacada Timaca-de Iyo Waanooyin u siiyey Arday Ka Qalin Jabisay
Gabiley(Xogreebnews)-Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Maanta Khudbad Dhinacyo Baddan Taabanaysa Ujeediyey Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Timaca-de. Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Khudbad Dhinacyo Baddan Taabanaysa Ujeediyey Aedeydii Halkaas Ka Qalinjabisay. Waxaanu Yidhi:
"Farxad weyn ayey ii tahay inaan maanta ka soo qayb galo xafladan qalin jabinta ah ee loo qabtay dufcadii shanaad ee ka soo baxday jaamacada Timaca-de... waa arin aad u weyn waanan u hambalyeynayaa ardayda, macalimiinta, shaqaalaha jaamacada iyo intii la shaqaynaysayba, tacliintu waa waxyaalaha ugu waa weyn ee dawladani ku dedaalayso weeyaan ee qarankani u baahan yahay, waxyaabaha horumarkeena iyo horu socodkeena anafacaya weeyaan.”
"Jaamacadan magaceeda marka la arko waxa la xasuustaa Abwaan C/laahi Suldaan Timaca-de, wanaag, dadnimo, iyo akhlaaaq ku suntanaa, ardeydiina maanta halkan ka qalinjabinaysaa waa inaad yeelastaan astaamihii iyo higsigii Abwaanka Jaamacadu magaciisa sidato".
"Maanta dalku wuxuu galayaa wakhti kala-guur oo doorasho dhacayso, idinkaana ka talinaya masiirkiina iyo mustaqbalkiina, maaha ninkii shalay waxa la fiicnaayeen itay ku qaloocatay oo dantiisa ka arki waayey inuu idinku danaysto, waa inaad kala ogaataan kalana garaataan, shalay iyo maantana daba sidaan".
"Gudoomiyaha Waddani shalay wuxuu dhaleecaynayey shirkadda DP WORLD, shalay wuxuu ahaa Gudoomiyihii Baarlamanka, waxaaana maalgashigaa laga ansixiyey Baarlamanka isagaana gudoominayey maalintii la ansixinayey oo fadhigii gudoomiyey, todobaad kadib wuxuu kula kulmay Magaaladda Dubai ninka ugu sareeya Shirkadda Dubai, wuu ogolaa shalay maanta banaanka ayuu kasoo caayayaa, kala duwanaanshahaa iyo hadaladaa isburinaya kuwa loo baahanyahay inay kala gartaan waa idinka".
Image may contain: one or more people, sunglasses and suitImage may contain: 2 people, people standing, hat, eyeglasses, beard, closeup and indoorImage may contain: 2 people, suitImage may contain: 3 people, people smiling, people standing, hat and suitImage may contain: 6 people, people standing



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured