Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad ay ku soo Dhaweeyeen Jaaliyadda reer Somalialnd ee Imaaraadka

0
Sunday September 17, 2017 - 00:07:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad ay ku soo Dhaweeyeen Jaaliyadda reer Somalialnd ee Imaaraadka

    Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad ay ku soo Dhaweeyeen Jaaliyadda reer Somalialnd ee Imaaraadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad ay ku soo Dhaweeyeen Jaaliyadda reer Somalialnd ee Imaaraadka
Dubai (Xogreebnews)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo soo dhawayn ay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadku ku soo dhaweeyeen isaga iyo masuuliyiin kale oo ku sugan dalkaasi.
Xaflad ka dhacday huteelka Sheraton Dubai Creek ee magaalada Dubai, taas oo Guddoomiyaha ay ku wehelinayeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire) iyo Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiiru-dawlaha Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan iyo Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa halkaasi waxa ku qaabilay boqolaal taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee Imaaraadka.
Masuuliyiintan kala duwan oo hadallo ka jeediyey xafladdaasi waxay uga warrameen jaaliyadda xaaladda guud ee Somaliland iyo hawlaha u diyaargarowga doorashada madaxnimo ee dalka ka qabsoomi doonta 13-ka November 2017, isla markaana waxay ku boorriyeen taageerayaasha reer Imaaraad inay si mug leh qayb uga noqdaan ololaha xisbigu wado, kana qaybqaataan sidii uu xisbigu mar labaad ugu guulaysan lahaa talada waddanka si horumarka ay halkaasi uga sii ambaqaadaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka xisbiga – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad qiimo badan oo uu halkaasi uga jeediyey jaaliyadda reer Somaliland waxa uu kaga hadlay taariikhda kala duwan ee uu soo maray dalku, dhismaha dawladnimada iyo doorkii afartii madaxweyne ee hore mid weliba ka soo qaatay, hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala duwan ee ay ka mid tahay midda madaxtooyada ee soo socota iyo ujeeddada laga leeyahay ee loo baahanyahay inay shacabku mar walba maanka ku hayaan oo ah in dalku ku gaadho horumar, sidaasi darteedna aan lagu salayn qabyaalad iyo caadifad kale toona.
Image may contain: 4 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, suitImage may contain: 4 peopleImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 1 personImage may contain: 9 people, people smilingImage may contain: 6 people, wedding, crowd and indoorImage may contain: one or more people, people standing and indoorImage may contain: 7 people, people sitting, table and indoor



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured