Xoghayaha Dawladda hoose ee Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde oo Noqday Siyaasi Mustaqbal Wanaagsan oo Usoo Kacay Qaranka S/land iyo Taageerada uu Sababta u yahay ee Shacabka Deegaankiisu u Hayan Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi. W/Q Cabdifatax Cali Faarax.

0
Monday October 09, 2017 - 02:52:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dawladda hoose ee Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde oo Noqday Siyaasi Mustaqbal Wanaagsan oo Usoo Kacay Qaranka S/land iyo Taageerada uu Sababta u yahay ee Shacabka Deegaankiisu u Hayan Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi. W/Q Cabdifatax Cali Faarax.

    Xoghayaha Dawladda hoose ee Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde oo Noqday Siyaasi Mustaqbal Wanaagsan oo Usoo Kacay Qaranka S/land iyo Taageerada uu Sababta u yahay ee Shacabka Deegaankiisu u Hayan Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi. W/Q Cabdifatax Cali F

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Dawladda hoose ee Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde oo Noqday Siyaasi Mustaqbal Wanaagsan oo Usoo Kacay Qaranka S/land iyo Taageerada uu Sababta u yahay ee Shacabka Deegaankiisu u Hayan Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi. W/Q Cabdifatax Cali Faarax.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaaladda Berbera md. Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa noqday masuul kasoo dhalaalay shaqadii uu qaranka u hayey, isagoo la yimmi wax-qabad mug leh oo indhaha shacabka reer Berbera wada-markhaati yihiin, kaasoo ku guuleystay inuu isbedel la taaban karo ka sameeyey degmada, iyadoo uu la kaashadday golaha deegaanka iyo duqa magaaladda Berbera.

Hase-yeeshee waxa u sahlayn inuu ku tallaabsadday waxqabad mug leh mudadii uu joogay Xafiiska Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa la sheegay inay tahay, aqoon maamul iyo mid khibradeed oo u la yimi Xoghayuhuu, sidoo kale, dadka aqoonta u leh Xoghayaha, ayaa tilmaamay in maamul daadejinta iyo hufnaantiisa shaqo door lexaad leh ka ciyaartay habka u maareeyey mushkiladaha dhinaca dhulka, oo u raacay inuu cadaalad iyo odayeyn ka sameeyo muranada u dhexeeyey Bulshada qaybaheeda. Waxanu ku guuleystay inuu yareeyo inuu dhammeeyo wax kastaa oo u saamsan khilaaf dhul, isagoo mar kastaa cadaaladda iyo walaaleyn bulshada diiradda saaraa.

Teeda kale, Xoghayaha Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan cadde, waxa dejiyey istaraajiyad soo saartay bilicda magaaladda Berbera, taasoo u ku salleeyey Laamiyadda cusub ee dhex-mara magaaladda Berbera ee ay samaysay Dawladda hoose ee degmaddu. Laamiyada cusub ee Dawladda hoose hir-gelisay waxa ku lamaana kuwo kale oo Magaaladda dhex-maraa oo ay dawladda hoose iyanna daryeeshay, ama saartay Laami cusub, maadaama oo ay burbursanaayeen markii hore badi laamiyadda dhex-maraa Magaalada Berbera.

Guulaha uu dhinaca shaqada kasoo hooyey Xoghayaha Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan cadde iyo weliba shaqsiyadiisa wanaagsan ee dhinaca Bulshada ee u leeyahay, ayaa ka dhigtay Xoghayaha Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera, Siyaasi da’yar oo kasoo usoo baxay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo leh Mustabqal Siyaasadeed oo wanaagsan. Sidoo kale waxa kaalin weyn kaga jiraa Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde oo u leeyahay guul uu usoo hooyey Xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo weliba Xisbigiisa Kulmiye, isagoo deegaanka uu kasoo jeedo ee bariga gobolka Saaxilka ka dhigay kuwo taageero mug iyo miisaan leh la garab taagan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sidoo kalena diyaar u ah inay Maalinta doorashada loo dareero Codkooda hal-daba la’ usii yan Murashaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi. La soco Waxqabadka Dawlada hoose ee Berbera iyo Xoghaye CabdiKariin Aadan Cadde.

W/Q

Cabdifatax Cali Faarax.

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured