Dhaq-dhaqaaqyo Lagu soo Dhoweynaayo Afhayeenka Guud ee Xisbiga Kulmiye ee North America Xasan Yoonis Cabdilahi oo si Wey looga Dareemaayo Gudaha Magaalada Hargeysa....

0
Friday November 03, 2017 - 03:37:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaq-dhaqaaqyo Lagu soo Dhoweynaayo Afhayeenka Guud ee Xisbiga Kulmiye ee North America Xasan Yoonis Cabdilahi oo si Wey looga Dareemaayo Gudaha Magaalada Hargeysa....

    Dhaq-dhaqaaqyo Lagu soo Dhoweynaayo Afhayeenka Guud ee Xisbiga Kulmiye ee North America Xasan Yoonis Cabdilahi oo si Wey looga Dareemaayo Gudaha Magaalada Hargeysa....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaq-dhaqaaqyo Lagu soo Dhoweynaayo Afhayeenka Guud ee Xisbiga Kulmiye ee North America Xasan Yoonis Cabdilahi oo si Wey looga Dareemaayo Gudaha Magaalada Hargeysa....
Canada(Xogreebnews)-Afhayeenka Guud Xisbiga Kulmiye ee North America Md.  Xasan Yoonis Cabdilahi, ayaa la filaya inuu 6-da Bishan 11/2017-ka kusoo laabto dalkiisa hooyo,  isagoo si toos ah Lugta ula geli doonaa Oloollaha Doorashada Madaxtooyadda, isla markaana waxa uu qayb ka noqon doonaa Kaambeenarada Xisbiga Kulmiye guusha la raad-cayn doona, kuwasoo ku hawlan inuu mar labaad hanto Kursiga dalka ugu sarreeya ee Madaxtooyada Xisbiga tallada haya ee Kulmiye.
Siyaasi Xasan Yoonis Cabdilahi, oo safka hore kaga jira Xisbiyahanka Kulmiye daacadda u ah, isla markaana ah Shaqsiyaadka laf dhabar ee Xisbiga Kulmiye qaybta North America, ayaa la filayaa inay dalka kusoo dhoweeyan Madaxda ugu sarreeysa Xisbiga Kulmiye ee hoggaanka iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weliba Siyaasiyiin miisaan culus oo kale. 
Sidaas daraadeed waxa todobaadkan shaaracyada magaalada Hargeysa lagu arkaayey Boodhadh iyo Istiikaro lagu daabacay Sawiirka Siyaasi Afhayeen Xasan Yoonis Cabdilahi, kuwasoo lagu dhejiyey goobaha lagu Kulmiye iyo baaburta dadweynaha. Sidoo kalena waxa lagu faafiyey sawiirada soo dhoweynta Afhayeenka Kulmiye ee North América Xasan Yoonis baraha Bulshaddu ku xidhiidho ee Facebook. Waxana halku dhigyo looga dhigay kusoo dhowow dalkaaga Hooyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured