SONYO dallad qaran mise dallad qudhaabsi W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

0
Monday September 18, 2017 - 01:02:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SONYO dallad qaran mise dallad qudhaabsi W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

    SONYO dallad qaran mise dallad qudhaabsi W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SONYO dallad qaran mise dallad qudhaabsi W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi Marka hore waxan u mahad-naqayaa warbaahinta ka hawl-gasha somaliland
oo suurta galisay isku xidhka aragtiyaha dadwaynaha somaliland,suurta
galisayna inay qormadani idiin soo gaadho

Marka xiga waxan salamaya qof kasta oo ay fariintaydu gadhay kaas oo
iga aragti duwan ama ila aragti ah,bisaylka iyo fahamka nolasha ayaa
suurta galiyay kala duwananshaha aragtida dadwaynaha,
Manta waxan halkan kusoo gudbinayaa arin in badan ka guuxa-yay

maskaxadayda ,isla markan dad-badani dareensan-yihiin,
Arinta aan manta rabo inan ka hadlaa wa ururka lagu magacabo SONYO oo
ka jira somaliland ,ururkaasi wuxuu sitaa magac dhalinyarada
somaliland sida aad in badan ka maqashay warbaahinta somaliland

Ka hadalkayga dallada sonyo ugama jeedo inaan ku dhaliilo
dhalinyarada hogaamisa iyo xubnaha kale ee dalalda sonyo ka tirsan,wax
lug ah kuma laha diidmo shaqsiyaad ka tirsan dalladan lkn ujeedkaygu
wa inan ka hadlo arimo ku saabsan ururka sonyo oo dusha ku sita magac
iyo hay-bada dhalinyarada somaliland madaama aan ahay shaqsi
dhalinyaro ah xaq ayan u leeyahay aniga iyo qof kaasta oo dhalinyaro
ahi' ka hadalka arimaha khaldan ee SONYO iyo inan halkan ku gudbiyo
aragtidayda ku saabsan dalladan oo anay dad badani faham- sanayn
xaqiiqada dhabta ah ee SONYO

hadaba waxa is waydiin leh SONYO gorma ayaa la aas-asay ?
goorma ayay dhalinyarada somaliland intay isu yimadeen ku midobeen urur qaran?

Sonyo maxay ka koobantahay ? maxay qabata? xagee ka hesha dhaqalaha?

marka laga hadlaayo urur ama dallad heer qaran ah, taasi oo ay ku
bahobeen dhalinyarada somaliland waxay u baahan-tahay shuruudo badan
si loo helo golle qaran oo ay wadagaan dhalinyarada somaliland,dallada
SONYO ma ah dallad matali karta dhalinyarada somaliland ee wa urur iyo
dallad matasha dad gaar ah ama dhalinyaro dano gaar ah leh''

Sonyo waxay ka kooban-tahay 50-urur oo ka jira somaliland kuwaas oo ay
ku midobeen dhalinyaro iskood isu magacabay oo urur kastaa ay
shaqsiyaad gaar ahi asaasteen, 50-urur ayaa ku midoobay magaca sonyo
,xubnaha sonyo waxay ka koobanyihiin ururadan, ma jirto meel lagu
doortay xubnaha sonyo ee ka yimadan ururadan ee waxay kamid yihiin
ururada hoos taga sonyo

Sonyo maaha dallad ay ku midoobeen dhalinyarada somaliland ee wa
dallad ay ku bahoobeen ururo ay shaqsiyad gaar ahi leeyihiin isla
markaana ka shaqeeya danaha dad gaar ah,sonyo wa urur dawlada hoos
taga kuna shaqeeya siyasada iyo danaha xisbi iyo dad gaar ah,


dallada sonyo si cadalad ah logama qayb-galiyo dhalinyarada kasoo
jeeda gobolada somaliland ,blse wa urur ka kooban dhalinyaro kasoo
jeeda degaano gaar ah ,sida aan sare kusoo xusay ururada hoos taga
sonyo wa ururo ka jira degaano gaar ah, isla markaana aan ahayn ururo
somaliland ka wada jira
Sonyo iyada oo isticmalaysa magaca dhalinyarada waxay ku heshay kaalmo
dhaqaale oo kasoo gala hayado calamiya iyo dawlada somalilnd
,dhaqalaha soo gala sonyo' waxba lagagama qabto arimaha dhalinyarada
blse waxa ku tagri fala shaqsiyaad gaaar ah ,sonyo marka loo eego
magac ay sidato waxay shegtaan dadka madaxda u ahi' inay ka shaqeyaan
arimaha dhalinyarada somaliland; walina lama arag meel ay sonyo
dhalinyaro wax ugu qabatay,marka laga reebo shirar yaryar oo ay ugu
magac-daraan wacyi-galinta tahriibka oo warbahinta lagu
xayaysiiyo,lama arag sonyo oo arimaha asasiga ah ee dhalinyarada wax
ka qabanaysa
sonyo wa urur ku shaqeeya siyasada xisbiga talada haya ee
kulmiye,habka dorshada sonyo inta badan wax ka dhasha muran kadib
marka ay xukumadu toos usoo fara-galiso arimaha xiliga dorshada ee
sonyo
Sonyo shaqsiga gudomiyaha u noqonayaa waxa si toos ah lug ugu yeelata
xukamadaha dalka ka taliya' iyagoo sonyo u xula shaqsiga ay u arkaan
inuu taabacsayahay siyasada dawlada iyaga isticmalaya awoodaha
dawladnimo


Wa arin fool-xun in siyasada sonyo aanay xataa u madax bananayn
shaqsiyadkii ku bahoobay midnimada magaca aan saxda ahayn ee
dhalinyarada somaliland oo iyaga laftigoodu khilaaf dhexmaro kadib
faro galinta xukumada


Dhalinyarada somalilad waxba kuma qabaan sonyo, aan ka ahayn in
magacooda ay ku macashaan shaqsiyaad dhalinyaro ah oo gaar ahi,isla
markaana magacooda loo isticmaalo si khaladan


Waxan usoo jeedinaya dhalinyarada somaliland inay ka dhiidhiyaan in
magacooda iyo sharaftooda ay isticmalaan dad aan shaqo ku lahayn inay
ku matalaan magac guud oo ay leeyihiin dhalinyarada soamaliland

Ma jirto goob iyo golle ay dhalinayarada somaliland inta ay isu yimadeen ku
yag-leleen dallad ay leyihiin dhalinyarda somaliland. lkn qof kasta oo
dhalinyaro ahi waxa uu maqlay magacan iyo dallada sonyo blse ma jiro
qof sheegi kara meel inta ay dhalinyaro isagu timi ay ku midobeen
dallad qaran

Hadaba dhalinyarada somaliland waxa looga bahan-yahay inay aragtidooda
kaga fal-celiyaan dallada sonyo ,gaar ahaan dhalinyarada gobolada bari
oo aan waligood arkin meel ay marayso sonyo
Sidoo kale dhalinyarada kaso jeeda gobolada galbeedku wa inay ka
dhidhiyaan dalladan waji ku macaashka ah ee sonyo madaama anay waxba
ugu jilayn dhalinayarada somalilad
allaah mahadle
W/Q. Mustafe Axmed Maxmed Geedi
EMAIL. mustafea179@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured