Ma'gayo ee Xag-xagashada Halaga Daayo Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar Maamulaha Sagal Jet...W/Q Farxan Guuleed Daahir.

0
Wednesday October 25, 2017 - 05:46:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma'gayo ee Xag-xagashada Halaga Daayo Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar Maamulaha Sagal Jet...W/Q Farxan Guuleed Daahir.

    Ma'gayo ee Xag-xagashada Halaga Daayo Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar Maamulaha Sagal Jet...W/Q Farxan Guuleed Daahir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma'gayo ee Xag-xagashada Halaga Daayo Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar Maamulaha Sagal Jet...W/Q Farxan Guuleed Daahir.
Iyadoo Xumada Doorashada Madaxtooyadda Somaliland marayso halkii u dambaysay, isla markaana Xaraaradeedu maalinba maalinta ka Dambayso ay cirka isku sii shareerayso, ayaa labada dhinac ee sida weyn ugu loolamaya Kursiga aqalka Madaxtooyaddu waa Waddani iyo Kulmiye'e waxay Warbaahinta maxaliga ah isu marinayaan Warar iyo muuqaalo midba kan kale uu damacsan yahay inuu awoodiisa taageero ku wiiqo. 
Haddaba, iyadoo ay arrimahaasi jiraan, ayaa haddana waxa taageerayaal ka tirsan Waddani, oo maalmihii lasoo dhaafay baahinayey qoraalo marin habowsan, kuwasoo lagu xajiimeynaayo maamulka sare ee Shirkadda Daabacaadda Sagal-Jet, Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar, oo isagga si gaar ah shaqsiyan, xubno ama masuuliyiin iyo taageerayaal Xisbiga Waddani ku abtirsadaa ku aflagaadeynayeen Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee Facebook.
Ma jirto eed keliya oo macquul ah oo shaqsiyaadka aragtida gaabani si cilmiyeysan dusha uga saareen Maamulaha Shirkadda Daabacadda Sagal jet Cabdi Yuusuf Aar, hase-yeeshee nuxurka eedooda, waxay ku sheegayan inuu abaabulay ama u lacago ku bixiyey dacaayado lidku ah Xisbiga Waddani, arrimahaaso haba yaraatee aanay waxba ka jirin eedoodu, isla markaana aan ahayn kuwo macquul ah, balse ujeedku yahay gal-galasho iyo aragti gaabnaan.
Markaad u dhabo gasho eedaha kaga imanaya Maamulaha Shirkadda Daabacaada Sagal jet Cabdi Yuusuf Aar, Xisbiga Waddani, waxananu baadhitaan, kaddib ku oggaanay in sababta ganacsadaha loola xidhiidhinaayo ceebaha San jirin, ay tahay inay ganacsadaha isku hayb guud wadaagan Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, runtiina ma qabato in gamacsadaha lagu aflagaadeeyo hebel ayaad isku reer tihiin, waxanaynu og soon-nahay in Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar uu yahay shaqsi qun-yar socod ah, oo dadku u siman yahay, isla markaana ka dheer Qorshe qabiil ama hebelbaad is xigtaan iyo wax lamid ah.
Sidaas daraadeed, masuuliyiinta ama taageerayaasha Xisbiga Waddani, waxa la gudboon inay ka foggaadan dacaayadda raqiiska ah ee lala bartilmaameedsanaayo maamulaha Shirkadda Sagal jet Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar. Waxana arrimahaas haddii aanay ka waantoobin shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee Xisbiga Waddani sumcadda ka xumaynayaa noqon doonaan kuwo Xisbigaas wax u dhima taageeradiisa.
Guntii iyo gabo gabadii Waxa ceeb iyo fadeexad  ah in qof haybtiisa lagula xidhiidhiyo eed aanu lahayn, isla markaana aanay jirin meel uu kasoo galo, iyadoo sababtu tahay waxaad isku reer tihiin hebel, arrinkaasi waa dhaqan aad u fool xun runtiina loo baahan yahay in laga waantoobo, shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee ficilladaas wadana waxaa la gudboon inay ka il baxan dhaqankaas Aradan.
W/Q
Farxaan Guuleed Warsame 
Hargeysa/ Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured