Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen oo ka Hadlay Doorashadii Dalka ka Dhacday Iyo Xukuumada Looga Fadhiyo Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi

0
Monday November 27, 2017 - 17:49:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen oo ka Hadlay Doorashadii Dalka ka Dhacday Iyo Xukuumada Looga Fadhiyo Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi

    Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen oo ka Hadlay Doorashadii Dalka ka Dhacday Iyo Xukuumada Looga Fadhiyo Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen oo ka Hadlay Doorashadii Dalka ka Dhacday Iyo Xukuumada Looga Fadhiyo Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi
Hargeysa(Xogreebnews)-"..Waxaan ku faraxsanahey in  xisbiga  Wadani ay si Waayeelnimo ah oo ay waliba  geesinimo  iyo xilkasnimo ku dheehan tahey  u  aqbaleen natiijaddii  ama goaankii GUDDIGA Doorashooyinka qaranka ileyn waa tii la yidhi  garri  laba nin  kama wadda qosliso eh.Wadankani  mustaqbal  siyaasadeed buu leeyahey, wuu dhismayaa dabcan khaladaad wey jiraan, laakiin waxaan u baahanahey in aan khaladaadka aan isla eegno dabadeedna saxno. Midna Meesha Halaga saaro qabiil -qabiil qabsadey ma jirto; Qolo-qolo ka adkaateyna warkeedaba dhaaf.Xisbiyadda  qaranka cid gaar u leh Majirto ; Xisbiga WADANI cid gaar u lehi ma jirto muwaadiniinta goboladda   Soomaaliland oo dhami   wey u codeeyeen. Codkii  baa uun lagu kala batey mooyee wax kale oo dhib ahi majirto.Dhinaca kale Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Iyagana waan ku hambalyeynayaa sida wacan ee ay yeeleen; meysan buuqin, meysan damaashadin, taasina waxa ay aniga ii muujineysaa ama ay i tuseysaa in shacbi weynihii Soomaaliland bislaadey oo biseyl siyaasadeed la gaarey.Dhinaca kalena xisbiga Kulmiyana sidoo kale cid gaar u leh ma jirto; Soomaaliland oo dhami   wey u codeeyeen. 
Hadaba,  waxaa xisbiga Kulmiye looga fadhiyaa dadkii  xisbiyadda kale u codeeeyey in ay kasbadaan.Waxaan hogaanka Kulmiye fari lahaa in shakhsiyaad ka tirsan  xisbiga WADANI oo marka leysla eego ee dhinacyo badan laga eego tayadooda, xil kasnimadda, wadaninimadda, sumcaddiisa shakhsi ahaaneed la fiiriyo  ama xirfadiisa shaqo iyo waaya aragnimaddiisa in lagu qanciyo in loo  magacaabo xilal sarsare si loo dhiso dawlad midnimo qaran.Midda kale; Waxaan kula talinayaa xisbiga Kulmiye in doorashadan ta xigta, waxaan filaynaa in ay tahey doorashaddii baarlamaanka iyo tii dawladdaha hoose eh; in ay qabtaan doorasho tusaale u noqota jiilasha soo socda oo taariikhi ah si aynu u iibino biseylkeena siyaasadeed, hogaamineed  dimuqraadiyadeed xitaa haddii xisbiga Kulmiye lagaga badinayo baarlamaanka iyo dawladdaha hooseba. 
Waxaan leeyahey waad liqeysiin goaankaas; Maxaa yeeley waxaan leenahey hadaf; waxaa kale oo aan dooneynaa  in aan nooleyno  oo aan dardar galino rajada shacabka iyo  waliba kalsoonidda shacabku ku qabaan dimuqraadiyadda iyo guddiga doorashooyinkaba.Kulmiyoow dawlad  ka duwan kuwii hore aan u soo aragney oo professional ah in aad magacawdiin ayay shacabku idinka sugayaan.
Wa bilaahi towfiiq.
Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto
Shucayb Cabdilahi Xuseen 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured