Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo La Sheegay inuu Dejiyey Shaxda Xukuumadiisa Iyo Magaca Siyaasi Safka Dhexe kaga jira Liiska.

0
Thursday November 30, 2017 - 22:04:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo La Sheegay inuu Dejiyey Shaxda Xukuumadiisa Iyo Magaca Siyaasi Safka Dhexe kaga jira Liiska.

    Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo La Sheegay inuu Dejiyey Shaxda Xukuumadiisa Iyo Magaca Siyaasi Safka Dhexe kaga jira Liiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo La Sheegay inuu Dejiyey Shaxda Xukuumadiisa Iyo Magaca Siyaasi Safka Dhexe kaga jira Liiska.
Hargeysa(Xogreebnews)-Iyaddo Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, uu si weyn ugu mashquulsan yahay xulashada Xukuumadiisa cusub, oo u damacsan yahay  inay noqo mid kooban oo waxqabadka laga filayo fulisa, ayaa sida laga helayo Wararka ka ag dhow Guriga Madaxweynaha cusub waxay sheegayan inuu diyaariyey Liiska golaha Xukuumada Cusub, khaasatan golaha Wasiiradda, Ku-xigeenada iyo weliba Wasiiru-dawlayaal, walow ay tiradoodu yar tahay.
Sidoo kale, Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu iyagana diyaariyey Shaqsiyaadka u noqon doonaa Agaasimayaasha guud ee  Xukuumadiisa, kuwasoo laftooda uu si weyn ugu soo xushay aqoon iyo daacadnimo, iyo weliba inay Ku suntan yihiin waxqabadka maamul Daadejinta.
Haddaba, Shaqsiyaadka la  sheegay inuu Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi, uu Magacaabay, balse aanu weli shaacin, waxa kamid ah, Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule, oo isaggu ah Kaaderiinta waaweyn ee  Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan kuwii ugu firfircoona gobolka Saaxil, isla markaana ahaa ashkhaasta mudada dheer lasoo baadi-goobayey derajaran uu ilahay gaadhsiiyey Madaxweynaha cusub ee  Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Hase-yeeshee Wararku may cadey nooca xilka loo magacaabay Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule, balse waxa la sheegay mid kamid ah xilalka qaranka kuwa ugu miisaanka culus.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured