Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera oo Degdeg u Gudo-galay Xaal u Raadinta Mushkiladaha DP World& Dekedda Berbera iyo Safar Shaqo oo ku Booqday Dekedda Jebel Ali Port. "..Waxaan ku rajo waynahay kana Shaqayn doona in si la mid ah Sida Dekeda Jebel Ali Port u shaqaynayso ay u shaqayn doonto Dekeda Berbera".Maareeyaha Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi

0
Tuesday September 19, 2017 - 22:37:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera oo Degdeg u Gudo-galay Xaal u Raadinta Mushkiladaha DP World& Dekedda Berbera iyo Safar Shaqo oo ku Booqday Dekedda Jebel Ali Port. "..Waxaan ku rajo waynahay kana Shaqayn doona in si la mid ah Sida Dekeda Jebel Ali Port u shaqaynayso ay u shaqayn doonto Dekeda Berbera".Maareeyaha Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi

    Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera oo Degdeg u Gudo-galay Xaal u Raadinta Mushkiladaha DP World& Dekedda Berbera iyo Safar Shaqo oo ku Booqday Dekedda Jebel Ali Port. "..Waxaan ku rajo waynahay kana Shaqayn doona in si la mid ah Sida Dekeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera oo Degdeg u Gudo-galay Xaal u Raadinta Mushkiladaha DP World& Dekedda Berbera iyo Safar Shaqo oo ku Booqday Dekedda Jebel Ali Port. "..Waxaan ku rajo waynahay kana Shaqayn doona in si la mid ah Sida Dekeda Jebel Ali Port u shaqaynayso ay u shaqayn doonto Dekeda Berbera".Maareeyaha Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi
Dubaı(Xogreebnews)-Maareeyaha guud ee Dekedda Berbera Md. Siciid Xasan Cabdilahi, oo safar shaqo ku jooga dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulan iyo booqasho xog-ogaal u noqosha ah ku tagay Dekedda weyn ee caalamiga ah ee Jebel Ali Port, halkaasoo ay Maareeyaha kusoo dhoweeyeen Madaxda iyo saraakiisha ugu sarreeysaa ee Dekedaas, oo iyaddu kamid ah Dekedaha ay maamusho Shirkadda DP World.
Geeska Kale Safarka shaqo ee Maareeyaha cusub ee Dekeda Berbera hadda uu ku joogo Dalka Imaaraadka carabta, ayaa waxay ujeedkiisu ahaa sidii degdeg loogu horumarin lahaa Marsada Berbera, isla markaana waxa uu Maareeyuhu hoosta ka xariiqay inuu degdeg ugu hawlgaleeyey horumar dekedda Berbera la gaadhsiiyo. Haddaba Maareeyaha Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi, sidaas waxa uu ku sheegay qoraal uu Xalay ku baahiyey bartiisa Facebook. Qoraalkaas oo u dhigan sidan.
"...Anigoo ku guda jira hawlihii Shaqo Ee aan u Joogay Wadanka Isu-taga Imaaraadka Carabta UAE Gaar ahaan hawlihii ku saabsana Dar-dar galinta iyo in aan wanaajiyo Wada Shaqaynta DP World iyo Berbera Port Authority si shaqada Dekeda Berbera ay si habsamiya ugu socon lahayd waxaan booqasho ku tagay mid ka mid ah Dekedaha ay Maamusho DP World taas oo ah Jebel Ali Port oo ku taala Dubai.
Waxan halkaas kula kulmay madaxda Dekeda Jebel Ali Port iyagoo si Diiran igu soo dhaweeyay gudaha Dekeda.
Waxaan ka wada sheekaysanay Madaxda Jebel Ali Port siday u shaqeeyaan waxaanay sharaaxaad dheeraad ah iga siiyeen qaabka shaqada Dekedaasi u socoto.
Waxaan ku rajo waynahay kana Shaqayn doona in si la mid ah Sida Dekeda Jebel Ali Port u shaqaynayso ay u shaqayn doonto Dekeda Berbera sida ugu dhakhsaha badan Hadii alle idmo .
Siciid Xasan Cabdilaahi
Maareeyaha Dekeda Berbera
Image may contain: 2 people, people smiling, sky and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people smiling, people standing



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured