Badhasaabka Gobolka Saaxil oo Magaalooyinka Berbera iyo Boorama ka Bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Murashaxa Xisbiga Kulmiye iyo Shirar Qarsoodi ah oo u dhowaan la Yeeshay ku-xigeenka Xisbiga Waddani + Qorshaha laba Gar-daaqnimada ah ee Badhasaab Jaamac Daroogo

0
Wednesday October 18, 2017 - 00:01:58 in Wararka by
  • Visits: 2386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Saaxil oo Magaalooyinka Berbera iyo Boorama ka Bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Murashaxa Xisbiga Kulmiye iyo Shirar Qarsoodi ah oo u dhowaan la Yeeshay ku-xigeenka Xisbiga Waddani + Qorshaha laba Gar-daaqnimada ah ee Badhasaab Jaamac Daroogo

    Badhasaabka Gobolka Saaxil oo Magaalooyinka Berbera iyo Boorama ka Bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Murashaxa Xisbiga Kulmiye iyo Shirar Qarsoodi ah oo u dhowaan la Yeeshay ku-xigeenka Xisbiga Waddani + Qorshaha laba Gar-daaqnimada ah ee Badhasaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka Saaxil oo Magaalooyinka Berbera iyo Boorama ka Bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Murashaxa Xisbiga Kulmiye iyo Shirar Qarsoodi ah oo u dhowaan la Yeeshay ku-xigeenka Xisbiga Waddani + Qorshaha laba Gar-daaqnimada ah ee Badhasaab Jaamac Daroogo

Berbera(Xogreebnews)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Jaamac Yuusuf Axmed Daroogo, ayaa Magaalooyinka gobolada Awdal iyo Saaxil ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo lidku ah Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, sida ay tibaaxeen ilo-wareedyo looga qaateen ah oo ku sugan labadaas gobol.

Badhasaab Jaamac Daroogo, ayaa la sheegay inuu si cad dagaal ugula jiro Xisbiga uu xilka ka hayo ee Kulmiye, iyaddoo la sheegay inuu shirar gooni-gooni ah Magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal oo u dhalasho ahaan kasoo jeeddo dhowaan kula qaatay Murashaxa jagadda Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Mucaarid ah ee Waddani Prof. Maxamed Cali iyo madax kale oo ka tirsan Xisbiga Waddani. Badhasaabka ayaa sidoo kale, lala xidhiidhiyey inuu si qarsoodi ah Magaaladda Boorama uga furay dhowr xafiis, kuwasoo la sheegay inuu bixiyo kiradooda iyo weliba agabyada la dhigay.

Docda kale, Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Jaamac Daroogo, oo isaggu aan weliba ka badheedhin taageeradiisa qarsoodiga ah ee Xisbiga Mucaarid ah ee Waddani, ayaa intaa badan carqadalaya hawlaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka uu masuulka uga yahay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee Saaxil, waxanu isku cayn iyo bad-gooyaa shaqooyinka kala duwan ee gobolka, isagoo intaa badan shaqooyinka dhalan-rogan u wada si hoose oo aan la darreemayn. Kaaderiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil oo ka gaabsaday in magacooda la sheeciyo ayaa sheegay in maalinbaa maalinta ka dambaysaa uu sii laban-laabaayo badhasaabka gobolka Saaxil dagaalka uu kula jiro Xisbiga xilka u magacaabay ee kulmiye. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured