Faysal Cali Waraabe oo Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Kula Meehanaabaya Inuu Soo Dhiso Dawlad Wadaag ah, Xilal-na Ugu Magacaabo Shaqsiyaad ka Tirsan NGO-Ucid Iyo Qorshihiisa oo Sharciyadda dalka Baabinaya, Kana soo Hor-jeeda Dastuurka Qaranka..

0
Wednesday December 06, 2017 - 01:40:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe oo Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Kula Meehanaabaya Inuu Soo Dhiso Dawlad Wadaag ah, Xilal-na Ugu Magacaabo Shaqsiyaad ka Tirsan NGO-Ucid Iyo Qorshihiisa oo Sharciyadda dalka Baabinaya, Kana soo Hor-jeeda Dastuurka Qaranka..

    Faysal Cali Waraabe oo Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Kula Meehanaabaya Inuu Soo Dhiso Dawlad Wadaag ah, Xilal-na Ugu Magacaabo Shaqsiyaad ka Tirsan NGO-Ucid Iyo Qorshihiisa oo Sharciyadda dalka Baabinaya, Kana soo Hor-jeeda Dastuurka Qaranka..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe oo Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Kula Meehanaabaya Inuu Soo Dhiso Dawlad Wadaag ah, Xilal-na Ugu Magacaabo Shaqsiyaad ka Tirsan NGO-Ucid Iyo Qorshihiisa oo Sharciyadda dalka Baabinaya, Kana soo Hor-jeeda Dastuurka Qaranka..
Xogo tibaaxaya dawlad dhaf ah(Coalition Gov’t).
Dhegaha ayaa taagan shacabka,culumada oo iyana dhinacooda la guclay naya inaanay awooda hogaamineed ka siiban,madaxdhaqameedka oo iyana koofiyado cusub kula dul meeraya madaxtooyada,waxa iyana ku soo darsamay xisbiyada mucaaridka ah oo u tafa xaydan siday masuuliyiin ka
tirsan ucid iyo waddani uga mid noqon lahaayeen xukuumada cusub ee dhismaheeda laga sugaayo madaxweynaha cusub Md.Muse iyo kuxigeen-kiisa
Md.Saylaci.
Xogo lagu kalsoon yahay ayaa naga soo gaadhaya masuuliyiin ka tirsan
xisbiga mucaaridka ah ee UCID.Xogahaasi waxay noo cadeeyeen kulamo ay
wada yeesheen Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng faysal iyo madaxweyne Muse. inay ka wada hadleen caqabadaha hortaagan Madaxweynaha iyo weliba qaab. Dhismeedka xukuumada laga saadaa-linayo dhowaan inuu ku dhawaaqi doono
Madaxweyne Muse.
Masuuliyiinta xisbiga ucid waxay ku dareen Eng Faysal waxuu u soo
jeediyay Madaxweyne Muse inuu soo dhiso dawlad dhaf ah(Coalition
government),kana soo qaato xubno ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah
gaar ahaan xisbiga uu hogaamiyo Eng Faysal ee ucid.
Arrintaas oo ah gebi ahaan ba mid meesha ka saaraysa habka loogu kala
guulaystay doorashadii dalka ka qabsoontay 13kii Dec 2017.
Dawlada dhafka ah(Coalition Gov’t) waxa adeegsada dawladaha nidaam
koodu yahay baarlaman(Parliamentary system),waana marka xisbiga ku
guulaystaa buuxin waayo tiradii sharciga ahayd ee kuraasta baarlamanka ayuu u baahdaa xisbiyada kale inuu qaar la xulufoobo si dawlad ay u soo wada dhisaan, balse nidaamka Jamhuuriyada Somaliland uu adeeg-sadaa
nidaamka Madaxweynaha shacabku soo doorto(Presidential system).
Waxa hadaba isweydiintu tahay: Ma qaadan doonaa Madaxweyne Muse
talada ka leexsan nidaamka dalka ee Eng Faysal?
Waxaan ku soo afmeerayaa: Xaajaba la yaab lee bal aan qodo xabaalaha!
Waa qalinkii:Taraby Xasan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured