War- Deg-deg ah: Waxgaradka Reer Awdal oo Digniin Dhiilo leh u Diray Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ku Sugan Boorama

0
Thursday November 09, 2017 - 23:50:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War- Deg-deg ah: Waxgaradka Reer Awdal oo Digniin Dhiilo leh u Diray Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ku Sugan Boorama

    War- Deg-deg ah: Waxgaradka Reer Awdal oo Digniin Dhiilo leh u Diray Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ku Sugan Boorama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War- Deg-deg ah: Waxgaradka Reer Awdal oo Digniin Dhiilo leh u Diray Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ku Sugan Boorama

Boorama(Xogreebnews)-Siyaasiyiin, aqoonyahan iyo madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, ayaa digniin culus oo dhinaca amaanka ah kasoo saaray joogi-taanka Ganacsade Maxamed Aw siciid Geedi ee Magaaladda Boorama, oo isaggu labadii habeen ee u dambeeyey ka wadday magaalada Boorama oloolle uu ku doonaayo inuu Kaadhadhka Codbixiyaasha kaga Iibsado Bulshada.

Siyaasiyiin, aqoonyahan iyo madax-dhaqameedka oo Warbaahinta Caawa la hadlay, waxay ku tilmaameen isku dayga iyo damaca arrinkaas, ee ganacsadaha reer Jabuuti mid sharafta iyo kaaramadii reernimo ee ay lahaayeen meel lagaga dhacaayo, isla markaana ah tallaabo lidku ah qoomiyad ahaan jiritaankooda Ummadeed. Waxa kaloo haldoorka reer Awdal sheegeen in ganacsadahaasu Magaaladda Borama iyo Deegaanada hoos-yimaada u kala diray dhalinyaro da’ walba leh, oo kasoo jeeda Beesha Sacad Muuse, kuwaasoo wada dhamaantood mashruuca Kaadhadh Iibsiga ah, sidoo kale, xubnahani waxay xuseen inay si weyn ula socdaan dhaqdhaqaaqyadooda iyo tallaabo kastoo ay qaadan kooxdaasi. Waxanay intaa raaciyeen bulshada deegaanadaasi inay ka war-qabto hawlaha Isir-baabinta ah ee gobolka Awdal uu ka wado Ganacsade Maxamed Geedi iyo dhalinyarada Beesha Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi.

Waxa kaloo, labeenta Bulshada reer Awdal sheegeen, in arrinkaasi bulshada ka cadhaysiiyey, isla markaana dhaliyey ama uu abuuray dareen cadho leh, oo u gaadhay heer aan cidina xakamayn Karin bulshada. Sidaas darteed waxgaradka gobolka Awdal waxay ganacsade Maxamed Aw siciid ugu baaqeen inuu fad-qalaalada uu wado kala baxo gobol, iyo sidoo kale, ka duqay ahaan inaanay damaanad qaadi Karin amniga iyo amaanka shaqsiyadeed ee Ganacsade Maxamed Aw siciid hadii uu sii joogo magaaladdaa, oo weliba faraha uu kala bixi waayo dagaalka isir ee u kusoo qaaday Bulshada reer Awdal, gaar ahaan Beelaha Samaroon iyo Ciise, ee ku dhaqan deegaanadaas.

Waxa kaloo, ay inraa ku darreen waxgaradku inay beri fagaarayaasha ka sheegi doonaan hawlaha Ganacsade Maxamed Aw Siciid ka wado gobolka Awdal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured