Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Hoggaanka KULMIYE oo Dalka kusoo Dhaweeyey Siyaasi Xisbiga Miisaan Ku Leh iyo Haldoorka soo dhoweyntiisu kulmisay....

0
Friday September 22, 2017 - 15:17:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Hoggaanka KULMIYE oo Dalka kusoo Dhaweeyey Siyaasi Xisbiga Miisaan Ku Leh iyo Haldoorka soo dhoweyntiisu kulmisay....

    Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Hoggaanka KULMIYE oo Dalka kusoo Dhaweeyey Siyaasi Xisbiga Miisaan Ku Leh iyo Haldoorka soo dhoweyntiisu kulmisay....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Hoggaanka KULMIYE oo Dalka kusoo Dhaweeyey Siyaasi Xisbiga Miisaan Ku Leh iyo Haldoorka soo dhoweyntiisu kulmisay....
Hargeysa(Xogreebnews)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan xubno sarsare oo xisbiga katirsan, hoggaanka garabka haweenka heer qaran iyo taageerayaal tiro badani, ayaa dalka kusoo dhaweeyey siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi oo katirsan xubnaha firfircoon ee xisbiga KULMIYE uga hawlgala dalka Canada.
Soo Dhaweynta siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi oo ay hoggaanka KULMIYE abaabuleen, ayaa sidoo kale waxa qayb ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, guddoomiyeyaal gobol, haween iyo dhallinyaro tiro badan, waxana ujeeddadeedu ahayd sidii loo muujin lahaa meeqaamka uu siyaasigani ku dhex leeyahay bulshada reer Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE.
Xubno kamid ah siyaasiyiinta caanka ka ah xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin siyaasi Jamaal Cali Xuseen, Rooda Axmed Yaasiin, guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo guddoomiye ku-xigeenka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE marwo Dalays shire Faarax oo hadallo kooban ka jeediyey soo weynta siyaasi Ibraahim Xaaji Cabdi, ayaa sheegay inuu kamid yahay haldoorka dhalinaya guusha KULMIYE, waxana ay tilmaameen inuu door laxaad leh ka ciyaari doono dedaalka uu xisbiga KULMIYE ugu jiro inuu guul kasoo hooyo doorashooyinka madaxtooyada ee dalka kusoo foolka leh.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured