Kooxda Xiddigaha Geeska oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiyihii Abwaan Laab-saalax iyo Sababta Keentay

0
Sunday December 03, 2017 - 22:48:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Xiddigaha Geeska oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiyihii Abwaan Laab-saalax iyo Sababta Keentay

    Kooxda Xiddigaha Geeska oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiyihii Abwaan Laab-saalax iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Xiddigaha Geeska oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiyihii Abwaan Laab-saalax iyo Sababta Keentay
Hargeysa(Xogreebnews):- Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska, ayaa sheegay inay Xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Kooxdaas Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ka dib markii ay ku eedeeyeen xil-gudasho la’an.
Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Caawa Guddiga Fulinta ee Kooxda Xiddigaha Geeska, kaas oo lagu sheegay in Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Kooxda Xiddiguhu Shir ay isugu yimaaddeen Cod-gacan-taag ah kaga qaadeen Maanta xilka Abwaan.
Qoraalka War-Saxaafadeedkas Xiddigaha Geeska ka soo baxay oo lagu faafiyey Baraha Facebook ee Xubno Kooxda iyo Guddiga Fulinta ka tirsan iyo Mareegaha Warbaahinta Qaarkood oo sidoo kale Aftahannews.com helay, waxa uu u dhignaa sidatan:-


"Maanta oo ay bishu tahay 03 12 2017 shir ay isagu yimaaddeen Guddiga fulinta ee Kooxda Xiddigaha Geeska iyo Xubnaha Kooxdu waxay xilkii guddoomiyenimo ee kooxda cod gacan taag ah kaga qaadeen Guddoomiyihii hore ee kooxda Xiddigaha geeska Xasan Saleebaan Maxamed (Laab-saalax), ka dib markii uu gudan waayey waajibaadkii shaqo ee kooxdu u igmatay sida uu dhigayo sharciga Kooxdu.
Islmarkaa waxay kooxdu cod gacan taag ah ku sime gudoomiye ugu doorteen xoghayaha kooxda Maxamed Axmed Bakaal Cirro). ALLAA Mahad Leh.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured