"Waxaan Sheeganayaa Halganka Dimuquraadiyadda Somaliland, M. Kaahin iyo-na waxay Sheegtan Halgankii kale.." Md. Daahir Raaye Kaahin

0
Wednesday December 06, 2017 - 02:17:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Sheeganayaa Halganka Dimuquraadiyadda Somaliland, M. Kaahin iyo-na waxay Sheegtan Halgankii kale.." Md. Daahir Raaye Kaahin

    "Waxaan Sheeganayaa Halganka Dimuquraadiyadda Somaliland, M. Kaahin iyo-na waxay Sheegtan Halgankii kale.." Md. Daahir Raaye Kaahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Sheeganayaa Halganka Dimuquraadiyadda Somaliland, M. Kaahin iyo-na waxay Sheegtan Halgankii kale.." Md. Daahir Raaye Kaahin
Hargeysa(Xogreebnews.com)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay inuu yahay Aabbihii Halganka Dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland bilaabay, waxaanu sheegay inuu Afar doorasho qabtay intii uu xilka hayey, isla markaana uu dalka u yimi ka qaybgalka Caleemo-saarka Madaxweynaha beddelaya Madaxweynihii isaga beddelay ee uu xilka ku wareejiyey.
Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ay wehelisay Marwadiisa Huda Barkhad Aadan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey maanta Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay ku qaabbileen Xubno Wasiirro ka ahaa Xukuumaddiisii iyo Xisbigii UDUB, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Xilku ka dhammaaday ee Madaxweyne Siilaanyo Xubno Wasiirro kka ah, waxaanu sheegay in lagu soo casuumay Caleemo-saarka Madaxweynaha shanaad ee Somaliland ee la doortay 13-ka bishii hore, lana caleemo-saarayo 14-ka bishan aynu ku jirno Muuse Biixi Cabdi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured