Gudoomiyaha Kulmiye ee Laanta Finland Axmed Khaliif oo Usoo Xadhko Xidhay inuu Door-lexaad leh ka Ciyaaro oloollaha Doorashada Madaxtooyada Iyo dhaq-dhaqaaqyo Xoogan oo Madaxda Sare ee Xisbigu kusoo Dhoweynayaan oo Laga Dareemayo Gudaha Caasimadda Somaliland

0
Saturday October 07, 2017 - 02:02:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Kulmiye ee Laanta Finland Axmed Khaliif oo Usoo Xadhko Xidhay inuu Door-lexaad leh ka Ciyaaro oloollaha Doorashada Madaxtooyada Iyo dhaq-dhaqaaqyo Xoogan oo Madaxda Sare ee Xisbigu kusoo Dhoweynayaan oo Laga Dareemayo Gudaha Caasimadda Somaliland

    Gudoomiyaha Kulmiye ee Laanta Finland Axmed Khaliif oo Usoo Xadhko Xidhay inuu Door-lexaad leh ka Ciyaaro oloollaha Doorashada Madaxtooyada Iyo dhaq-dhaqaaqyo Xoogan oo Madaxda Sare ee Xisbigu kusoo Dhoweynayaan oo Laga Dareemayo Gudaha Caasimadda So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Kulmiye ee Laanta Finland Axmed Khaliif oo Usoo Xadhko Xidhay inuu Door-lexaad leh ka Ciyaaro oloollaha Doorashada Madaxtooyada Iyo dhaq-dhaqaaqyo Xoogan oo Madaxda Sare ee Xisbigu kusoo Dhoweynayaan oo Laga Dareemayo Gudaha Caasimadda Somaliland

Helsinki/Finland(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland Md. Axmed Khaliif Cabdilahi, ayaa usoo Xadhka xidhay sidii uu Doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee ku astaysan 13-ka November, uga qayb-qaadan laha oloolaha dalka gudihiisa, waxana la filaya Gudoomiyuhuu inuu dalka kusoo laabto 12-ka October 2017-ka Khamiista todobaadkan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee laanta Finland Md. Axmed Khaliif, ayaa waxa si weyn ugu diyaar-garoobaya soo dhoweyntiisa dalka Hooyo, madaxda Xisbiga Kulmiye ugu saraysaa, Siyaasiyiin iyo taageerayaashiisa dalka ku sugan, kuwasoo durba u hawlgalay, sameynta Istiikarada lagu soo dhoweynaayo Gudoomiyaha, isla markaana waxa suuqyada Magaaladda Hargeysa, Gaadiidka dadweynaha iyo goobaha lagu Kulmo lagu dhejiyey Istiikarada soo dhoweynta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland Md. Axmed Khaliif.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland Axmed Khaliif, ayaa safka hore kaga jira masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee ugu firfircoon Gudoomiyaasha dalalka dibeda, waxanu si weyn uga dhex-muuqdaa dhaqdhaqaaqyada lagu dar-dar gelinaayo hawlaha Xisbiga Kulmiye ee dalka dibediisa iyo sidoo kale kuwa gudaha laftooda, Gudoomiyaha Finland ee Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Khaliif, waxa uu inta badan sameeya dhaq-dhaqaaqyo aan tiro lahayn oo u Xisbiga Kulmiye ku garab gelaayo inuu ku gaadhsiiyo Guul uu mar kale, ku hanto aqlabiyada shacabka Somaliland ee gudo iyo debedba,, isagoo dhinaca dhaqaalaha kaalin weyn ka qaatay sidii xubnaha qurbuhu Xisbiga uga kaalmeyn lahaayeen dhinaca dhaqaalaha.

Si kastaba ha haatee, waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland Md. Axmed Khaliif, hadda usoo xadhko xidhay, maadaama oo hadda la galay xiligii doorashadda inuu si weyn uga qayb-qaato oloollaha dhinaca gudaha, isagoo la filayo inuu ka dhex oloolleyn doono Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo sidoo kale, degmooyin badan. Teeda kale, Gudoomiye Khaliif, ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa xubnaha ugu dhow-dhow Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured