Daawo Xogreeb Tv: Shacab-weynaha Reer Sool oo ka Gadooday Hadalkii Gudoomiyaha Guurtida Saleeban, kuna eedeyey Qas, Heshiiska Khaatumo Iyo Somaliland-na ka Hadley. "..Guurtidu waa Inay Xilka ka Qaada Saleeban... Madaxweynaha Cusub waa Inuu Isna Tallaabo Cad oo sharciya Mariyaa".

0
Tuesday December 05, 2017 - 23:11:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xogreeb Tv: Shacab-weynaha Reer Sool oo ka Gadooday Hadalkii Gudoomiyaha Guurtida Saleeban, kuna eedeyey Qas, Heshiiska Khaatumo Iyo Somaliland-na ka Hadley. "..Guurtidu waa Inay Xilka ka Qaada Saleeban... Madaxweynaha Cusub waa Inuu Isna Tallaabo Cad oo sharciya Mariyaa".

    Daawo Xogreeb Tv: Shacab-weynaha Reer Sool oo ka Gadooday Hadalkii Gudoomiyaha Guurtida Saleeban, kuna eedeyey Qas, Heshiiska Khaatumo Iyo Somaliland-na ka Hadley. "..Guurtidu waa Inay Xilka ka Qaada Saleeban... Madaxweynaha Cusub waa Inuu Isna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Xogreeb Tv: Shacab-weynaha Reer Sool oo ka Gadooday Hadalkii Gudoomiyaha Guurtida Saleeban, kuna eedeyey Qas, Heshiiska Khaatumo Iyo Somaliland-na ka Hadley. "..Guurtidu waa Inay Xilka ka Qaada Saleeban... Madaxweynaha Cusub waa Inuu Isna Tallaabo Cad oo sharciya Mariyaa".

 Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Aadan Maxamuud, ayaa sheegay in qodobbada ay xukuumadda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo ku kala saxeexdeen magaalada Caynabo bishii October ee sannadkan 2017 aannu weli ahayn heshiis rasmi ah.

Waxa kaloo uu Guddoomiye Saleebaan tilmaamay in soo jeedinta ay labada dhinac kala saxeexdeen heshiis qaran nodon doono marka loo soo gudbiyo laba gole ee Guurtida iyo Wakiillada, kadibna ay ansixiyaan.

Heshiiska ay ka saxeexdeen dawladda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo bishii October ee sannadkan 2017, waxa uu ka kooban yahay toddoba qodob oo kala ah;

  1. In la helo caddaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
  2. in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland.
  3. in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wadahadal iyo jid nabadeed.
  4. in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.
  5. In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood-qaybsi ku dhisan caddaaladda iyo sinnaan, guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
  6. In dawladda Somaliland, ururrada samofalka iyo hay’adaha Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka hawlgalaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
  7. In ciidammada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo waddanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.

Hasa yeeshee, Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyey fadhig Golaha Guurtidu yeesheen shalay, ayaa sheegay in heshiiskan dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo aannu weli ahayn heshiis rasmi ah.

"Heshiiskan Madaxweynaha iyo Khaatumo arrintiisu waxa ay weli joogtaa Madaxweynaha iyo Cali Khaliif, heshiisna maaha ee waa soo jeedin, ha soo gudubto, waana inay labada goleba martaa oo ay ansixiyaan markaas ayuu heshiis qaran noqonayaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay falalka rabshadaha ee ay magaalooyinka ka dhex sameeyaan dhallinyarada koox-kooxaha isku disha, waxaannu yidhi; "Dhallinyaradu meel ay joogtaba way ficiltamaysaa adduunka oo dhan, meel ina dhaantaana ma jirto, markaa aynu ducaysano oo Ilaahayoow noogu wad aynu nidhaahno. Mida kale dhallinyaradu imminka masaajidkaba kama baxdo waana in yar oo kooxo ah amma kooxo yar oo iyagu is eryada.”

Waxa Guddoomiyuhu uu ka codsaday Guddida Nabadgelyada ee Golaha Guurtida inay xog-warraysi la xidhiidha rabshadaha dhallinyarada la yeeshaan ciidanka booliska iyo hay’adaha garsoorka Somaliland.

"Markaa guddidiina nabadgelyadu soo mara booliska oo soo warsada, talo weydiiya, maxaa dawo ah, una sii gudba dhinaca Maxkamadaha oo iyagana talo soo waydiiya oo iyagana arrimahan way soo maraane, markaa bal aynu eegno maxaa la inooga baahan yahay?

Haddii shuruuc la innooga baahan yahay, markaas ayeynu shuruucdii diyaarin doonaa, markaa guddida nabadgelyadu warbixin ha inoo keento, markaa wixii aynu ku darsan karno aynu ku darsano,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured