"..Kaftan Fariimeed madaxweynaha cusub - yaan deyn lagaaga tegin...Dhaqan siyaasadeedka xun Ee dalkani caadi ka dhigtay iyo deymo xad-dhaaf ah Oo layska wareejiyo hadaan meel lagu tiirin oo cidi aanay odhan ha la joojiyo, Waxay inagu noqon doonta wado halaqeed".Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen

0
Tuesday November 28, 2017 - 18:39:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Kaftan Fariimeed madaxweynaha cusub - yaan deyn lagaaga tegin...Dhaqan siyaasadeedka xun Ee dalkani caadi ka dhigtay iyo deymo xad-dhaaf ah Oo layska wareejiyo hadaan meel lagu tiirin oo cidi aanay odhan ha la joojiyo, Waxay inagu noqon doonta wado halaqeed".Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen

    "..Kaftan Fariimeed madaxweynaha cusub - yaan deyn lagaaga tegin...Dhaqan siyaasadeedka xun Ee dalkani caadi ka dhigtay iyo deymo xad-dhaaf ah Oo layska wareejiyo hadaan meel lagu tiirin oo cidi aanay odhan ha la joojiyo, Waxay inagu noqon doon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Kaftan Fariimeed madaxweynaha cusub - yaan deyn lagaaga tegin...Dhaqan siyaasadeedka xun Ee dalkani caadi ka dhigtay iyo deymo xad-dhaaf ah Oo layska wareejiyo hadaan meel lagu tiirin oo cidi aanay odhan ha la joojiyo, Waxay inagu noqon doonta wado halaqeed".Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen
Hargreysa(Xogreebnews.co.)-"..
Dad badan baa talooyin wax ku oola siiyey Madaxweynaha cusub Ilaahay ha la qabtee. Aniga tayda waxaan ku gudbinayaa kaftan ahaan iyadoo madaxweynaha cusub iyo dadka imika xilalka hayaba ku socota. Waxaan xasuustay sheeko uu iiga sheekeeyey saaxiibkay Maxamed Cali Bile Oo ahayd in beri ay wadaad Ugu yeedheen gabadh yaroo Jin galay. Wadaadkii baa markuu Quraankii bilaabay inuu akhriyo, ayaa Jinkii gabadha yar ku jiray ee ka dhex hadlaayey ayaaba Quraankii la akhriyey Wadaadki Oo weliba kaga fiicnaaday akhriskii ninkii dhamaa Ee wadaadka ahaa ee la soo kaxaystay. Wadaadkii baa intuu qudhiisii yaabay ayuu yidhi; " waar waa maxay Jinkan xariifka ahi" horta Madaxweynahii la doortay intaa dad uun baa u gelaaya Oo la talinaaya, weliba waxa Ugu tallooyin fiican kuwa ku dhex jiray xukunka dawladnimo oo qaar ka mid ah weliba lagu dhaliilaayey shaqooyinkii ay hore u soo qabteen iyagoo ay hore Bulshadu farta ugu fiiqday kuna haysatay wax is daba marin iyo musuqmaasuq. 
Haddaba Madaxweyne la doortay Muuse Biixi ayaa sidii Wadaadkii naftiisa ku leh; " waar waa maxay Jinkan xariifka ahi ee Quraankii dudubinayaa" ileyn waa kuwanoo iyagiibaaba ku dhega barjeeyey talooyin wax ku ool ah Madaxweynahii hadda waa kuwii laga cabanaayey. Odhan maayo qof kastoo dawlad hore ka soo shaqeeyey waa lama qaatan, odhan maayana dadka imika xukuumadan la badelaayo ka tirsani waa lama qaataan. Dad wanaagsani waa ku jiraane kolay Madaxweynaha la doortay isagaaba iiga aqoon badan dadka badidooda. Laakiin fariinta Ugu muhiimsani waxay tahay oo isugu jirtaa laba qodob 1. In madaxweynahu dadka miisaanka saaro oo la kala saaro shaqada qaranka iyo abaal isu celinta; qof walbana meeshuu ku haboon yahay la geeyo; qof walbana Miisaanka saaro, guusha qaranka iyo ta madaxweynahu Waxay ku xidhan tahay dadka uu igmado hawlaha. 2. in aanu madaxweynahu aqbalin deyn xad dhaaf ah oo uu la wareego sidii ay caadada u ahayd dhaqan xumadda siyaasadeed ee Somaliland ee ninkastoo madaxtinimo ka degayaaba uu qasnadda dawlada sii faaruqiyo. Sharciga dalkan iyo Dastuurka toona meelna kagama taallo in Wasiir uu deyn qaran uu qaadan karo, Waxay Ila tahay Wasiirka maaliyadda iyo madaxweynaha Oo keliya ayuunbaa qaadan kara deyn kolka ay kala yaraadan lacagtii canshuurta loo soo ururinaayey iyo kharashaadkii dawladu. Markaa mudane Madaxweyne la doortay anigoo afka muwaadiniinta dalka ku hadlaaya dhabarka haw raran culays mustaqbal iyo deyn aan meelna haysan. Wasiiradda Maaliyadda ayuunba deyn wixii address leh kaala hadli karta laakiin dhamaan wasaaradaha kale ee dalku waa inay bilaa deyn xilalkooda ku wareejiyaan kolka lagu dhaariyo ka dib inshallah. 
Dhaqan siyaasadeedka xun Ee dalkani caadi ka dhigtay iyo deymo xad-dhaaf ah Oo layska wareejiyo hadaan meel lagu tiirin oo cidi aanay odhan ha la joojiyo, Waxay inagu noqon doonta wado halaqeed. Waa tallo kale oo la mid ah kuwii muwaadiniintu hore kuu siiyeen. Waa fikirkayga xorta ah oo aanan cidna waxba kaga doonaynin, cid gaar ahna aanan ku dureynin ee danta caamka ah daawee uun ay iga tahay. Maanta Madaxweynaha kii doortay, kii ka aamusay iyo kii aan dooranba way kuu siman yihiin Ee cadaaladda culeyska saar. Ilaahay kheyrka hayna siiyo dhamaanteen; Madaxweynaha la doortayna aynu u duceyno.
Fikirkii iyo Qoraalkii Muwaadin: Jamaal Cali Xuseen



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured