Waxqabadka Wasiir Cali Mareexan Waa Sida Cad-ceeda oo Sacab laguma qarin Karo, Waxtarkiisa Kulmiye Nin ka Badsaday Bari iyo Galbeed ma Jiree ninowna ha Isku dheererin!. W'Q Farxaan Guuleed Warsam

0
Saturday September 30, 2017 - 04:06:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Wasiir Cali Mareexan Waa Sida Cad-ceeda oo Sacab laguma qarin Karo, Waxtarkiisa Kulmiye Nin ka Badsaday Bari iyo Galbeed ma Jiree ninowna ha Isku dheererin!. W'Q Farxaan Guuleed Warsam

    Waxqabadka Wasiir Cali Mareexan Waa Sida Cad-ceeda oo Sacab laguma qarin Karo, Waxtarkiisa Kulmiye Nin ka Badsaday Bari iyo Galbeed ma Jiree ninowna ha Isku dheererin!. W'Q Farxaan Guuleed Warsam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxqabadka Wasiir Cali Mareexan Waa Sida Cad-ceeda oo Sacab laguma qarin Karo, Waxtarkiisa Kulmiye Nin ka Badsaday Bari iyo Galbeed ma Jiree ninowna ha Isku dheererin!. W'Q Farxaan Guuleed Warsam
Wasiirka hawlaha guud iyo guryeyta Md. Cali Mareexan, oo Magaaladda Burco u Jooga hawlo shaqo, ayaa kaga guuleystay Xisbiyada Mucaaridka åh iyo Siyaasiyiinta had iyo goor laba wajiileynta ku shaqeeya, waxqabadyo tiro badan oo ah goobo ganacsi laga hir-geliyey gudaha Magaalada Burco, kuwasoo ah suuqyo casriya oo Dawladdu hindistay in laga faaideeyo.
Qorshahaas wasiir Cali Mareexan ku guuleystay, ayaa waxa saska qaaday Xisbiga Wadani, kaddibna waxa uu soo kiciyey shaqsiyaad Xildhibanada golaha deeganka Burco ah, kuwasoo wasiirka maalmahan ka aflagaadeynayey Warbaahinta, isla markaana u marinaayey eedo aan jirin iyo xajiimeynta qorshaha ganacsi ee Magaaladda Burco ku talabsatay.
Sidoo kale, wasiirka hawlaha guud Cali Mareexan, waxa uu kasbaday guud ahaanba qalbiyada shacabka reer Burco, kuwasoo hada kawada samin taageerada ay wasiirka u hayan oo åh mid aan la cabiri Karin. Haddaba, taageerada bulshada Somaliland u hayso wasiirka bari iyo galbeed, ayaa waxay sababtay inuu Magaalada Burco iyo guud ahaan gobalka Togdheer, kaga awood bato Xisbiga Waddani, isagoo wasiir Cali gadh-wadeen ka noqday Taageeda Murashaxa Kulmiye ku hantiyey shacabiyada Togdheer ee Cali Mareexan sababta u yahay.
Dhinaca kale, Mudadii uu Wasiir Cali Mareexan maamulayey Wadada ceerigaabo oo ku siman laba sanadood waxa uu ku gaadhsiiyey dhismaha Wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo 140 Km oo laami ah iyo sidoo kale caro tuulka oo laba jibbaar ka badan intaa laamiga ah.
Waxqabadka intaa le'eg ee ku fulay muddo laba sanadood ah ee wasiir Cali maxamed Xasan (Cali Mareexan) ku hirgeliyey waxa u suuro geliyey inuu u qabsoomo baaxaddaasi,  ayaa lagu sheegay inuu Wasiir Cali ka daacadsan yahay Wasiirkii uga horeeyey maamulka mashruucan. Sidoo kale hawlaha shaqo ee Wadada Ceerigaabo maha kuwo istaagay, sida ay faafinayaan War xumo tashiilku, hase ahaatee waxay u socotaa si xawli, iyadoo Xukuumaddu ku dadaalayso inay wixii awoodeeda ah iskugu gayso, isla markaana uu Mashruucaasi usii Laban laambi lahaa.
Sidoo kale, Waxqabadka Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Cali Mohamed Xasan, kuma ekaa wadada Ceerigaabo oo keliya, balse waxa uu sameeyey Wadooyin kale oo halbowle ah, kuwasoo ay Kamid yihiin Wadada Berbera ilaa Hargeysa oo markii hore joogtay xamaas, balse hadda La marinayo casriyaynteedii magaalada dacar budhuq usoo dhaaftay dhinaca Hargeisa.
Waxa kaloo, iyaggana dayactir iyo Dib u dhis lagu sameeyey Wadada Burco ilaa Laascaanood oo lagu sameeyay Geedo goyn madama wadada dhirtu soo gashay ayna sababtay shilal, Iyadoo gaadiidkii isu qarin jirtay. Waxa kaloo kamid ah Waxqabadka muuqda ee ka hirgalay Wadadaas, Biriishka burco oo la ogga burburkii ay gaadhsiyeen Daadad iyo Biyaha Dooxu, Waxa iyana ka mida meelaha la dayactiray Tiray sedexda biriish ee ugu balaadhan inta u dhaxaysa magaalooyinka BURCO Iyo BERBERA sida Dubur, Kalajab iyo Buundada Hudisa oo mudo aan dayactir lagu samayn lana mari jiray meel jar ahayd oo xata ku adkayd gaadiidka raran ee waawayn, Waxa sido kale ka mida Biriishyada jiifa "Irish Biriish"  u dhaxeeya BERBERA Ilaa HARGEISA kuwooda xeebta soo xiga oo daadadku jareen in ku dhow Haad lana isticmali jiray haadka midig oo qudha lana kala sugi jiray madama an laysku dhaafi karayn... La soco qaybaha dambe iyo Wadooyinka Galbeedka.
Farxaan Guuleed Warsame 
farxangul123@gmail.com
Burco/ Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured