Gubashada Guriga Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Sababta Dabka Dhalisay oo Xiiso-yeelatay

0
Tuesday December 05, 2017 - 01:08:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gubashada Guriga Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Sababta Dabka Dhalisay oo Xiiso-yeelatay

    Gubashada Guriga Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Sababta Dabka Dhalisay oo Xiiso-yeelatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gubashada Guriga Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Sababta Dabka Dhalisay oo Xiiso-yeelatay

Hargeysa(Xogreebnews)-Guriga Magaaladda Hargeysa uu ka degen yahay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Cabdi, ayaa Dab Shalay qabsaday, kaasoo uu ka dhashay khasaare isaggu jiray Mood iyo Maal. Lama ogga sababta dhabta ah ee keentay Dabka Guriga qabsaday, balse Taliyaha Ciidamada Dab-demiska Somaliland, waxa uu sheegay in Dabku ka bilaabmay qaybta fadhiga ee Guriga Wasiirka, kuna fiday kolkii dambe qolka Hurdada, hase-ahaatee Ciidamada Dab-demisku hawlgal kaddib ku guuleysteen inay Dabka ka badbaadiyaan inuu ku fiddo makhsinnada kale ee Guriga, oo tiradooda Taliyuhuu ku sheegay 11 qol inuu ka koobna Guriga Wasiirka Madaxtooyadda ee Dabku qabsaday.

Waxa kaloo Taliyaha Ciidamada Dab-demisku xusay in ciidamaddiisu hawlgalkii gurmadka Guriga ku xakameeyeen in Dabku u tallaabo dhisme Aqal kale, oo Guriga Dabku qabsaday ku barbar-qabsan, oo kamid ah dhismaha Guryaha Wasiirka, taliyuhu waxa uu intaa ku daray, inay Ciidamada Boolisku baadhis ku wadan sababta keentay Dabka, isla markaana natiijada baadhista kasoo baxda kol-kale Warbaahinta u sheegi doonaan. Taliyaha oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhii; "..Ilaahay mahaddii Dabkii maanta kacay, 11-kii maqsin qolkii fadhiga ee uu dabku ka kacay mooyaane, intii kale iyo hantidii taallayba waanu badbaadinay”.

Dhanka kale, Dabka qabsaday Guriga Wasiirka Madaxtooyadda waxa aad looga ilaaliyey in Warbaahintu ka qaado muuqaalo, sidaas darteed waxa ciidamada Boolisku xabsi-guri ku sammeeyeen Saxaafiyiin isku dayey inay Sawiiro iyo muuqaalo ka qaadan dhacdadaas. Wallow kolkii dambe lasoo daayey. Waxa kaloo Wararku intaa raaciyeen Ciidamada Booliska iyo askarta Ilaaladda Gurigu inay goobtaa ka caydhiyeen dhamaan dadkii Ra’yidka ahaa, gaar ahaan kuwii sitay Mobellada muuqaalada lagu qaato.

Lama garanaayo sababta iyo waxa keliftay inay Ciidamaddu diffaac adag oo ka daran Daminta Guriga gubanaya u galaan inaan Sawiiro iyo muuqaal toona laga duubin ama laga heli Guriga Dabku qabsaday ee Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, hase-ahaatee Warar iyo xogo laga helay ilo kala duwan, ayaa tibaaxay Sababta xallada u yeeshay in la ilaaliyo muuqaalka Guriga Wasiirka ee gubanaya inay ahayd Sheekadda Dabka keentay mid ku timi cadho ka kacday Biyo-hoostood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured