Marwada Qaranka Aamina Weris oo lala yeeshay Waraysi "..Madaxweynuhu xisbigiisu inuu helo ayuu jecel yahay, xisbigiisuna sida uu ku helayaa maaha wax baa loo xadayaa, Kulmiye-na wuxuu wax ku helayaa wax-qabad...Ab iyo isir qof gaajo ku soo kortay oo wax boobaysa ma ihi..aniga shacabku imay dooran ee Axmed (Madaxweynaha) ayay doorteen runtii inay aniga i xag-xagtaan ama i caayaan dadka qaarkii waa khalad". Marwo Aamina Weris

0
Friday September 29, 2017 - 00:30:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada Qaranka Aamina Weris oo lala yeeshay Waraysi "..Madaxweynuhu xisbigiisu inuu helo ayuu jecel yahay, xisbigiisuna sida uu ku helayaa maaha wax baa loo xadayaa, Kulmiye-na wuxuu wax ku helayaa wax-qabad...Ab iyo isir qof gaajo ku soo kortay oo wax boobaysa ma ihi..aniga shacabku imay dooran ee Axmed (Madaxweynaha) ayay doorteen runtii inay aniga i xag-xagtaan ama i caayaan dadka qaarkii waa khalad". Marwo Aamina Weris

    Marwada Qaranka Aamina Weris oo lala yeeshay Waraysi "..Madaxweynuhu xisbigiisu inuu helo ayuu jecel yahay, xisbigiisuna sida uu ku helayaa maaha wax baa loo xadayaa, Kulmiye-na wuxuu wax ku helayaa wax-qabad...Ab iyo isir qof gaajo ku soo kort

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwada Qaranka Aamina Weris oo lala yeeshay Waraysi "..Madaxweynuhu xisbigiisu inuu helo ayuu jecel yahay, xisbigiisuna sida uu ku helayaa maaha wax baa loo xadayaa, Kulmiye-na wuxuu wax ku helayaa wax-qabad...Ab iyo isir qof gaajo ku soo kortay oo wax boobaysa ma ihi..aniga shacabku imay dooran ee Axmed (Madaxweynaha) ayay doorteen runtii inay aniga i xag-xagtaan ama i caayaan dadka qaarkii waa khalad". Marwo Aamina Weris

Hargeysa(Xogreebnews)- Marwada Kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa daboolka ka qaaday  in madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ka go’an tahay in doorashada madaxtooyadu waddanka uga qabsoonto si xalaal ah oo daah-furan, waxaanay sheegtay inay saaran tahay masuuliyad ka culus xiligii uu 80ka cod kaga tagay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday sannadkii 2003dii.

 

Waxaanay sheegay inaanu madaxweynuhu aqbali doonin cid carqaladeysa doorashadan oo ay xustay inay Somaliland u leedahay ahmiyad weyn. Marwada koowaad waxay sidaas  ku sheegtay qaybtii labaad ee waraysi dheer oo ay habeen hore siisay Wargeyska Dawan, waxaanay qaybtan labaad kaga hadlaysaa arrinta doorashada iyo dareenkeedii dharaartii madaxweyne Siilaanyo ku wargeliyay inuu ku biirayo ururkii SNM ee horseedka ka ahaa halgankii dib-u-xoraynta Somaliland.

 

 

Marwada oo ka jawaabaysay  siday ugu muuqato  doorashada madaxtooyada oo gunaanad u ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay ku jawaabtay; "Doorashadan madaxtooyada ee 13ka November loo dareerayaa waa doorasho  qiimo badan ugu fadhida qaranimada iyo  dimuqraadiyada Somaliland. Madaxweyne Axmed Siilaanyo-na isagaa majaraha haya, waxaanu mar walba ka fikiraa danta guud.Masuuliyad culus oo kaga adag  xiligii uu 80ka cod kaga tagay doorashada ayaa saaran. Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu  qabto doorasho xor ah oo daah furan oo cid waliba ku qanacsan tahay, mana ogolaanayo wax carqaladeeya doorashadan,”ayay tidhi marwada kowaad, iyadoo hadalkeeda sii watayna waxay tidhi; "Madaxweynuhu xisbigiisu inuu helo ayuu jecel yahay, xisbigiisuna sida uu ku helayaa maaha wax baa loo xadayaa, Kulmiye-na wuxuu  wax ku helayaa wax-qabad. Waxa kaloo uu wax ku kasban karaa  wixii uu  qabtay  toddobadii sannadood ee la soo dhaafay.Waxa  cad dawladihii Somaliland ee xukuumadda KULMIYE ka horreeyay wixii ay qabteen iyo todobadan sannadood intii  la qabtay ayaa ka badan intii hore loo qabtay.”

Marwadu waxay caddaysay  inaanu madaxweynaha Somaliland aqbali doonin in dhinacyada tartamayaa ay diidaan natiijada ka soo baxda doorashada, waxaanay tidhi;  "Waxaannu  qabnaa shacabka Somaliland waa dad kii ganay iyo ka galaday kala og. Inuu si xor iyo  xalaal ah  Kulmiye ku helo  doorashada ayuu madaxweynuhu  jecel yahay, Kulmiye haddii laga helo oo xor iyo xalaal lagaga helana raali ayuu ku noqonayaa. xisbi mucaarida oo yidhaahda annagaa helay ee waa nalaga shubtay oo dalka burburiya madaxweyne Axmed Siilaanyo inta uu joogo ka yeeli maayo. Illaahay baynu baryaynaa inuu inala garab qabto doorashadan aynu si fiican oo xalaala u tartano.

Somalilandna waxa lagu yaqaanaa isu tanaasul iyo is dhegaysi Axmedba wuxuu  kaga tegay 80 cod. ninka mucaaridkow haddii aanu kaa helo noo hanee, haddii aad heshana waanu kuu hanaynaynaa.”

Marwo Aamina Waris waxay sheegtay in go’aan adayga madaxweyne Siilaanyo ay ka mid tahay markii uu murrashaxnimada madaxtinimada xisbalxaakimka u xulay Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanay xustay in qaraarkaasi ahaa mid aad adag maadaama oo siyaasiyiintii tartamaysay ay dhammaantood ahaayeen qaar karti lahaa, hase yeeshee go’aankaas kadib lagu dabofaylay murrashax Muuse Biixi.



Marwada oo la weydiiyay siday u aragtay maalintii uu Axmed Siilaanyo u soo bandhigay inuu ku biirayo SNM waxay tidhi;  "Markii uu London ka tagayay  umuu tegin inuu noqdo Guddoomiyaha SNM, waxaa uu u tagay shirkii golaha dhexe waxaan is lahaa muddo maalmo ah  ayuu ku maqnaanayaa. markaa Ibraahim Maygaag ayaa soo noqday Axmedna (Madaxweynaha)  markii loo doortay guddoomiyihii SNM maan diidanayn  in uu halganka ka qayb qaato, balse  carruurta ayaan u werwerayay. Wuxuu  Ibraahim Maygaag oo Maraykanka  ku socda ayuu waraaq dheer iigu soo dhiibay, waraaqdaasi ayaanu Axmed igaga dhaadhiciyay oo uu yidhi ‘ha ka xumaanin inaan maqnaado, sababto ah waa waajib ina saaran halgankii.’ Aniguna waan la qaatay.”

Marwada kowaad oo la weydiiyay inay si kooban faahfaahiso taariikh nololeedkeedii, waxay tidhi; "Anigu degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaan ku dhashay, iskuulkana waxaan ka galay magaalada Burco ee xarunta gobolka Saaxil, waxaanan ahaa hablihii ugu horreeyay ee iskuulka Boodhinka ah ee Burco gala, markii aanu iskuulka dhammaynay anigu lambayrkaygu wuxuu ahaa 11 (kow iyo toban), inantii noogu lambarka dheerina waxay ahayd lanbar 18.”

Waxa kaloo ay sheegtay inay si lama filaan ah iskuulka loogu daray markii walaasheed oo ka weynayd ay diiday, waxaanay tidhi; "Anigu si lama filaan ah ayaan ku galay iskuulka, walaashay oo iga weyn ayaa diiday iskuulka oo ka dhaaratay. markaa walaalkay Eng. Cali Jirde ayaa intuu Hargeysa ka soo dhoofay yidhi Siciido haddii ay diiday inay waxbarato Aamina ayaa la qorayaa, hooyadayna way diiday oo waxay tidhi ‘Aamini way yar tahay oo malcaamada ayay dhiganaysaa.’ Markaa waxaa la yidhi markay fasaxa ka timaado ayay dhigan doontaa markaa sidaasi lama filaanka ah ayaa iskuulka la igu geeyay, iskuulka waxaa wax na bari jiray dad cadaan ah, iskuulkaasi markii aan dhammeeyay waa nala kala qaybiyay oo waxaa nalaga dhigay laba qaybood kuwii Arts-ka ku fiicnaa macalimiin ayaa laga dhigay , kuwii Sayniska ku wanaagsanaana waxa loo qaatay dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad. markaa anigu kuwii Sayniska ku wanaagsanaa ayaan ahaa oo waxaa la i geeyay qaybta Kalkaalisooyinka oo cusbitaalka Hargeysa ayaanu joognay muddo toddoba bilood ah, kadibna Egland ayaa naloo diray annagoo afar hablood ah intii kalana halkan ayaa lagu tababari jiray. Waxaannu qaadanay la isku geegeeyay oo socday muddo hal sanno ah. Markii aanu dhammaynay waxbarashadii ayaanu Collage-kii qabanay sidaasi ayaananu wax ku baranay.”

Anigu markaa Umuliso ayaan bartay, markii aan soo noqday ee aan Xamar imid ayaan iskuulka Kal-kaalisooyinka aan macalimad ka noqday, aniga oo iskuulkaasi sannad ka shaqeeyay ayaa walaalkay Cali xanuunsaday waanan ka tagey oo walaalkay ayaan la shaqeeyay oo lahaa laba shirkadood oo waaweyn oo la kala odhan jiray Somali Contract iyo Somali Cement, markaa kuwii baan ka shaqeynayay oo wadnaha ayaa laga qaylay barigaasna qofka wadnaha laga qalaa way inala adkayd sidaas darteed ayaan Kalkaalisadii uga tagey.”

Marwadu oo ka hadlaysay sidii ay isku barteen madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxay tidhi; "Markii aan Jaamacada England kaga jiray isna madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu joogay oo jaamacad kaga jiray Manchester. aniguna London dusha waanu iska naqaanay oo walaalo ayaanu ahayn, laakiin aniga waligay England kumaan arag Axmed haseahaatee waxa la yaable maalinkii ugu horreeyay ee aan England ku soo noqday ee aan imid ayaa gabadh aanu saaxiib nahay ayaa gurigayaga iigu timid oo igu tidhi ‘maanta safaarada Maraykanka ayaa bandhig samaynaysa oo hablo loo dhar xayeysiinayee aan ku geeyo ayay tidhi.’ Markaa safaaradaasi bandhigii ay qabatay ayaan  Axmed (Madaxweyne Siilaanyo) la isku kaaya baray, calafna waanu isku lahayn. Waxaanan is guursanay sannadkii 1968-kii shan carruur ah oo iskugu jira laba hablood iyo saddex wiil ayaan u dhalay oo kala yihiin Luul iyo Hodan iyo saddexda wiil oo magacyadoodu kala yihiin  Kulmiye, Cali-salaan iyo Rashiid.”

Marwo Aamina Waris oo la weydiiyay waxay iskaga difaacayso dadka ku eedeeya inay talada xukuumadda gacanta kula jirto halka dadka qaarna ku eedeeyaan musuqmaasuq, waxaanay ku jawaabtay; "Eedahaas aad sheegayso kursigaa eeda leh oo madaxtinimada ayaa eeda leh, Siilaanyo waa madaxweyne waana odaygaygii konton sanno ayaan aqaanay uma amaanayo inuu odaygaygii yahay ee nin ka daacadsan, ka muwaadinsan, oo tuugo ka neceb oo musuqmaasuq ka neceb oo ka neceb dalkiisa wixii hoos u dhigaya ma jiro. Waan ku kalsoonahay ummadda reer Somalilandna way ku wada kalsoon yihiin.”

Waxa kaloo ay intaas ku dartay; "Anigu (marwadda) madaxweynaha ayaan la shaqeeyaa, haddii aanan la shaqeyna waxaan ahaan lahaa qof aan jirin. Sidaas awgeed Bil Clinton ayaa markii uu ololaha ku jiray laga guntay murtidii ahayd ‘Dadka Mareykankow i doorta aniga, Hillary Clinton oo ooridayda ahna bilaash ayaad ku helaysaan waayo aragnimadeeda markaad aniga i doorataan iyana way idiin shaqaynaysaa.’ waxaan leeyahay aniga shacabku imay dooran ee Axmed (Madaxweynaha) ayay doorteen runtii inay aniga i xag-xagtaan ama i caayaan dadka qaarkii waa khalad haseahaatee dan kama lihi oo xaaskii Axmed ayaan ahay.”

Waxay xustay inay wixii wanaagsan ay ku dhiirigeliso madaxweynaha, waxaanay caddeysay inay leedahay aqoon iyo waayo-aragnimo ay kula talin karto. "Haddii la yidhaahdo Axmed miyaad la talisaa? Haa waan la taliyaa, haseyeeshee xumaan kulama taliyo, wanaag ayaan kula taliyaa caqli iyo tacliin iyo waayo aragnimo aad kula taliso miyaad leedahay haddii ay su’aashu tahay? Haa oo waxaan leeyahay aqoon iyo khibradba.  markaa Axmed wanaagga ayaan kala shaqeeyaa.

Fikir marka uu iila yimaado hadday ay khaldan tahay waxaan idhaahda may ee Xaaji innaga daa, hadday sax tahayna Xaaji ku dhiiro waa wax wanaagsane ayaan idhaahdaa. taasina mid aan raaligalin ka bixinayo maaha,”ayay tidhi Marwada kowaad.

Waxa kaloo ay intaas ku ladhay "Gabadh waliba odaygeeda way la talisaa, gabadhii sidayda waxbaratay ee khibrad lihi khasab ayay tahay inay la taliso. Waxay Soomaalidu tidhaahdaa ‘haddii lagu sheego waa la is sheelaa, haddii lagu sheelana waa la is sheegaa’ markaa haddii aan Axmed ag joogo wanaag ayaan la ag jooga.”

"Eedaha kale ee dad yidhaahdaan wax bay cuntay, wax bay xaday iyo yooyotankan anigu waan is ogahay oo qof gaajoonaysa oo wax boobaysa ma ihi, waligayo qoys ladan ayaanu ahayn reer ahaan. Sidaas awgeed ab iyo isir qof gaajo ku soo kortay oo wax boobaysa ma ihi,”ayay isku baraxday marwaddu, waxaanay intaas raacisay; "Wixii aanu qaranka u xafidi karaynayna waanu u xafidnay. waxaanu leenahayna waala yaqaan oo hore ayaanu u lahayn, balse dadkan i caayaya ee sidaas leh waa kursiga dartii berri markaan ka tago Aamina Waris cid caayaysa arki maysid. shalay markii odaygaygu aanu mucaaridka ahayn cid i caayaysayna may jirin oo I lahayd waa tuugo, markaa waan u dulqaadanayaa.”

La soco qaybta dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured