Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Gudaha Dekeda Berbera Kusoo Dhoweeyey Wafti Balaadhan oo ay Hoggaamineyso Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Ms Veronique Lorenzo) iyo Waxyaabihii lagaga Hadlay kulan ka dhacay gudaha Dekedda....

0
Friday October 06, 2017 - 03:59:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Gudaha Dekeda Berbera Kusoo Dhoweeyey Wafti Balaadhan oo ay Hoggaamineyso Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Ms Veronique Lorenzo) iyo Waxyaabihii lagaga Hadlay kulan ka dhacay gudaha Dekedda....

    Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Gudaha Dekeda Berbera Kusoo Dhoweeyey Wafti Balaadhan oo ay Hoggaamineyso Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Ms Veronique Lorenzo) iyo Waxyaabihii lagaga Hadlay kulan ka dhacay gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Gudaha Dekeda Berbera Kusoo Dhoweeyey Wafti Balaadhan oo ay Hoggaamineyso Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Ms Veronique Lorenzo) iyo Waxyaabihii lagaga Hadlay kulan ka dhacay gudaha Dekedda....
Berbera(Xogreebnews)-Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa gudaha Dekedda kusoo dhoweeyey Wafti Balaadhan oo ka socday midowga yurub. Waftiga waxa hoggaaminayey Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Ms Veronique Lorenzo), kuwasoo qayb-qayb usoo indho-indheeyey waaxyaha kala duwan ee Dekeddu ka kooban tahay.
Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa u waftiga uga warbixiyey sida ay habeen iyo Maalin Dekeddu u shaqayso, sidoo kale, waxa waftiga kusoo wareejiyey gudaha dekedda, isla markaana waxa uu uga warbixiyey shaqada iyo maalgashiga dekedda ee Shirkadda DP World. Sidaasna waxa lagu sheegay Qoraal kooban oo waaxda faraca Dekedda Berbera ku baahisay Barteeda bulshada ee "Facebook", waxanu u dhigan yahay sidan.
"..Waxaan galabta abaaro 5:00pm kuso dhaweeyay gudaha dekeda berbera  wafti  culus oo  ay hogaaminaysay Safiirka Midowga Yurub-EU- (EU Ambassador, Ms Veronique Lorenzo) .
Waftiga Midawga yurub waxaan kuso wareejiyay qaybaha kala duwan ee Dekeda berbera ka koobantahay anigoo qayb walba sharaxaad ka siiyay siday u shaqayso iyo qaabka shaqadu uga socoto dekeda Habeenkii iyo Maalintii labadaba.
Waxa kale oo aan warbixin ka siiyay Waftiga Faa'idada ugu Jirta JSL Mashruuca DP World Ee Balaadhinta iyo casriyaynta Dekeda berbera oo la bilaabi doono Bilaha soo socda,Wadada isku xidhi doonta Berbera&Wajaale (Berbera Corridor) iyo Waliba Hirgalinta Goobaha Cashuuraha Ka Caagan(Free Zone) oo Shirkado waa wayni maalgashan doonaan Berbera..". Maareeyaha Dekeda Siciid Xasan Cabdilahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured