Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Cali Mareexan oo Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Maamuusayey Ardeydii Guulaha Kasoo Hoysay Imtixaanadkii Dugsiyada Sare Ee Somaliland Ee Kasoo Baxay Dugsiga Sare Ee Qoryaale.

0
Saturday October 07, 2017 - 02:49:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Cali Mareexan oo Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Maamuusayey Ardeydii Guulaha Kasoo Hoysay Imtixaanadkii Dugsiyada Sare Ee Somaliland Ee Kasoo Baxay Dugsiga Sare Ee Qoryaale.

    Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Cali Mareexan oo Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Maamuusayey Ardeydii Guulaha Kasoo Hoysay Imtixaanadkii Dugsiyada Sare Ee Somaliland Ee Kasoo Baxay Dugsiga Sare Ee Qoryaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Cali Mareexan oo Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Maamuusayey Ardeydii Guulaha Kasoo Hoysay Imtixaanadkii Dugsiyada Sare Ee Somaliland Ee Kasoo Baxay Dugsiga Sare Ee Qoryaale.
Burco(Xogreebnews)-Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Maamuusayey Ardeydii Guulaha Kasoo Hoysay Imtixaanadkii Dugsiyada Sare Ee Somaliland Ee Kasoo Baxay Dugsiga Sare Ee Qoryaale.
Dugsiga Sare Ee Qoryaale Ayaa Sannad Dugsiyeedkan Waxa Ka Qalinjabiyey 15 Ardey, Iyagoo 9 Ardey Oo Kamid Ahaa Ku Jireen Tobankii Ardey Ee Dalka Ugu Sareeyey Dalka Oodhan, Sagaalka Ardey Ayaa Helay Caawa Deeq Waxbarasho Oo Dalka Ethopia, Halka Afartii Hadhay Ay Deeq Waxbarasho Siisay Jaamacadda Gollis.
Dhowr Ardey Oo Ku Hadlay Magaca Ardeyda Ayaa Umahadceliyey Wasiirka Hawlaha Guud Oo Kaalin Weyn Uu Ka Geystay Inuu Horumarkaa Ku Talaabsadey Maalintana Kaalmahaa Soo Hooyo.
Salaadiin Iyo Waxgarad Ka Hadlay Madasha Ayaa Aad Ula Dardaarmay Ardeyda Guuleysatay Ee Maanta Deeqda Waxbarasho Ubaxaya, Waxaanay Alle Uga Baryeen Inuu Ufudadeeyo Hawlaha Waxbarasho Ee Ukicitamaayaan.
Wasiirdu Dawlaha Waxbarashadda, Maamulha Dugsiga Qoryaale, Iskuduwaha Waxbarashadda Gobolka Togdheer, Ayaa Iskadaba Maray Kaalamaha Dugsigu Soo Hooyay, Waxaanay Tilmaameen Baahiyaha School-ka ka Jira.


Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Ugu Horeyn Uhanbalyeey Ardeyda Guushooda Caawa Loo Fadhiyo, Wasiirka Ayaa Dhirigalin, Tabantaabo, Iyo Dardaaran Iskugu Darey Ardeydaa Maanta Uboqooolaysay Dalka Ethopia.
Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Ugu Bushaareehey Maamulka Dugsigaa Inuu Udhisayo Fasalo Cusub Oo Ardeyda Soo Socota Ku Kala Nafisaan, Wixii Baahiyana La Qabanayo. Dhinaca Kale Wasiirka Ayaa Umahadceliyey Dhammaan Cidii Ka Qeyb Qaadatay Dhismahaa Dugsiga Horeyso Iyo Danbeyso. 

Ugu Danbeyn Xafladan Ayaa Kusoo Dhamaatay Iyadoo Si Fiican Loogu Dabaal Degay Looguna Farxay Ardeydaa Kaalamahaa Sare Maanta Kaoso Hooyay. Waxaana Shahaado Sharaf Lagu Maamuusay Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured