"Cukusow Adigoo Madaxweyne Cigaal Ku Sheegay Daaquud Miyaad Weli Doobyaysaa?" Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Monday October 30, 2017 - 23:23:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cukusow Adigoo Madaxweyne Cigaal Ku Sheegay Daaquud Miyaad Weli Doobyaysaa?" Siciid Maxamuud Gahayr.

    "Cukusow Adigoo Madaxweyne Cigaal Ku Sheegay Daaquud Miyaad Weli Doobyaysaa?" Siciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cukusow Adigoo Madaxweyne Cigaal Ku Sheegay Daaquud Miyaad Weli Doobyaysaa?" Siciid Maxamuud Gahayr.
Waxa aan daawaday Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo khudbaddii Boorama ee Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku sheegaya "af-legaaddo qoran oo lagu heshiiyay”. Kollay waxa ay falcelin u ahayd khudbad uu Burco ka jeediyay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi. Walaw ay labada hadalba xajiin lahaayeen, haddana marka Xamar la isku eedeeyo, ka fursan mayso in xabaalo iyo xinjiro la soo faqo. Waan hubaa in uu Murashax Cirro aqoon u leeyahay garaacista Kombuutarka oo uu khudbaddiisa qoran karo, adigu miyaad la socotaa in aanu Murashax Muuse Biixi Cabdi waxba ku qorin kombuuyar in loo qoro mooyaane?
Abwaan Gaarriye waxa uu maansadii Gurmad ku yidhi "Nin iinlow daa gujada” Haddii uu qof dhawrsani dhaliilo hadalka Murashax Cirro ma dhibsadeen, laakiin Wasiir Cukuse imisa ayuu dhataqle ummadda la soo dhex taagnaa?. Waxa uu ahaa Af-hayeenkii Madaxweyne Siilaanyo ee faafinayay shir-warbaahineedkii Madaxweynuhu jeediyay 29kii Sebtemeber 2011ka "Uf baa la yidhi. Sankaa lagaa qabsaday. Ufo ayaad basaasi jirtay. Ummaddaa ku nacday”. Haddii aad cid qabanayso, maxaad Wasiir habeenkaas u toosin weyday Madaxweynaha saqda dhexe toosay?
Wasiir Cukuse waxa uu ka mid ahaa inta dhagarta dagaallada sokeeye faraha kula jirtay, sidaas awgeed ayuu uga damqanayaa in la soo hadal-qaado. Sida aad ka arkin kartaan Youtubeka waxa uu Cukuse ahaa ninkii yidhi "Waxa aanu dagaal kula jirnaa Daaquudkii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal”. Eebbe godka ha u nuuro Madaxweyne Cigaal, miyaanu marxuunku ahayn aabbihii Somaliland, miyuu geyaa in Daaquud lagu sheego? Miyaynu aragnay meel uu xaal iyo raalli-gelin kaga bixinayo mataggaas?
Mar kale isaga oo Cukuse ku faanaya in la eryaday beesha Madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi "Halkan aanu waa shacabkii iyo dawladdii hoose ee Burco, anigu reer Burco ma ihi oo si fiican uma kala garanayo’e, qoladii kale waxa la igu yidhi ‘meel halkaas ah oo Sii-bakhtiga la yidhaahdo ayay joogaan”. Ma ninkii kamaradda u qaatay naxli iyo nashuushad la dhex dhigo ummadda Somaliland ayaa maanta ina wacdiyaya?
Dhinaca kale marka la eego, Wasiir Cukuse gar buu u yeeshay nidaamka uu dalka iyo dadka la boobay. Waxa ka dhex hadlaya cashuurta maatida laga qaado ee uu guryaha cadcad ka dhistay. Maxa uu hore ugu dhisan waayay sarta dheer ama fooqa uu Masallaha ka dhistay intii uu xilka qaranka hayay?. Miyaanu daw u lahayn in uu inagu dibbira-dhacsado markii uu ka dibbiray dufanka, dubaaxda iyo duxda shacabka?
Ugu dambayntii waxa aan leeyahay Wasiir Cukusow weji iyo abaal midna kuma lihid Muuse Biixi Cabdi, waana kii murashaxu sheegay in aad leexisay hadalkiisii ahaa "Anigoo wax dili kara, duco qaadan maayee, debci qorigu ha i furo” Waxa kuu dan ah inaad dibnahaaga gaabsato oo aanad durdurinnin. Haddii aad joojin weydo qudhunka aad walaaqanaysana waxa aanu bannaanka soo dhigo boogaha kuu dedan iyo mililka kuu huursan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured