Boodhka Ugu Sarreeya Jaamacadda Camuud Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuustay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan

0
Thursday October 19, 2017 - 18:02:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boodhka Ugu Sarreeya Jaamacadda Camuud Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuustay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan

    Boodhka Ugu Sarreeya Jaamacadda Camuud Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuustay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boodhka Ugu Sarreeya Jaamacadda Camuud Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuustay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan
Boorama(Xogreebnews)-Jaamacadda Camuud Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuustay Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed. Jaamacadda Ugu Faca Weyn Somaliland Ee Camuud Ayaa Shahaado Sharaf Ku Maamuustay Wasiirka Hawlaha Mudane Cali Xasan Maxamed, Taas Oo Ku Mutaystay Xayandaabkii Guud Ee Ku Asteeyey Dhulka Ay Yeelanayso Jaamacadu, Kaas Oo Uunoqday Masuulkii Uhoreeyey Ee Usameeya Xayandaab Jaamacadda Ilaaliyana Dhulkeeda. Ugu Horeyn Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda Camuud Ayaa Sheegay In Wasiirku Ku Mutaystay Xidhitaankii Loo Xidhay Jaamacadu Dhul Ay Ku Fido Mustaqbalka, Waxaanu Tilmaamay In Markii Ay Ula Tageen Ka Aqbalay Isla Markiina Fuliyey, Maantana Ka Jaamacadda Ahaan U Abaal Gudayaan.
Gudoomiyaha Boodhka Jaamacadda Camuud Ayaa Isaguna Dhinaciisa Sheegay In Markii Hore Ay Jireen Beero Laga Qodayey Meesha Iyo Dad Kusoo Fidayey, Maantana Leedahay Jaamacadu Dhul Ku Fulan Una Xidhan.
Maayirka Degmadda Boorama Ayaa Isaguna Dhankiisa Umahadceliyey Wasiirka Hawlaha Guud Shaqadda Baladhaan Ee Uu Halkan Ka Qabtay, Waxaanu Geestiisa Balanqaaday In Ka Dawladda Hoose Ahaan Jaamacadda La Ilaalin Doonaan Dhulkaas. Badhasaabka Gobolka Awdal Mudane C/laahi Gaaxnuug Buraale Ayaa Dhankiisa Umahadveliyey Wasiirka Wuxuuna Tilaamay Inuu Wasiir Cali Ku Suntanyahay Waxqabdka Dhammaan Dalka Oodhan.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Ka Mahadceliyey Maamuuskan Iyo Sharaftan Maanta Huwisay Jaamacadan Facaweyn Ee Camuud, Wuxuuna Balan Qaadey In Wixii Danbe La Qaban Doono. Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Sheegay Nashqadii Loo Sameeyey Xadeynta Jaamacadda Camuud In La Geeyey Goob Kasta Iyo Hayadda Amni Oo Kasta Oo Ay Khuseyso, Waxaanu Tilmaamay Inay Noqon Doonto Hanti Ilaa Waligeed Jaamacadu Yeelan Doonto.
Ugu Danbeyn Waxa Halkaas Lagu Gudoonsiiyey Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamed Shahaado Sharaftii Ay Ku Maamuustay Jaamacadda Ugu Weyn Somaliland Ee Camuud.
Image may contain: 10 people, people standing and outdoorImage may contain: 9 peopleImage may contain: 3 people, people smiling, people sittingImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, sunglasses and suitImage may contain: 10 people, people standing and outdoorImage may contain: 10 people


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured