Fadeexad: Bulshada Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo Faysal Cali Waraabe Maalintiisa Oloollaha Dhabarka u Jeedisay iyo Gacan-yarayaashiisa oo Markii ay Waayeen Sawiiro, soo dhigay Baraha Bulshada Sawiiradii Ucid ee Jamaal Cali Xuseen Xilligiisi lagu soo dhoweyn Jiray….

0
Saturday October 21, 2017 - 19:41:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad: Bulshada Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo Faysal Cali Waraabe Maalintiisa Oloollaha Dhabarka u Jeedisay iyo Gacan-yarayaashiisa oo Markii ay Waayeen Sawiiro, soo dhigay Baraha Bulshada Sawiiradii Ucid ee Jamaal Cali Xuseen Xilligiisi lagu soo dhoweyn Jiray….

    Fadeexad: Bulshada Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo Faysal Cali Waraabe Maalintiisa Oloollaha Dhabarka u Jeedisay iyo Gacan-yarayaashiisa oo Markii ay Waayeen Sawiiro, soo dhigay Baraha Bulshada Sawiiradii Ucid ee Jamaal Cali Xuseen Xilligiisi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad: Bulshada Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo Faysal Cali Waraabe Maalintiisa Oloollaha Dhabarka u Jeedisay iyo Gacan-yarayaashiisa oo Markii ay Waayeen Sawiiro, soo dhigay Baraha Bulshada Sawiiradii Ucid ee Jamaal Cali Xuseen Xilligiisi lagu soo dhoweyn Jiray….

Hargeysa(Xogreebnews)-Xisbiga Maqaar-saarka ah ee Ucid, oo maanta u lahaa oloolaha Doorashada Madaxtooyadda, ayaa ku fashilmay inuu sameeyo ama helo isu-soo bax shacbiyadeed oo lagu muujinaayo cududa Xisbigiisa Ucid. Waxana gabi-ahaanbaa haawaaneeyey Fagaarayaasha Berta Xoriyadda gobolada Maroodi-jeex, Berbera, Boorama, Laascaanood iyo Burco, kaddib markii ay dhabarka u jeediyeen Xisbiga Ucid qaybaha bulshada Somaliland ee ku dhaqan gobolladaas.

Waxanu tahli kari-waayey Maanta inuu helo shacbiyad u dabaal-degga Ucid iyo oloollaha doorashada Madaxtooyadda ee bilowday iyo musharaxnimada Faysal Cali Waraabe u taagan yahay markii saddexaad, waxana gabi-ahaanbaa dhabarka u jeediyey shacab-weynaha ku dhaqan gobollada Somaliland iyo degmooyinka dalka, lamaa mooday Maanta oo sabti ah inuu bilowday oloolaha doorashada loo asteeyey 21-october ee bilaabmay, sidoo kale ma jirto gobo lama degmo looga soo baxay Ucid. Isagoo Faysal Cali Waraabe maanta Magaaladda Burco u tagay in bulshadu usoo baxdo, hase-yeeshee afar bas oo laga soo raaray xaafadda dan-yarta ah oo mooyee ma jirin cid usoo baxday, waxana gabi-ahaaanbaa haawanaayey fagaaraha Beerta Xoriyadda Burco iyo kuwa goboladda kale ee loo furay.

Magaaladda Hargeysa oo u deegaan ahaan Faysal Cali waraabe kasoo jeedo, ayaa haba-yaraatee lagu arag wax dhaqdhaqaaq ah oo u samaysay Ucid, teeda kale Gobolka Awdal ma jirin xataa Buubur keliya oo lagu dhejiyey Astaanta Ucid cid usoo baxdo daayo, sidoo kale Gobolka Saaxil xata inuu Oloolle Bilaabmay ama Hees Ucid oo meel ka baxaysa lama maqal, Gobolka Sanaag iyo Sool waxa la sheegay inaan dad aad u tiro yar oo teel-teel ah oo aanu saawiirki qabanayn lagu arkay.

Dhinaca kale, ma layaab leh oo ceeb iyo fadeexad ah inay shaqsiyaadka gacan-yaraha u ah Faysal Cali Waarabe inay baraha Bulshada ku faafinayaan Sawiiradii hore ee Ucid, xiligii aan la inqilaabin Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxana la soo dhigay barta Facebook, sawiiradii bulshaddu ugu soo bixi jirtay Jamaal Cali Xuseen. Waxana maanta cadaatay oo Bulshadu rumaysay in ciddi la taageeri jiray ee bulshaddu usoo bixi jirtay inay ahayd Jamaal Cali Xuseen, balse Faysal Cali waraabe Maanta la qaawiyey.

Si kastaba ha ahaatee, talalabadan shacab-weynaha Somaliland dhabarka u jeediyeen, ayaa ah mid bulshaddu wada-dareensan tahay inaanu Faysal Cali waraabe ahayn Musharax, balse uu dadweynaha la hormaraayo Musharaxnimo uu soo dhacay, isla markaana uu ka inqilaabay Ninkii Musharaxa ahaa ee Ucid kala soo baxay Xabaasha ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, marka la isku soo xooriyo arrimaha bilawga Ucid bulshadu ku qaabishay waxa la odhan karaa waxaa rummowday odhaahdii laga guntay aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee ahayd waxan ku celin doonaa Ucid halkii aan ugu immi iyo meel ka hoosaysaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured