Faysal Cali waraabe oo Maalintisii Labaad ee Oloollaha Doorashada Madaaxtooyadda Shacab-weynaha ku Nool Goboladda iyo Degmooyinku Dhabarka u Jeediyeen iyo Fadeexada Dhaxalkiisa Siyaasadeed lasoo deristay

0
Tuesday October 24, 2017 - 21:55:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faysal Cali waraabe oo Maalintisii Labaad ee Oloollaha Doorashada Madaaxtooyadda Shacab-weynaha ku Nool Goboladda iyo Degmooyinku Dhabarka u Jeediyeen iyo Fadeexada Dhaxalkiisa Siyaasadeed lasoo deristay

    Faysal Cali waraabe oo Maalintisii Labaad ee Oloollaha Doorashada Madaaxtooyadda Shacab-weynaha ku Nool Goboladda iyo Degmooyinku Dhabarka u Jeediyeen iyo Fadeexada Dhaxalkiisa Siyaasadeed lasoo deristay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali waraabe oo Maalintisii Labaad ee Oloollaha Doorashada Madaaxtooyadda Shacab-weynaha ku Nool Goboladda iyo Degmooyinku Dhabarka u Jeediyeen iyo Fadeexada Dhaxalkiisa Siyaasadeed lasoo deristay

Hargeysa(Xogreebnews)-iyadoo uu bilaabmay Wareega labaad ee Oloollaha Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland , isla markaana uu bilaabay Ucid, ayaa waxa gabi-ahaanba uu ku fashilmay inuu Musharaxa Waraabe-u-taaga ah ee Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe u helo gobol ama degmo keliya oo looga dabaal-dego ama laga taageero.

Guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, Maanta oo Salaasa ah, 24-ka Bisha October, oo la rabbay in shacabka ku dhaqan Gobollada iyo degmooyinku sameeyan uso-soo bax loogu damashaado Ucid iyo maalinteeda ayaa fashilmay, waxana gabi-ahaanba dhabarka u jeediyey Musharraxa Waraabe-u- tag ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe shacabka ku dhaqan gobolladaasi, kuwasoo kalka labaad ee Oloollaha Doorashadda Madaxtooyadda maalinta koowaad ku qaabilay nasasho iyo inay guryahooda ama shaqadooda sidii maalin caadiya u joogan.

Geesta kale, Ucid ayaa sidan oo kale shacabku dhaqani ugu jeediyeen dhabarka maalintiisii hore ee Oloollaha Doorashada Madaxtooyadda oo ku beegnay Sabtidii todobaadkan, Musharraxa Ucid Faysa Cali Waraabe, ayaa laba jeer oo hore u metelay Ucid musharraxa doorashadda madaxtooyadda, isagoo labadii jeerka dhacay galaynaa kaalinta u dambaysa, sidoo kale, Maanta ayaa waxa la filayaa inuu shacabweynaha Somaliland ka waayo haba-yaraatee wax cod ah, gobol iyo degmo kastaa.

Faysal Cali waraabe, ayaa Maanta shacabka Somaliland la hor-taagan Musharraxnim uu soo inqilaabay, taasoo looga soo inqilaabay Musharraxii Xalaasha ahaa ee Ucid, oo ahaa aqoonyahan haystay taageerada gudo iyo debedba shacabka reer Somaliland Aqoonyahan Jamaal cali xuseen, kaasoo Xisbiga Ucid ka badbaadiyey Hog dheer, isla markaana Jamaal ahaan uu sabab u ahaa mar labaad inuu kusoo noqdo saxadda Xisbinimada Ucid.

Waxa kaloo, layaab leh, iyadoo laba maalmood shacabka dhabarka u jeediyeen Musharraxa Waraabe u taga ah ee Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu shalay sheegay inuu nasan doono maalintiisa kalka saddexaad, oo iyadduna ku began Maalinta jimcaha todobaadkan, isagoo ku marmarsiyooday waa Maalin cimaado, hase-yeeshee sirta ku duugani, waxa ay tahay inuu daah saaro waji-gabax iyo guuldarada soo wajahday ee shacabku ku qaabileen, isla markaana todobadiisa maalmood ee oloollaha xisbigiisu leeyahay ay ku dhamaadan maalin fasax ah iyo maalin dhabarka loo jeediyo, oo Xisbigaasi waayo cid usoo damaaashaadda sida xisbiyadda kale ee Waddani iyo Kulmiye oo labaduuduba gobol kastaa iyo degmo kastaa looga damaashaado maalmahooda isu-soo baxyadda.

Si kastaba ha ahaatee, talalabooyinka shacab-weynaha Somaliland dhabarka u jeedinayaan Faysal Cali waraabe, ayaa ah markhaati u ah Guuldarro taxadka hoose ah oo markii saddexaad ay ku qaabili doonaan Boqolaal shacabweynaha reer Somaliland ah, waxanay goobaha bulshadu ku kulanto sida barkulanada iyo goobaha caadiga ah loogaga sheekeysanayaa inaanu Ucid ahayn Xisbi, oo saxadda Siyaasadda ka baxay, iyadoon doorashadiiba la gaadhin, sidoo kale, waxa dooda arrinka Faysal ee dadka, farta kusii fiiqayaan inuu ka sii hooseyn doono halkii ama codkii uu heli jiray ee ahaa %15-ka, maadaama oo u labadii jeer ee hore Faysa Cali Waraabe keliya uu ahaa oo u sitay Musharaxnimo caadiya, hase-yeeshee Maanta waxa uu sitaa Musharraxnimo loo inqilaabay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured