Fadeexad weyn: Wasiirada Madaxtooyadda iyo Duulista oo Madaarka Hargeysa Qaybta VIP-da ku Wareejiyey Shirkad Kireysa + Dhaqaalaha kasoo baxaya oo ay kula shuraakoobeen Ganacsade Muniir Abu Site, Heerka Musuq-maasuqu gaadhay iyo Xeeladaha Wasiir Maxamud Xashi 7-sanno Dadka dhoofa iyo kasoo degga uu dhaqaale Jeebkiisa ku dhaca ku Guranaayey

0
Monday December 04, 2017 - 04:22:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad weyn: Wasiirada Madaxtooyadda iyo Duulista oo Madaarka Hargeysa Qaybta VIP-da ku Wareejiyey Shirkad Kireysa + Dhaqaalaha kasoo baxaya oo ay kula shuraakoobeen Ganacsade Muniir Abu Site, Heerka Musuq-maasuqu gaadhay iyo Xeeladaha Wasiir Maxamud Xashi 7-sanno Dadka dhoofa iyo kasoo degga uu dhaqaale Jeebkiisa ku dhaca ku Guranaayey

    Fadeexad weyn: Wasiirada Madaxtooyadda iyo Duulista oo Madaarka Hargeysa Qaybta VIP-da ku Wareejiyey Shirkad Kireysa + Dhaqaalaha kasoo baxaya oo ay kula shuraakoobeen Ganacsade Muniir Abu Site, Heerka Musuq-maasuqu gaadhay iyo Xeeladaha Wasiir Maxam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad weyn: Wasiirada Madaxtooyadda iyo Duulista oo Madaarka Hargeysa Qaybta VIP-da ku Wareejiyey Shirkad Kireysa + Dhaqaalaha kasoo baxaya oo ay kula shuraakoobeen Ganacsade Muniir Abu Site, Heerka Musuq-maasuqu gaadhay iyo Xeeladaha Wasiir Maxamud Xashi 7-sanno Dadka dhoofa iyo kasoo degga uu dhaqaale Jeebkiisa ku dhaca ku Guranaayey
Hargeysa(Xogreebnews)- Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Iyo Wasiirk Duulista iyo hawada Farxaan Aadan Haybe, ayaa la sheegay inay kireyeen, isla markaana durba wareejiyeen qaybta VIP-da ee Madaarka Magaaladda Hargeysa, kuwasoo gacanta u geliyeen Shirkad Kamid ah kuwa Diyaaraddaha ee ka hawlgala dalka, Laguna magacaabo Daalo, oo u wakiilka yahay ganacsadaha lagu magacaabo Muniir Abu Site. Waxana halkaa lagaga qaadaya dadka wax soo dhoweynaya ama doonaya inay maraan markay dhoofayaan Lacag badan, taasoo xadigeedu yahay $ 30 Dolar qof kastoo gudaha u gala qaybta VIP-da ee Madaarka Hargeysa.
Dhaqaalahan $30-ka Doolar ah,  ee laga qaadayo Dadka gala VIP-da Madaarka Caasimada, ayaa ujeedada kooxdani ka leedahay tahay inay damacsan yihiin in dhaqaalaha kasoo baxaa uu jeebkooda si gaar ah ugu dhaco, iyaddoo dakhligan ururintiisa loo xil-saaray Ganacsaha Muniir Abu Site, oo ay ku shuraakoobeen Wasiiradda.
Tallaabadan ayaa kamid ah musuq-maasuqa xadhkaha goostay ee masuuliyiinta Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilalka ka hayaa Farah kula jiraan, isla markaana hantidii qaranka ee ay Dawladdu maamuleysay ka dhigay wax ay Iibiyeen iyo sidoo kale waxay Shirkado saamiyo ay ku leeyihiin ku wareejiyeen.
Hase-ahaatee, 6-sanno ka hor ayey ahayd xilligii Wasiir Maxamuud Xaashi oo waqtigaa ahaa Wasiirka Duulistu uu dakhli Jeebkiisa ku dhaca kusoo roggay dadka ka dhoofaya iyo kuwa kasoo degaya, iyaddoo ilayo hadda oo u yahay wasiirka Madaxtooyadda uu qaato $10-ka Doolar ee dadkaas laga qaado iyo weliba lacagaha kale ee lagu qaado Albaabka Madaarka ay wasiirka u maamusho Shirkad gaar ahi. Sidaas daraadeed qorshahan cusub ee wasiirka madaxtooyadda iyo wasiirka duulistu hadda ku kireeyeen qaybta VIP-da madaarka, ayey damacsan yihiin inuu u maro jidkii hore ee ay cashuurta ku guran jireen.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha la doortay ee dhowaan la wareegi doona tallada qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa looga fadhiya inuu hantidan qaranka ee siffaha khaldan dakhligooda ay jeebka ugu qaatan masuuliyiinta xilka degayaa usoo celiyo, waxa kaloo looga fadhiyaa inuu baabiyo Shirqoolada qaranka lagu dhaxal wareejiyey ee ay Kamid tahay cashuuraha goobaha Dawladda ee dadka laga qaadayo, sida lacagaha Madaarka iyo boqolaal goobood oo dakhliga kasoo baxa masuuliyiinta Xukuumada dhacday ee Kala wareegi doono umadda ku musuqmaasuqeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured